Dhaxalkii askariga! Qaybtii Saddexaad

Iyada oo aan la kala reebin, ayaan-darrooyinkaas dalka ka dhacday oo dhan waxa mas’uul ka ahaa askarigii talada dalka xoogga ku qabsaday ee Maxamed Siyaad Barre. Alle ha u naxariistee qoraagii Soomaaliyeed ee Cabdiqaadir Cismaan Maxamuud (Cabdiqaadir Oromo), mar uu fasirayey hadalkii uu yidhi Maxamed Siyaad Barre ee ahaa: “Soomaaliya dal ayaan kaga imid, ee dad kagama iman” ayaa waxa uu yidhi: “hadalkan waxa uu Maxamed Siyaad uga jeeday  (isaga oo aragtidiisa ku salaynaya) Soomaaliya waxa aan kaga imid dad aan damiir ahaan u dilay, caqli ahaan aan cilmiga u diiday, wada-jira ahaanna aan beelo u kala qaybiyey, sidaas awgeedna waa dugaag aan dadnimadii ka kexeeyey oo aan dad lagu sheegi karin”. Waxa uu sidaas ku qoray Buuggiisa uu ugu magac-daray: “sababihii bur-burka Soomaaliya”. Midhihii laga goostay taladii uu askarigu majaraha u hayey, waxa ay noqotay mid aan hoog mooyee, marnaba hagaag laga dheefin. Hadii aad illaa iyo maanta u fiirsatana, muddo 25 sannadood ah ayaa uu dalka Soomaaliya xaalad fawdo iyo dawlad la’aaneed ku jiraa, weli ma is weydiisay maxaa keenay dawlad la’aanta rubuc qarniga gaadhay, ee weliba sida muuqata dhaafi doonta rubuc qarniga? Marka laga yimaado gacanta shisheeyaha ee Soomaaliya faraha kula jirta, xagga Soomaalida, waxyaabaha ugu waaweyn ee sababay in ay dawladnimo dhismi weydo, shaki la’aan waa dadka oo aan is aaminsanayn, oo uu qof walbaaba ka cabsanayo qofka kale, isla markaana uu is weydiinayo, hadii aad talada u dhiibta, armuu adigaba ku xasuuqaa isaga oo adeegsanaya awood dawladeed! Hadana ma is weydiisay, maxaa sababay is aamin la’aantan? Shaki la’aan waxa sababtay, taladii askarigii dayaysnaa ee Maxamed Siyaad Barre!

3.  Akhriste Soomaalida ayaa tidhaahda: “Mayd keebaa u dambeeyey”. Markaas ayey ku jawaabtaa: “mayd waxa u dambeeyey kaas la sii sido”. September 1, 1969-kii ayaa ay saraakiil dhallinyaro u badnayd af-gembi millatari kula wareegeen awooddii dalka Libya, iyaga oo xilka ka tuuray boqorkii dalkaas ka talinayey ee la odhan jiray “Idiriskii koowaad”, kaasi oo qalniin caafimaad oo lugta ah ugu maqnaa dalka Turkiga. Kadib af-gembigaas, waxa madaxweynihii dalka Libya loo magacaabay nin dhallin-yar ahaa oo ay da’diisu ahay 27 gu’, laguna magacaabi  jiry Mucammar Abu-manyaar Al-Qaddaafi, isla markaana ka mid ahaa saraakiishii ka qayb qaadatay af-gembigii xilka lagaga tuuray boqor Idiriskii Koowaad.

Hadalladii af-miishaarnimada u badnaa ee uu Mucammar Al-Qaddaafi ku taageeri jiray midnimada carabta, isla markaana uu ku deedafayn jiray waddamada reer Galbeedka ayaa waxa ay dhaxalsiiyeen in uu bilowgiiba helo taageero faro-badan oo ay ugu deeqeen shacbiga reer Libya. Balse maxaa ka dambeeyey!

Bil kadib af-gambigii uu dalka Libya ku qabsaday Qaddaafi, oo ku beegnayd bishii Ocotober sannadkii 1969-kii, ayaa waxa uu baabi’iyey oo uu diiday in la arko wax mucaarid ku ah dawladdiisa. Waxa uu isla markiiba awooddii dowladda hadiyad u siiyey qoyskiisii iyo qaraabadiisii oo ay soo raacaan kooxo ay xidid ahaayeen. Waxa uu khayraadkii dalka u xidhay qoyska yar ee dawladnimadiiba sanduuqa ku xidhay, waxaana la arkay shakhsiyaad muddo gaaban bilyaneero ku noqday. Waxa uu samaystay sir-doon uu ku baahiyey dhammaan meelaha ay joogaan mucaaridka Libya ee ku noolaa meelaha ka baxsan dalka Libya, waxaana ay sir-doonkaasi shir-qoollo qudh-gooya ah iyo argagixin joogta ah u geysan jireen cid kasta oo ka soo hor-jeedsata nidaamkii Mucammar Al-Qaddaafi, sidoo kale waxa uu geliyey ciidamadii Libya dagaallo badan oo ka baxsan dalka Libaya, kuwaasi oo dhaawacyo waaweyn u geystay dhaqaalihii dalkaasi.  Askarigaas kibirka badani waxa uu noqday mid arxan daran, oo dadkiisa kula kaca jidh-dil, qudh-gooyo, xabsi, hanjabaad, cago-juglayn iyo dhammaan nooc kasta oo dadka loo cabsi-gelin karaba. Kadib markii ay tani dhacday, waxa marba marka ka dambaysa sii lumayey kalsoonidii ay umaddu ku qabtay nidaamkii uu hogaanka ka ahaa Mucammar Al-Qaddaafi, taasi oo marba weji cusub yeelanaysay.

Inkasta oo aan la dafiri karin in uu Mucammar Al-Qaddaafi horumar illaa xad ah gaadhsiiyey dalkiisa, isla markaana uu wax badan umaddiisa u taray, hadana isaga ayuunbaa gacantiisa ku bur-buriyey dhammaan wixii uu umadiisa u taray. Wax ka dambeeyeyna lama hayo!

Ugu dambayntii, Bishii January ee sannadkii 2011-kii ayaa uu kacdoon ka bilaabmay dalka Tunisia, kaasi oo xilka lagaga tuuray hogaamiyihii dalkaasi haystay ee Zaynal Caabidiin Binu Cali. Kacdoonkan oo sida roob dabayli waddo u dhex-qaaday dalalka carabta, ayaa waxa uu ka bilaabmay dalka Libya bishii February ee isla sannadkaas 2011-kii, kaasi oo ka qarxay magaalda Banqaazi ee dalka Libya.

Allaa mahad leh.

Qalinkii: Maxamed Sharma’arke (Hisoori)

Sharmaake91@gmail.com