Dharka Dhulka la inagu Dhigo Markaan Dhimano – W/Q: Ceelaabe

Ninkasta oo Taajir ah isla markaasina Magac iyo Dhaqaale ama Awood lagu Majeerto iyo Mid kasta oo Danyar ah ama Faqiir aan Magac iyo Mansab toona Heysanin Marka ay dhintaan waxa lagu Kanfayaa Maro cad oo isku mid ah.Lama odhanaayo Ninkani waa  Tijaar ee Maro xariir ah oo qaali ah ku duuba ama Dhar qurux badan u sii Xidha.Tijaar iyo Faqiir iyo Midka gidaarada seexda intaba waxa lagu Kanfayaa maradaasi cad.Waa lagu tukanayaa,Dhulka iyo ciida ayaa la hoos marinayaa meel isku mid ah oo loo Yaqaano xabaalo Ayaana la wada geyn doonaa.Lacag kasta,Awood kasta,Magac kasta,Dulmi kasta oo qof geysto,Cadaalad daro kasta waxa ka danbeyn doona Geeri iyo God madow oo lagu dhex dhigo Adiga oo maro cad lagugu soo duubey.

Caruur yar yar oo saqiirtey Ayaan nasiib u helin in ay dhar kale xidhaan oo markii ay dhasheen dhintey oo marada cad ee kafanka loogu sii qaadey dhinacaasi iyo xabaal yar oo loo qodey.Dharkaasi Ayaa lagugu aasayaa,Dharkaasi ayaa ina sugaaya inteena weli nool.dharkaasi ayaa maalinkasta dad loo xidhaa meyd ah ama xijaabtey oo dhintey kana baxey noloshii iyo qoysaskoodii.dharkaasi Ayaa dadka qaar u iibinayaan kuwo ka dhintey,halka aad adigu ka iibsaneyso suudh aad ku xaragooto ayaa nin kale loo soo iibinayaa dharkaasi oo aanu ogeyn in loo xidhey ama ciida lagu dhigi doono.Dharkaasi kuwii Janada Ayaa qaar loogu badali doonaa.Kuwo kale Naar iyo Cadaab Ayaa u soo bixi doonta.

Dad badan ayaa wax kafan ah lagu duubin markii ay dhinteen,kuwo xabado ayaa si xun u kala jarey.kuwo kale bahalo ayaa cuney,Kuwo kale Jidhkoodii ayaa la garan waayeyba.kuwo kale badaha ayaa liqey iyaga oo tahriibaya lamana arag guud ahaan xubnihii jidhkooda oo Nasiib umey helin in lagu tukado ama kafan lagu sii xidho Jidhkooda ka hor intaan la duugin.kuwo kale dagaalo ayey ku dhinteen mar qudha carada lagu rogey.Kuwo kale daad ayaa baddaha ku  daray.kuwo kale shahiid iyo dar ilaahey  ayey dagaal ugu jihaadeen dhiigoodu dhulka u galay ilaahay dartii.qofku isaga oo aan wax maryo ah Xidhneyn Ayuu dhashaa,Laakiin qabriga waxa lagu dhigaa isaga oo maro cad lagu soo duubey.Haddana wuxuu soo baxayaa isaga oo qaawan oo aan wax dhar ah xidhneyn maalinta qiiyaamaha marka la gaadho.Boqolaal qof Ayaa qaraxyo ku dhintey ama iyagu is qarxinaya oo Naftoodii ku dilaya si  aan xitaa la garan Jidhkiisii dhamaa oo dhan in kafan lagu sameeyo iska dhaafe.

Sida loo kanfo ama habka dumarka loogu xidho marada,ama raga ayaa u baahan aqoon iyo cilmi.dhinac kalena waxa aad loogu baahan yahay in qofku barto shuruudaha kala duwan iyo maraaxilka mararka qaar dadka qabsada ee la xidhiidha baabka barashada kafanka iyo u meydhida qofka dhintey.Dad baa la waayi Jirey taariikhda wax lagu kanfo ama maro wada qarisa Jidhkiisa.Waxaana la maqley dad inta danbe geedo laga saarey makkah ka bixi Jirey.Waxa kale oo aan maqalney dad asxaabta ka mid ahaa ama wakhtigaasi noolaa oo qaarkood kafan looga dhigey Maro ama Khamiis Rasuulku SCW Xidhan Jirey.

Ugu danbeyntii in aad taqaano sida dadka loogu meydho,ama kafanka loogu xidho,Habka dumarka iyo raga intaba waa muhiim ama in aad barataa.Meesha lagu iibiyo kafanka ama tukaanka iibiya.si guud inta kafan loogu yeedho oo ah qasilka,cadarka,marada cad oo hadba qofka baladhkiisa iyo dhererkiisa loogu qiyaaso marka la tolaayo,cudbiga iwm.waa tukaan 24ka saacadoodba furan oo aan la xidhin.in la iibsado ka sakowna waxaan Maqalnaa in la bixiyo oo bilaash lagu helo gaar ahaan tujaarta midkood.Meydhida iyo kafankuba waa mid u baahan in qofku barto,waase arin cabsi iyo murugo leh oo dadka waaweyn iyo odayaasha ama haweenka waaweyn loo daayo looguna yeedho.Wataasi Aduunyadii,Waa taasi xabaal kasta qof maro cad lagu soo duubey lala dul taagan yahay,wataasi Aduunyadii Dhulkeedii la ina hoos mariyey oo aasa la yidhi.Waa Aas iyo Aroos.Waa Ayaanba ayaan.Waa suudh iyo Farxad iyo Aroos.Waa murugo iyo Naxdin iyo Kafan iyo maro cad.