DHEGAYSO: Wasiirka Madaxtooyada oo dalka ku soo laabtay kana War-bixiyey natiijada Socdaal uu muddo todobaaddo ah ku gaadhay Dalka Ingiriiska

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji xasan oo safar shaqo ugu maqnaa dalka ingiriiska ayaa maanta ku soo laabtay dalka, waxaanu ka soo degay madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport ee magaaladda Hargeysa.

Wasiirka wasaarada madaxtooyada waxa si diiran halkaasi ugu soo dhaweeyay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, xildhibaano, Salaadiin iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumadda.

Wasiir XirsiWasiirka wasaarada madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo qolka nasashada ee madaarka warbaahinta ugu waramay ayaa sheegay in uu si weyn uga mahad celinayo jaaliyada Somaliland ee London oo uu tilmaamay in si diiran ay u soo dhaweeyeen isla markaana ay door laxaad leh ka qaateen hawshii qaadhaan ururinta wadooyinka ee ay halkaasi u tageen.

DHEGAYSO:

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net