DHEGAYSO: Madaxweynaha Somaliland oo Safar u Amba-baxay Dalka Itoobiya kana hadlay Arrimo Xaasaasi ah

SIILAANYOHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay u amba-baxay Dalka Itoobiya oo uu ka helay marti-qaad rasmi ah, waxaana madaarka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka qaadday diyaarad ay dawladda Itoobiya u soo dirtay.

Madaxweynaha Somaliland oo qofka nashada ee madaarka kula hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in socdaalkiisa Itoobiya la xidhiidho kulan uu dalkaas kula yeelan doono Raysal-waaraha Itoobiya oo marti-qaadka u fidiyey.

Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay isbeddelka siyaasadeed ee ka curtay hoggaanka maamul-goboleedka Puntland ee Somalia, waxaanu bogaadiyey sida nabadda leh ee ay ku qabsoontay doorashadii ka dhacday maamulkaas.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay wada-hadallada Somaliya iyo Somaliland iyo cidda dastuurka qaranku masuuliyadda u siiyey inay qaranka ku metelaan wada-hadalladaas.

Dhegayso