Dhawaaq lagaga deyriyey Halista Cudurka Dabaysha (Polio) oo ka Dillaacay Soomaaliya iyo Hawl-gallada ka hortagga Tallaalka oo dalkaas ka bilaabmay

polio in SomaliaMuqdisho (SLpost)- Cudurka Dabaysha, ayaa laga xaqiijiyey inuu ka dillaacay dhammaan gobollada Soomaaliya,  lix sanno ka dib markii la xaqiijiyey in cudurka laga dabar-tiray dalkaas, waxaana kiiskii ugu horreyey ee cudurkan lagu arkay ilme yar oo daawayn loo geeyey cusbitaal ku yaala magaalada Muqdisho.

Qoraal lagu shaaciyey warka xannuunkan ka dillaacay dalka Soomaaliya ee aynu Deriska nahay, ayaa waxa lagu soo xigtay Wasiirka Horumarinta Adeegga Bulshada ee dawladda Soomaaliya Maryam Qaasim, taas oo sheegtay inay gobollada dalkaas ka bilaabayaan tallaalka lagaga hortago cudurkan.

Qoraalkan oo uu ku saxeexan yahay Dr Yassin Nur, oo ah madaxa Barnaamijka EPI  ee DoH, ayaa u qornaa sidan: (Markii ugu horreysey muddo lix sano ka badan ayaa Soomaaliya laga soo sheegey in la xaqiijiyey qof uu ku dhacay cudurka dabeysha Wild Poliovirus. Cudurka ayaa waxaa uu ku dhacay gabadh laba sano jir ah oo joogta caasimadda Muqdisho.

Maaddaama cudurka dabeyshu uu ka mid yahay cudurrada la isu gudbiyo oo degdeg u faafa, ayaa malaayiin carruur Soomaali ah ay hadda halis ugu jiraan curyaanimada uu sababo cudurka dabeysha taas oo haysa inta ay nool yihiin oo dhan. Markii la soo xaqiijiyey xaaladdan cudurka, ayaa Dowladdu ay isla markiiba waxaa ay olole tallaal oo degdeg ah oo afar maalmood socday ka fulisey gobolka Banaadir, iyo degmada deriska la ah ee Afgooye.

Bulshooyinka degaanka ayaa isu yimid si ay maamullada caafimaadka gacan uga siiyaan dadaalladan si markaa degdeg loogu joojiyo cudurka dillaacay. Laga bilaabo 26ka Maajo ilaa 1da Juunyo 2013ka, ayaa olole labaad oo lagu beegsan doono dhammaan carruurta ka yar 10 sano jirka ee Muqdisho ku nool iyo carruurta ka yar shan sano jirka ee ku nool gobollada kale ee Koonfurta iyo Bartamaha iyo Waqooyiga Bari ee Soomaaliya lala beegsan doonaa tallaalka cudurka dabeysha.

“Waa muhiim in dhammaan carruurta laga badbaadiyo cudurkan dhibaatada badan,” ayaa ay tidhi Dr Maryan Qaasim, oo ah Wasiiradda Horumarinta iyo Adeegyada Bulshada ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyada oo joogta Muqdisho. “Waana taas sababta aan wareeggii koowaad ee ololaha uga fulinney degaankii markii ugu horreysey lagu arkey cudurka, waxaana sidoo kalena aan hadda bilaabeynaa in aan tallaalno carruurta ku nool degaannada kale ee dalka.”

Khubarrada ayaa si gaar ah uga welwelsan degaanno ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo aan hawlaha tallaalka laga fulin muddo saddex sano ka badan. Dowladda Soomaaliyeed waxaa ay dhammaan waalidiinta ku tirtirsiineysaa in ay ka digtoonaadaan halistan weyn ee ku soo wajahan caafimaadka carruurtooda iyo ay tallaalaan carruurtooda.

“Daawo ma laha cudurka dabeysha. Laakiin waxaa looga hortegi karaa iyada oo carruurta dhowr jeer la siiyo tallaalka cudurka dabeysha ee afka laga qaato,” ayaa ay tiri Dr Maryan Qaasim. “Tallaalku aad buu muhiim ugu yahay badbaadinta carruurta waxaana aan dhammaan waalidiinta ku dhiirrigelinayaa in ay hubiyaan in carruurtooda ay hadda tallaalka qaataan.”

Khubarrada ayaa ka digey in cudurka dillaacay uu ku faafi karo dalalka deriska la ah Soomaaliya waxaana lagu wargeliyey dhammaan dalalka ku yaalla Geeska Afrika in ay digtoonaadaan oo ay u feejignaadaan ayna la socdaan cudurka dabeysha.

Soomaaliya ayaa markii ugu dambeysey cudurka dabeysha oo uu sababey fayruska Wild Poliovirus ee dalka ka soo jeeda lagu arkey sanadki 2002dii. Sanadkii 2005tii, waxaa si weyn u dillaacay cudurka waxaana uu ku dhacay 228 qof. Ka dib markii si weyn loo xoojiyey hawlaha tallaalka cudurka dabeysha, ayaa waxaa lagu guuleystey in la joojiyo cudurkii waxaana sanadkii 2007dii ay Soomaaliya mar kale noqotey mid aanu ka jirin cudurka dabeysha. Waqtigaa wixii ka dambeeyey waxaa si weyn loo fuliyey hawlaha tallaalka ee looga hortego cudurka dabeysha.

RAAD-RAAC

Dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta cudurka dabeysha ayaa hoos u dhigey tirada dadka uu ku dhaco cudurka dabeysha oo sanadkii 1988 ahayd 350,000 oo gaarsiiyey 223 xaaladood oo keliya sanadkii la soo dhaafey, tiradaas oo ah tii ugu yareyd ee abid la diiwaangeliyo. Saddex dal ayaa weli uu ku baahsan yahay cudurka dabeysha (Nayjeeriya, Pakistan, iyo Afqanistaan) waana isla kuwaan dalalka kale ee laga soo sheegey fayruska poliovirus sanadkan 2013. Intiiba uu cudurka dabeyshu ka jiro meel ka mid ah dunida, dhammaan carruurta waxaa ay halis ugu jiraan cudurka dabeysha.

Cudurka dabeysha (Poliomyelitis) waa cudur uu aad u faafiyo fayruska cudurka dabeysha oo weerara hab-dhiska dareensidka, waxaana uu sababi karaa curyaannimo aan laga bogsoon (oo caadi ahaan saameysa lugaha) ama xataa waxaa uu saacado gudahood ku keeni karaa geeri. Fayruska cudurka dabeysha (oo saynis ahaan loo yaqaan Wild Poliovirus – WPV) waxaa uu jirka ka soo galaa afka, isaga oo la socda biyo ama cunto ay gaartey saxarada qof cudurka qaba. Fayrusku waxaa uu ku tarmaa mindhicirka waxaana ay soo raacaan saxarrada qofka cudurka qaba, taas oo fayruska u sii gudbin karta dadka kale.

Tallaallada soo socda

gobollada Soomaaliya

Cudurka Dabaysha ee jiritaankiisa laga xaqiijiyey gobollada Soomaaliya oo xad ballaadhan la wadaaga Somaliland, ayaa halis caafimaad ku keeni kara isla markaana ku soo fidi kara deegaamada Xuduudka Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa