Dhegaysiga Kiis-dacwadeedka Masuuliyiin Eedo musuq u xidhan oo maanta Fadhigeedii Saddexaad ku qabsoomay maxkamadda Gobolka Hargeysa

Hargeysa (SLpost)– Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa maanta ammaankeeda aad loo adkeeyey ka dib markii maxkamadda la keenay masuuliyiin Eedo musuq u xidhan, waxaana maanta la gudo galay dacwadda kiiska loo haysto oo fadhigii saddexaad maraysa.

Xubnaha u xidhan Eedaha Musuq-maasuq oo maxkamaddu kiiska dacwaddooda dhegaysatay laba kulan oo hore, ayaa kala ah Guddoomiyihii gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje), Agaasimihii hore ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cilmi Dirir, La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cismaan Siciid Jaamac iyo xubno kale oo eedahan loo soo xidhay.

Laba fadhi oo hore ayey Maxkamadda gobolka Hargeysa ku dhagaysatay dacwadda loo haysto xubnahan Xukuumadda ka tirsanaan jiray, maanta waxa si rasmiya abbaaro 9:00-kii subaxnimo si rasmi ah uga bilaabmay fadhiga saddexaad ee dhagaysiga dacwadda kiiska musuqmaasuq ee loo haysto xubnahan.

Waxa la mabnuucay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyada oo la xaddiday isu socoda dadka ee agagaarka Maxkamadda, iyada oo dadweynaha iyo gaadiidka loo diiday inay maraan jidka maxkmadda gobolka hormara, waxaana la arkayey ciidamo boolis ah oo aad loo soo dhoobay isla markaana ammaanka maxkamadda laga adkeeyey sidii labadii fadhi ee hore.

Fadhiga maxkamadda ee maanta, oo xataa maanta loo fasaxay hawlihii ama shaqadii maxkamadda degmada Hargeysa oo dhinac Koonfureed kaga dhegsan maxkamadda dacwaddu ka socotay, isla markaana dadkii ay dacwaduhu u yaaleen ay ka buuxeen gudaha maxkamadd degmada, waxa aad u dheeraaday muddada lagu gudo jiray dhegaysiga kiiska oo lagu dhegaysanayey markhaatiyo loo qoondeeyey fadhiga saddexaad ee dhegaysiga Dacwadda.

In kasta oo aanay maxkamaddu weli go’aan ka qaaday kiis-dacwadeedkan, haddana markhaatiyeyaashii goobta la keenay labadii kulan ee hore ayaan ilaa hadda laga hayn caddayn tilmaamaysa in masuuliyiintani ay wax dambi ah ku leeyihiin eedaha ay u xidhan yihiin.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net