DHEGAYSO: Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Wefti ballaadhan u hoggaamiyey Caasimadda Ethiopia iyo Ujeeddada Socdaalkooda

Hargeysa (SLpost)-  Wefti ballaadhan oo ka kooban Wasiirro iyo xildhibaano oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa shalay ka amba-baxay magaalada Hargeysa iyaga u kicitimay Caasimadda Dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Weftiga oo la filayo inay Somaliland u metelaan wada-hadallada Somaliya, ayaa waxa xubno ka ah Wasiirada Madaxtooyada, Xanaanada Xoolaha, Arrimaha Dibeda, Arrimaha Bulshada, halka Xildhibaanada la socdaana ay kala yihiin labada Guddoomiye ku-xigeen ee Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland iyo Xidhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe oo Isagu ka tirsan Aqalka Golaha Wakiillada.

weftigaWasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo qofka nasashada ee madaarka warbaahinta uga xog-warramay ujeeddada socdaalkooda, ayaa sheegay inay magaalada Addis Ababa ku sii hakan doonaan halkaas oo uu sheegay inay kaga qayb-galaan dood-cilmiyeed la xidhiidha wada-hadallada.

DHEGAYSO:

SOMALILANDPOST.NET