Dheemmanta Nolosha

Qiimaha uu aadmuhu u yeelay dheemmanta ayaa ka dhigay mid ka qiimo badan dhagaxa. Sidoo kale dhagaxuna maaha mid la qiimo ah dheemmanta, meel kasta oo ka mid ah oogada dhulka ayaa laga helaa dhagaxa balse dheemmanta waxaa laga helaa goobo cayiman iyo meelo gaar ah oo kaliya. Shay kasta oo ka mid ah noolaha iyo ma noolaha arladan Rabbi uu ku uumay iyana way kala qiimo badan yihiin oo shay kastaaba gaar ahaantiisa ayuu u leeyahay qiimo uu kaga duwan yahay ka kale. Ma jiro noole iyo ma noole ku guud nool adduunka oo aan lahayn faa’ido iyo wax laga dheefo, shay kastaaba nolosha meel ayuu ka buuxiyaa si ay u suurto gasho nolol dhamays tiran.

Noloshu waa maalmo tirsan oo aynnu marti ku nahay adduunka Rabbina maalmahaas kooban ee aynnu ku nool nahay adduunka wuxuu inoogu deeqay cimri iyo wakhti aynnu ku noolaanayno adduunka. Wakhtiga aynnu ku nool nahay adduunku waa mid kala qiimo badan, kala tamar badan, sidoo kalena kala wax qabsi iyo kala karti badan. Dheemmanta noloshu waa dhallinyarnimada. Dhallinyarnimadu waa dheemmanta nolosha, waa wakhti ka qiimo badan dhammaan sannadaha aad ku guud nooshahay adduunka, waa wakhti Rabbi si gaar ah kuu su’aali doono maalinta dambe iyo xisaabta.

Dhallinyarnimadu waa da’ u dhaxaysa laba da’ood, waana marxalada uu qofku ka soo gudbay koriin iyo dhallaanimo, gabaw’na aanu wali gaadhin.  Waa xilli karti, tamar, caqli iyo garaad ba ruuxa aadamaha ahi uu yahay mid  dhamays tiran. Dhallinyarnimadu waa marxalad aad u qiimo badan oo aan dib u soo laaban, sidoo kalena loo soo ceshan Karin . Gabayaagii carbeed waa kii lahaa” hoogaygee yaa maruun isoo celiya dhallinyarnimadaydii, aan ugu sheekeeyo gabowga iyo ciradu waxay i badeene”. Sidoo kale dhallinyarnimadu waxay ka mid tahay tallooyinkii iyo dardaarankii uu ergaygii Alle inooga tagay NNKH, ” ka faa’idayso dhallinyarnimadaada ka hor inta aanad gaboobin, waxa uu ahaa dardaarankii rasuulka”.

 

Waxaa kale oo aad maanka iyo maskaxda ku haysaa in Rabbi maalinka aakhiro ku su’aali doonaa dhammaan wakhtigii aad ku noolayd adduunka iyo waxad ku bixisay wakhtigaas, si gaar ahna wuxuu Rabbi kuu su’aali doono dhallinyarnimadaadii iyo wakhtigii aad ahayd mid u dhamays tiran caqli iyo jidh ahaan waxa aad ku bixisay. Waxaa xusid mudan in dhallinyarnimadu xagga Eebbe ay ka tahay qaali. waana sababta aan akhriste kuu idhi dheemmanta noloshu waa dhallinyarnimada, waa fursad aad haysto hal mar oo aan dib kuugu soo laaban Karin. Waa wakhti aanad iibsan Karin soona xaddi Karin, waana da’ xoog iyo xeelad aanad ku soo heli Karin. Waxay ka mid tahay nimcooyinka uu Rabbi aadamaha siiyay, sidoo kale waa wakhti mudan in laga faa’idaysto qiimaha ay leedahay dhallinyarnimadu iyo wakhtiga qaaliga ah ee ku lammaan inta aysan ku dhaafin, maahmaah carbeed ayaa ahayd ” wakhtigu waa seef, jar ka hor inta uusan ku jarin”.

Hantida dhabta ah ee ay ummadi leedahay waa dhallinyada, bulshana cidda u ah laf dhabar waa jiilka iyo hadba dhallinta u soo kacaysa, sidoo kalena dhallinyartu waa muraayada laga dhugan karo mustaqbalka ay ummadi leedahay. Waa cidda dib u dhigi karta, horumar’na gaadhsiin karta bulsho iyo dad meel ku nool. Cududda iyo xooga, maanka iyo maskaxda, kartida iyo tamarta dhallinyarnimo waa arrimo mudan in laga faa’idayso, sidoo kalena looga faa’ideeyo bulshada iyo dadka aad ku dhex nooshahay.

Dhallinyarnimadu waa dheemmanta nolosha, sida ay qaali u tahay dheemmantu ugana qaalisan tahay dhagaxaanta la midka ah ayay dhallinyarnimaduna uga qaalisan tahay da’da ay ka midka tahay. Waxaa waajib ku ah ruux kasta oo ka mid ah bulshadeenna in uu ku dadaalo ka faa’idaysiga da’diisa gaar ahaan dhallinyarnimadiisa,  si uu u noqdo mid guulaystay aakhiro iyo adduun ba.

 

Maxamed Xasan Kharash

Boorama-Soomaalilaand

Email: Maankaab93@gmail.com

Tell: +252 63 4141779