DHEEMANTII GOL JANO

Waxay ahayd goor casar ah, waxaan socday wadada kasoo dhaadhacda Radio Hargeysa ee loo yaqaano TOGDHEER, magaranayo in bas aan raaco aan waayay iyo in meel gaaban aan kusocday ee waa halkay riyadaydu kabilaabantay. Markaan marayo halka ay ku kulmaan wadada cusub ee GOL JANO iyo wadada TOGDHEER ee loo yaqaano KAABADA wax loogu bixiyay isgoyskaas KAABADA magaranayo laakiin dadka qaar aan waydiiyay maalin ayaa iisheegay inay meesha kaabad wayn ay ku ooli jirtay, cidii kusamaysay kaabada iyo sababta loogu sameeyay midna maan sii daba galin sababtoo ah kaabadu haddeer meesha kumaba taalo ee magaceedii ayaa ka hadhay.

Qofkii arkay ayaa arkaye waa isgoys caana jihada bari waxaa kaxiga suuqa wayn ee GOBONIMO, koonfur waxaa usocota wadada TOGDHEER, galbeed waxaa usocota wadada cusub ee GOLJANO, woqooyina waxa usocota wadada ka timi IDAACADA. Dadka baska la socda ee kayimi xaafada IDAACADA ama xaafada XERO-AWR qaar kamid ah ayaa kudaga goobtaas wiilasha baska lasocdaa way yaqaanan waxaanay rakaabka kuyidhaahdaan yaa kudagaya KAABADA.

Waa isla isgoyskii waxaa wadada dhinaceeda galbeed meesha dooxa udhow taagan laba wiil oo dhalinyaro ah oo kuwa gaadhiyada dadka umasaxa aan umaleeyay sababtoo midkood ayaa marada gaadhiyada lagu masaxo garabka usaarnayd iyo nin aan umaleeyay inuu hindi yahay oo timo jilicsan oo madaw leh , labada wiil midkood ayaa aad uxanaaqsan wuxuu ku doodayaa inuu isagu inta ugu badan helay, ninkii ajnabiga ahaa wuu iskaga tagay hase yeeshee labada wiil wali way murmayaan , sida dhaqanka ah somalidu way necebtahay inay daawadaan laba qof oo murmaya waa la dhexdhexaadiyaa,laba nin oo dadka wadada marayay kamid ah ayaa kuweecday ana waan ku sadex noqday waxaan dhexgalnay labada wiil meeshaasina waa halkaan sirta ka helay.

Labada wiil mid kamid ah ayaa wuxuu ii sheegey inuu jiro guri dunsan (kharaabad) oo goljano kuyaala kaasi oo aan dib loodhisin ilaa dalka lagu soo noqday wuxuu ii sheegay inay galab kasta tagaan oo ay kasoo guraan dhagaxaan aad uyaryar oo cad cad sida quruuraxana u eeg oo guriga hareerihiisa kabuuxa kadib waxaanu ka iibinaa nin ajnabi ah , waxaan uqaatay inaanu lasocon wiilku inaan arkay ninka uu sheegayo. Wuxuu iisheegay gurigu inuu kuyaalo meel taag ah ama buur lamood ah guriga waxaa aqal soomaali kadhex dhistay nin suufiya, waxaanu ninkaasi guriga iyo agagaarkiisa kamaqan yahay salaada casar kadib ilaa maqribka, waa waqtiga ugu haboon ee aad soo arki karto gurigan iyo dheemanta dhex ceegaagta.

Maalintii dambe waxaan go,aan ku gaadhay inaan raaco wiilka oo soo ogaado waxa kajira dheemanta goljano, waxaanu si dhuumasho ah kutagnay gurigii dunsanaa, gurigu wuxuu leeyahay dayr aad ubalaadhan hase yeeshee waa dayr ay ka muuqato diif iyo daranyo badan

waxaa kuyaala godad iyo daloolo badan oo kasoo gaadhay rasaasta noocyadeeda kala duwan oo guriga kudhacay dagaaladii lagaga soo horjeeday dawladii maxamed siyaad bare guriga laftiisu malaha jiingada sare ,malaha daaqado mana laha albaabo, intuba way kamaqan yihiin

Waxaa igashay cabsi ah inay miino meelahan ku aasan tahay oo lugaha iga jarto, marna waxaaban kabaqay in walxaha qarxa meelahan lagaga tagay aan gacanta la helo oo gacmaha I jarto, hase yeeshee wiilka ila socdaa wuxuu usocdaa si kalsooni leh waayo maalin walba meesha wuu yimaadaa, islamarkiiba wuxuu bilaabay inuu baadho dhagaxaanta uu rabo ee dartood uu meesha uyimi, intuu wiilku dhagaxaanta raadinayo aniga waxaa igashay qiiro waxaan xasuustay dalka markii lagu soo noqday siduu ahaa, in dhamaan guryaha oodhami sidan ahaayeen, waxaan xasuustay in la odhan jiray meesha raad maray hala maro, waxaan xasuustay inaan ku cayaari jirnay rasaasta noocyadooda kala duwan oo sida xaabada cuntada lagu karsado utaala dhulka, waxaan xasuustay in wiilashii aan isu xaafada ahayn qaar kamid walxaha qarxa ay lugaha iyo indhahaba tireen ilaa maantana aan arko iyagoo qaarkood gacmo beelay qaarkoodna lugaha belay, waxaan xasuustay in cusbitaalka wayn eemagaalada hargeysa uu ahaa cusbitaalka kaliya oo isagoo dunsan lagu shaqayn jiray dhakhaatiirtu ay aad uyaraayeen hadana lagu faraxsanaa magaalada dacal ilaa dacal looga iman jiray, farmasi daawada laga helaa aanu jirin ama uu aad uyaraa, dugsiyada tacliinta lagu dhigto waxa aan kufadhiisan jirnay daasado oo ay ahaayeen bilaa daaqado, bilaa albaabo qaarkoodna ay bilaa jiingad ahaayeen,waxaan dhex galay xasuus aad uqiiro badan oo aad moodo inaan maanta dhex taaganahay 1991 ilaa 1994 intii udhaxaysay waxaan ufiirsaday meesha maanta magaalada hargeysa iyo dalka intiisa kalaba ay marayaan sida nabadgalyada, caafimaadka, waxbarashada, iyo horumarka dhinaca technology ga. Anigoo aan hal dhagax meesha ka qaadan ayaa waxaa isoo dul istaagay ninkii suufiga ahaa ee guriga kujiray, wuxuu iqabtay garabka wuxuu igu yidhi kumaad ahayd?. Anigoo aan kajawaabin oo naxsan ayaa waxaan arkay xaaskayga oo garabka ihaysa oo ileh Axmed salaadii casar waa la adimay ee kac masaajidka kusoo tuko. Markaliya ayaan neef wayn iga soo booday oo waxaan arkay inaan jiifo gurigayga markii aan kasoo baxay salaada casar ayaan is waydiiyay armaa gurigaa dunsan (kharaabada ) ah uu yahay mid dhaba oo uu kuyaala goljano kkkkkkkkkkkkk cidii gurigaas aragta ha ila soo xidhiidho.