Dhaxalka Buugga Haaneed: Suugaan Cuddoon Iyo Sargoyn Wacan

Buugga Haaneed waa Miiddii, hal’abuurkii iyo hawraartii Abwaan Axmed Aw Geeddi.  Haaneed, waa dhigane ka kooban 297 bog waxa ku qoran  31 maanso oo sirasmiya u qoran iyo 5 tixood oo meelo kale duwan ku kala jira. Maansooyinkan dhammaantood waa intii aan  hore loo qorin intii laga heli karayey.

31 maanso waxay ka hadlayaan qaybaha nolosha, badhaadha bulshada iyo baahideeda, Jacaylka iyo jamashada ruux ku jecel. Burburka iyo baylah-tirka ummadda, halganka iyo u hayaanka hal kaa fog, ku  sugnaanshaha naruurada nolosha iyo nabadda .Wuxu ku tusiyaa in aanay nolol jirin karin nabad la’aanteed, geediga noloshuna ma socon karto. Horumar iyo hawraarna aan isdhaafsan karin. Waa Buug ay ku dhan yihiin qormooyin iyo qoraallo qaybo badan oo ka mid ah Maansooyina mudhbaxay. Buugga waxaa ku jira 3 maanso oo ay abwaanno kale tiriyeen sida: abwaan Muuse Madar Cawaale oo tiriyey maansada darreen shacab iyo abwaan Jaamac-Shaacir oo tiriyey maansada Daweeya.

Buugga Haaneed waxa qalinka u qaatay, qaab iyo quruxna u yeelay ururin badan  oo  habeen iyo dharaarba u socdaalay,  jiif iyo joogna u diiday, hayaan dheer oo habayn badani ka muuqatana u galay isla markaana tifatiray qoraa, Axmed Iid Aadan. Axmed Iid Aadan waa qoraa wax ka qora arrimaha afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida.

Buuggan maansooyin keli ahi kuma kaydsana, balse waxaa ku kaydsan qoraallo, sharraxaado iyo xogo badan oo waxtar leh. Sidoo kalena faallooyin iyo falanqayn farshaxan sarreeya leh oo mid kastaa filanwaa kugu noqonayso. Waxa intaas raaca Baadisoocda ummaddeenu gaarka u leedahay iyo siday u noolaayeen waayadii hore.

Dhiganahan ku horyaalla waxa ku jirta murtidii Abwaan Axmed Aw Geeddi, kaas oo uu qalinka u qaatey qoraa Axmed Iid Aadan oo shaaca kaaga qaadaaya si qurux badan oo xirfad qoraannimo ka muuqatowaxaad shilin ku wayday! Sooyaal iyo xikmad abwaan ayaad kala soo dhex baxaysaa……

La soco qaybta danbe hadduu Alle idmo.

Faadumo Buuni

Hargeysa, Somaliland

libaaxo.77@gmail.com