Dhaxalkii Askariga! Qaybta 9aad

Sida aynu maqaalladii hore ku soo sheegnay, mar hadaynu isla garannay in aanu gudoomiye Muuse Biixi marnaba lahayn sifooyinka hogaamineed, waxa ay su’aashu tahay, Maxaa laga filan karaa Muuse Biixi hadii uu ku guulaysto hogaaminta dalka?

Bal qiyaas, hadii diyaarad safar halis ah baxaysa loo dhiibo qof aan garanayn sida loo wado diyaaradaha, oo looga dhigo duuliye! Maxaa lag filan karaa? Halkee ayaa ay diyaaraddaasi gaadhaysaa? Rajo intee le’eg ayaa laga qabaa in ay diyaaraddaasi bad-baaddo? Ma filaysaa in qofka sidaas samaynayaa uu yahay qof miyir-qaba? Waxa hubaal ah in diyaaraddaas laga samrayo isla daqiiqadda loo dhiibo ninkaas aan garanayn sida loo wado, mana jirto wax rajo ah oo laga qabo in ay bad-baaddo!

Ujeeddada kaliya ee aan tusaalahan sare ka leeyahay waxa weeyi, hadii dalka loo dhibo qof aan hogaamintiisa u qalmin amaba aan geyin, waxa hubaal ah in aanay jirin wax rajo ah oo laga qabo in uu dalku ku sii jirayo xaaladdaas deganaanta iyo nabadda ah. Ma jirto waxa rajo ah oo laga qabo in uu sii dhisnaan doono nidaamka iyo haykalka dawladnimo. Ma jirto wax rajo ah oo laga qabo in ay dadku sii ahaadaan kuwo ku midaysan mabda’ iyo aragti. Waa diyaarad loo dhiibay nimaan garanayn, dabadeedna uu bur-buriyey!

Waxa aan leeyahay “Xorriyo ninkii geyaa ha guursado” oo aan uga jeedo, hogaaminta dalka ninkii u qalma ha loo dhiibo, oo yaan lagu habsaamin qabiilkii iyo qabyaaladdii horeba aynu ugu soo baaba’nay!

Gebo-gabo:

Si kasta oo ay ahaataba, Muuse Biixi waa aabaha dhabar-jabka iyo dhaawac ku abuuridda qarannimada Somaliland, kaasi oo aan marnaba hanan karin oo aan hogaamin karin ummaddan. Runtii waxa aan u arkayaa in la lug-gooyey Muuse, kadib markii laga dhigay musharrax u taagan jagada madaxtinimo. Muuse Biixi waa nin aan dadka midayn karin, dalka maamuli karin, maatida lagu aamini karin, mas’uuliyad loo dhiibi karin oo aan magac-xumo mooyee, maamuus inoo keeni karin.

Allaa mahad leh.

Qalinkii: Maxamed Sharma’arke (Hisoori)

Sharmaake91@gmail.com