DHEGAYSO: Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo Xukuumadda ku Dhaliilay inay Ka Gaamisay Masuuliyaddi lagu Aaminay ee Ilaalinta Qaranida Somaliland iyo Arrimo kale

FAYSAL-NEWONEHargeysa (SLpost)- Guddomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa Xukumadda Xisbiga Kulmiye ku eedeyey inay waajibaadkii iyo masuuliyaddii ka saarnayd siyaasadda iyo difaaca Qaranka kaga mashquushay Sidii ay Xisbiyada Mucaaridka taako ugu dhigi lahayd.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu xusay in Xukumaddu ku fashilantay inay Jawaab ka bixiso Faro-galinta maamul goboleedka Puntland ku sameeysay Xuduudaha Somaliland, gaar ahaan degmada Taleex ee gobolka Sool oo dagaallo lagu huubtay dhowaan ku dhexmareen ciidamada Puntland iyo malleeshiyo beeleedyo deegaankaas ka tirsan.

Eng Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta ugu warramay Hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay sii-deynta Xukuumaddu sii daysay ninkii ku eedeysanaa Weerarkii lagu qaaday Xarunta Wergeyska Hubaal ee magaalada Hargeysa.

DHEGAYSO HADALKA GUDDOOMIYAHA

SOMALILANDPOST.NET