DHEGAYSO: Madaxweyne Siilaanyo oo Shan Sanno Ka dib Reer Gar-Adag uga Mahadceliyey Taageeradii ay siiyeen Wakhtigii uu Mucaaradka ahaa

Gar-Adag (SLpost)- Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maanta gelinkii dambe soo gaadhay magaalada Burco, ka dib markii uu soo maray degmooyinka Caynaba, Gar-Adag iyo Ceel-Afweyn oo ka kala tirsan gobollada Sanaag iyo Saraar, ka hor intii aanauy ka soo amba-bixin shalay gelinkii hore xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo oo uu dorraad xadhigga kaga jaray bilowga dhismaha waddada isku xidhaysa Ceerigaabo iyo gobollada kale ee dalka.

IMG_0679Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmooyinkaas, waxaanay isaga iyo masuuliyiintii la socotay dadweynaha ku dhaqan kala hadleen meel fagaare ah, iyaga oo ku guubaabiyey inay si ballaadhan uga qayb-qaataan tabarucaadka dhismaha jidka Ceerigaabo.

IMG_0648