DHEGAYSO – Guddoomiye Faysal oo Mar kale Seefta Galka kala baxay “Mucaaradka waa la midaynayaa, Waxaanu tusaynaa in iyaga (Xukuumadda) aanu koomo galino”

FAYSAL-NEWONEHargeysa (SLpostl)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka dareen-celiyey cambaareyn Guddida diiwaangelinta Axsaabtu ugu jeediyeen xubinimada Golaha WADA-TASHIGA ee Sharci-darrada lagu tilmaamay maadaama oo uu hoggaamiyo mid ka mid ah Axsaabta Qaran ee Dalka.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo daba-socda Dalab Guddidaasi shalay Xisbiga UCID ugu gudiyeen inay tallaabo ka qaadaan guddoomiyahooda, ayaa ku dooday in xukuumaddu ka dambaysay qorshahaas, isla markaana laga raacay sir uu sheegay inuu Fashiliyey.

Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu isku mesaalay Nin u dhashay Dalkaasi Maraykanka oo Sirta Dalkiisa oo uu fashiliyey awgeed waddamo shisheeye ka raadsanaya magan-galyo siyaasadeed.

Radio Jawaabta Faysal ka Bixiyey Hadalkii Ciyaale

 

SOMALILANDPOST.NET