DHEGAYSO: “Haddii ay Madaxda Puntland Maanta soo weerari waayaan Somaliland cid dambe oo reer Puntland ah oo soo weerari kartaa ma jirto…”

Md Xasan ciise JaamacHargeysa (SLpost)- Madaxweyne Ku-xigeenkii labaad ee Somaliland Md. Xasan Ciise Jaamac, ayaa sheegay hadday Madaxda bishii hore loo doortay Puntland maanta soo weerari waayaan Somaliland inaanay jirin cid dambe ee Puntland ah oo soo weerari kartaa.

Xasan Ciise waxa uu sheegay inay ahayd inay Xukuumadda talada haysaa dalka dagaal u diyaar-garayso, hase-yeeshee ay ku mashquushay qaybi oo xukun sidii Gumaystaha oo kale, taasoo uu sheegay inay dalka iyo dadkaba baabbinayso, siyaasadda Somaliland-na dhabar jab ay ku tahay. Waxaanu Xasan Ciise ku taliyey oo uu Xukuumadda u soo jeediyey inay samayso wada-tashi iyo inay dadka midayso, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay jidka keliya ee guusha lagu gaadhi karo.