Dhaxalkii Askariga! Qaybta 8aad

Halkii ay qaybtii hore inoo joogtay ayaa ay qaybtanina innoga sii wadi doontaa.

Cadaaladda iyo Muuse Biixi:

Hore ayaynu u soo xusnay qaybo ka mid ah cadaalad-darrada uu Muuse Biixi caanka ku yahay oo ahayd qabyaaladayntiisa. Balse meel kalaba ha ka doonin, Muuse Biixi cadaalad-darro iyo dulmi ayaa uu ku noqday musharraxa xisbiga Kulmiye u tar-tamaya doorashada madaxtooyada ee lagu wado in ay qabsoonto bisha Marij ee sannadka 2017-ka hadii ilaahay ogolaado. Mar hadii ay Muuse Biixi cadaalad-darro ka dhigtay musharrax madaxweyne, ma filaysaa hadii uu madaxtinimada ku guulaysto in uu la dagaallami doono cadaalad-darradii musharraxa ka dhigtay. Adiguba caqli ayaad leedahaye, ma nin ayaa shaygii ku caawiyey in uu darajo gaadho baabi’iya, jawaabtu iyada oo cad waa Maya! Weliba waa hubaal in uu korin doono cadaalad-darrada iyo dulmigaba.

Dad la tashiga iyo Muuse Biixi:

Horumarka ugu balladhan ee dalalka waxa keena hadba sida uu hogaamiyuhu ula tashado dadkiisa iyo inta daacadda ah. Dad la tashigu waa sifo ay ku caan baxeen hogaamiyeyaashii dunidan magaca ku yeeshay, dad la tashigu waa mid bad-baado u ah dadka iyo dalkaba.

Marka loo eego isla weynida xad dhaafka ah ee Muuse Biixi ku jirta, Dul-qaad yarida, iyo sifooyin kale, Muuse Biixi waa nin aan lahayn awood uu kula tashado dadkiisa. Waa nin uu ra’yigiisu la weynyahay, kaliyaatana doonaya in sida ay wax ugu muuqdaan khalad iyo saxba kuu doono ha noqotee in la qaato. Sidaas awgeed, sida ay dad badani aaminsanyihiin Muuse Biixi waa kaligii taliye aan talada lala qaybsan, isla markaana ka maarmay in uu dhegaysto talooyinka ka soo fulaya dadka talada looga dambeeyo! Hogaamiyaha aan dadkiisa la tashan, hogaamiyaha kaligii taliyaa, hubaashii waa nin dalka iyo dadkaba raba in uu dumiyo, waana nin aan dalka lagu aamini karin!

Af-tahamada iyo Muuse Biixi:

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee hogaamiyaha ka caawiya is fahamka dadkiisa waxa ka mid ah: Isaga oo hogaamiyuhu leh kartida hadalka iyo cod-karnimada, taasi oo u saamaxaysa in uu dadkiisa si baaxad leh uga dhaadhiciyo waxa uu rabo, amaba jihada uu damacsanyahay in uu dalka u kexeeyo. Sida laga wada dheregsanyahay, Muuse Biix waa nin aan awood u lahayn in uu afkiisa ku qanciyo dadka. Waa af-garooc loogu daw-galay agnaannimo iyo weliba hadallo wada xanaf ah oo sida tiinka ku mudaya! Mar kasta oo uu khudbad ka jeediyo madal, Muuse Biixi waxa uu waayaa qayb ka mid ah taageerayaashiisa, taasi oo ay ugu wacantahay af-garoocnimada iyo carrabkiisa dalabta leh ee aan hadalka toosin karin. Hogaamiye aan dadkiisa qancin karin, hogaamiye aan dadkiisa hadalba deeqsiin karin, hogaamiye aan dadkiisa waxa uu rabo afkiisa kaga dhaadhicin karin sidee ayaa uu u noqon karayaa hoggaanka dalka!

Bulshaynimada iyo Muuse Biixi:

Hogaamiyuhu hadii aanu ahayn mid bulshay ah, ma’aha hogaamiye fahmi kara xaaladaha kala duwan ee ay dadkiisu ku suganyihiin, mar walbana waa hogaamiye ay isaga iyo dadkiisa gebi weyni u dhexeeyo. Muuse Biixi waa nin isla weyn, kaasi oo ay isla weynidiisu u diidayso in uu noqdo nin bulshay ah oo dadkiisa dhex-gala. Immika isaga oo aan meelba gaadhin nin dadkiisa iskala weyn, goorma ayuu hoos ugu soo degi doonaa!

Saamaxaadda iyo Muuse Biixi:

Maaxaa ka dhalan kara hadii aanu hogaamiyuhu waxba saamixi karin? Hadii aanu hogaamiyhu saamaxaad lahayn, waxa uu caan ku noqdaa ficilka aar-goosiga, kaasi oo isku daya in uu ka cad-goosto cid kasta oo dambi ka gasha, dambigaasi ha yaraado ama ha weynaado’e. ficilkaa aar-goosigu, ugu dambaynta waxa uu dhalaa khal-khal iyo fawdo uu dalku galo.

Sida aan hore u soo sheegay, Muuse Biixi waa nin ay laabtiisu cidhiidhi tahay, kaasi oo aan awood u lahayn inta ugu badan in uu saamaxo ciddii ay wax dhex maraan. Waa nin aanay qaamuuskiisaba ugu jirin saamaxaad iyo wax la hal maalaaba. Waxa aan filayaa in uu Muuse Biixi xasuusanyahay dharaartii uu saddex jirka ahaa ciddii ul ku dhufatay amaba u hanjabtay. Sidaas awgeed, waa nin aan loogaba fadhiyin saamaxaad iyo wax la mid ah.

Deganaanta caadifadda iyo Muuse Biixi:

Hogaamiyuhu hadii aanu lahayn deganaan caadifadeed, waxa uu la dheelaa marba wixii cusub, kaasi oo aan lahayn meel loogu soo hagaago. Hogaamiyaha aanay caadifadihiisu deganayni, waxa uu iska qaataa go’aano aan xog-ogaalnimo ku dhisnayn, kuwaasi oo qar iska tuur ah, isla markaana gebi-dhacleeya, ugu dambaynta guul-darro ku soo biyo-shubta.

Muuse Biixi, waa nin aanay caadifadihiisu deganayn, kaasi oo la dheela hadba waxa taagan, waa nin qaadan kara go’aanno qar iska tuur ah, kuwaasi dalka dhaawac weyn oo uu ka soo kaban waayo u horseedi kara. Waxa hubaal ah, in aanu Muuse Biixi meelna kala xididin deganaanta iyo wax u fiirsiga, taasi oo cadaynaysa in aan lagu aamini karin masiirka ummaddan!

Waa inoo qaybo kale oo xiiso leh….

Allaa mahad leh.

Maxamed Sharma’arke (Hisoori)

Sharmaake91@gmail.com