DHEGAYSO: Guddoomiye Cirro oo ka Hadlay Sababtii Dib loogu Dhigay Fadhigii Golaha Ee Maanta, Mooshinno Xukuumaddu Wadato, Shacabkana ugu baaqay Feejignaan

ciro“Shirka maanta waxaanu dib ugu dhignay codsi ka yimi Golaha Guurtida; odayaasha oo uu hoggaaminayo ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Guurtida, ayaa iyagu dareenkooda ku yimi, codsina umaanaan dirin, iyagaana dalbaday in Golaha maanta (shalay) loo hakiyo. Markii aanu Golaha Hakinayna, way ii yimaaddeen oo waxay yidhaahdeen waxaanu u baahannahay maalmo dheeraad ah si ay hawsha ay u socdeen u dhammaystirtaan, in kastoo aanay wax tafaasiil ah isiinin.”