Dheelallo

Gabayga “Dheelallo” Waa gabay ka hadlaya dhibaatada Tahriibta iyo Dhoofka Dibadaha layska joogo Inaanu Faa’iido adduuun iyo mid aakhiro midna lahayn ..

  1. Dha’da gabayga waayadan ma curin, dhihitin kiisiiye
  2. Dhumucdiyo mullaaxdii markuu, waayay baan dhigaye
  3. Dhafan-dhaaf markii loo tirshee, dhuuxa laga saaray
  4. Dhafoor-xiirtu goortay tirsheen, waan ka dhiidhiyaye
  5. Misna dhaadanaan maaya oo, waa I dhibayaaye
  6. Balaan dhololo maantoo kalaan, Dhiilla mariyaaye
  7. Gabay wali dhud buu leeyihiyo , dhaabad iyo qaabe
  8. Dhugmo iyo waxaa loo tirshaa, maan lasoo dhuraye
  9. Ujeeddooyin dhaadheer ayaa, Loo dhigaa Hadafe
  10. Dhibta iyo rafaadkiyo naxliga, dhaymo waw yahaye
  11. Dhimirkaaga maankiyo qalbiga, waa u dhaadhiciye
  12. Balaan dhuuxo maantana tixbaan, dhaab is leeyahaye
  13. Dhoof waa la aadaa ragoow, dhulalka gaaleede
  14. Waana loo dhibaatoon jiroo, maaha dhalanteede
  15. Nin waxbarasho dheeraada raba, oon dhulkani oollin
  16. Ama cudur dhibaayoo dawada, dhaanish lagu sheegay
  17. Ama diinta oo lala dhex maro, qoomka wada dhoohan
  18. Saddexdaa ninkii dhaafsan baa, diinta dhaawacaye
  19. Dheeldheel ha moodina inaad, Yurub dhex joogtaane
  20. Ka dhawrsada dadkaygoow xumaha, gaalka dhagartiisa.
  21. Dhallintii tahriibtaan lahaa, dhaayahow fura’e
  22. Dhul shisheeye kii aaday baan, soo-rogaal-dhicine
  23. Dhalandhoolka baahida markaad, dhugato waa yaabe
  24. Hablii dhiibsanaan jiray mar hore, dhixirki loo siibye
  25. Ragga dhiidhigoodii lawaa , Dhiigi kici laaye
  26. Saxaraha ku dhimataa amaba, doon dhexdeedaba’e
  27. Kol hadduu dhif iyo naadir yahay, nolosha ruux dhaadi
  28. Dhulkaagii inaad aamintaa , saw xal dhaba maaha ?!!

Xasan Daaci Abiib Faarax

Hargeisa, Somaliland

Sheeko Wadareed Bahda Hiilqalin/ Tahriib