DHEGAYSO: Hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo Sharci-darro iyo Been-abuur ku tilmaamay Go’aan ay Shaaciyeen Shir-guddoonkii Shirweynaha 3aad ee Xisbiga

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa gaashaanka ku dhuftay oo qaaddacay sharcinnimada Liisaska Magacyada iyo tirada xubnaha Golaha dhexe iyo Guddiga Fulinta ee Xisbigaas oo ay habeen-hore Hargeysa kaga dhawaaqeen Xubnaha Shir-guddoonkii Shirweynaha saddexaad ee KULMIYE oo bishii hore la qabtay.

Hoggaanka-KULMIYEGuddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha Golaha dhexe ee wakhtigiisu dhammaaday Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) iyo Xoghayaha guud ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, ayaa Shir Jaraa’id oo ay maanta galab ku qabteen xarunta Xisbiga ee magaalada Hargeysa, waxay ku sheegeen in Liisaska ay Shirguddoonkii Shirweynihii saddexaad ku dhawaaqeen habeen-hore yahay mid sharci-darro ah iyo awood aanay sharci u lahayn, isla markaana aanay oggolayn oo aanay waxba ka jirin sharcinnimadooda.

DHEGAYSO

SOMALILANDPOST.NET