Walaalkay dhab iyo
Dhiigaygiiyoow
Dhofkiinu wuu
Igu dheeryahayee
Wax idin dhiba Illaah
Ha idin dhaafiyo
Dhulkii hooyo waa kanee
Dhaqashaduna waa meel
Dhalashaduna waa meel
Waydin dhaariyeee
Ha is dhalan rogina
Codkii Maxamed Mooge (IHUN)
Waagii baryaaba waayihiisa ayuu wataa.Aqoonyahan ayaa u kicitimay dhinaca dhakhtarka.Rajada uu bukaan-socodkaasi qabaa sidaa uma buurnayn, hase yeeshee wuxuu mar walba u diyaar ahaa inuu aqbalo lama dhaafaanka-geerida-.Dhakhtarkii ayaa u sheegay inaaney jirin ididiilo danbe oo ugu hadhey nolosha.Waxaanu la wadaagey in saddex ilaa lix billood oo nolol “caafimaad” leh loo tirin karo u hadhey.Talo waxay ku soo af-goday u qalabeysiga godka albaabka u ah nolosha danbe “Iilka”.
Xaaskiisa iyo saddexdiisa caruur ah ayuu la dardaarmey.Wuxuu aqoonyahankani galay qolka wax akhriska una hawlgalay diyaarinta “dardaarankii ugu danbeeyey-Last Speech-”.
War aan dhaabiiyo
Ducaan kuu dhigayaa
Adna dhaahiyo
Dhagaha u fur
Yey ku dhaafin waanadu
Way iga dhan tahayee
Codkii Maxamed Mooge (IHUN)
Naftiisuu aqoonayhankani u sheegay in caruurtiisu markay koraan ku waano qaadan doonaan dardaarankaa. Aqoonyahankani waa Randy Pausch.Wuxuu Randy barre jaamicadeed ka ahaa CarnegieMellonUniversity ee magaalada Pittsburgh ,kana tirsan gobolka Pennsylvania. Waxaa ku dhacey Randy cudurka kansarka (Pancreatic Cancer) .Wuxuu ka qaban karayey Randy cudurkaa wuu ka qabtey,dhaqaaluhuna muu gabin, aqoona itaalkeeda way ciidamisay.
“Saying goodbye. It’s a part of the human experience that we encounter every day. Then, eventually, the time comes for the final goodbye. When death is near, how do we phrase our words? How do we show our love?” said Randy.
Waxaa la gaadhey xilligii nolosha danbe lala jaanqaadi lahaa.Markaasuu Randy go’aansadey dhaxal ahaan weedhaa gabagabada ah inuu uga tago reerkiisa iyo inta nolosha aduunka ku sii hadhsan.Geeridiina gurigiisa ayey ku haleeshay isagoo dhex jooga xaaskiisa Jai, iyo saddexdooda caruura Dylan, Logan, and Chloe.“This talk is not for you. It’s for my kids. Good night” ku soo gabagabeeyey Randy waanadiisii.
Goorsheegtu waxay ku dhaweyd 7:35 habeenimo,warbaahinta maqalka iyo muuqaalka oo ka daarneyd meel aan sidaa iga dheerayn ayaan ka maqlay war degdeg ah “Breaking News’.Mise waa sheegista geeridii mid ka mid ah raggii salka u taagey shirkada Apple ee Kombuyuutarada.Waxaa waliba u dheeraa inuu muddo badan ahaa hormoodka shirkadaa iyo hogaanka aqoonta casriga.Waa Steve Jobs oo geerri muddaba la saadaalinayey haleeshay.Lacag,dawo casri ah,dhakhtar heer sare ah iyo qalab la hiigsadaaba way ka talax gabeen inay cudurkaa wax ka qabtaan. Geeriddii oon ciddi horjoogin ayaa soo qaabishay aqoonyahanka. Arintani wax ku qaadasho ugu filan ummad badan oo intaa haddey isla heli lahaayeen u arka inay noloshooda wax ka badali laheyd.Dunidu ma tobnawdaa ah dhawaaq dhagaheenu in badan maqleen.
Magaalada San-Faransisco ayaa ku caanomaashey inay hoy u noqoto aqoonta casriga. Dhalinyaro dhawr ah ayaa horaantii todobaatanadii iyo dabayaaqadii lixdamaadkii u hawlgalay inay kartidooda soo bandhigaan,aqoonna ku tartamaan.Waxay dhalinyaradani ku guulaysteen inay soo bandhigaan qalab casri ah oo loogu wanqalay“Computer”. Waxaad u sheegto ayuu si dhakhso ah u fulinayaa,hagida bani’aadmiga iyo gashigoodana kama maarmo.
Muddo ka dib ayey dhalinyaradaasi ku soo caan baxeen hormoodnimadda labada shirkadood ee kombuutarada PC (personnal computer) oo Shirkada Microsoft hagto iyo Macintosh oo shirkadda Apple soo saarto.Steve Jobs tan danbe ayuu hormood ka ahaa isagoo wehelna ka helay saaxiibkiisa Stephen Wozniak.Labadan nin ee danbe baa loo tiriyaa inay aaladdiii(kombuutarkii) ugu horeysay ee shirkada Apple ay geerashka guryahooda ku ibofureen.
Loolanka aqooneed iyo is-hirdiga ka dhex bilaabmey labada kooxood ayaa bulshada aduunka u horseeday inay sidii dad tuulo kaliya ku wada nool u xidhiidhaan,wax u kala iibsadaan, isku bartaan,u wada hadlaan,iwm.
Muddo aan sidaa u fogayn ayaa Steve Jobs hab nololeedkii bulshada aduunka isbadal weyn ku sameeyey.Waa markuu Steve Jobs si xidhiidh leh u daahfuray qalabkan Ipad, Itouch,Itunes,Iphone ,iwm. Bulshadu way ku doogsatey ilaa ay dadweynaha aduunku ugu yeedheen inuu Steve Jobs yahay Thomas Edison-kii waqtigan .
Cabdul Fataax Jandali wuxuu ka qalinjabiyey jaamicada Ameerika ee ku taala magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan.Wuxuu Cabdul Fataax go’aansadey inuu aqoontiisa u gadiyo barashada garyaqaanimada,kana barto Jaamicada Dimishiq (Damascus University) ee wadankiisa Suuriya.Aabihii Jandali oo maalqabeen ahaa ayaa u sheegay in ay garyaqaano badani ka shaqeeyaan dalkaa Suuriya,ee uu inankiisu wax kale ku hamiyo barashadiisa.
Markan ayuu Cabdul Fataax Jandali go’aansadey inuu aqoonta dhaqaalaha iyo siyaasada (economy and political sciences) ka soo barto wadanka Mareykanka.Cabdua fataax wuxuu waxbarashadiisa ka bilaabey Jaamicada Kolambiya ee magaalada New York, hase yeeshee Jaamicada Gobolka Wisconsin ayaa ugu deeqday waxbarasho bilaash ah oo heerka labaad (Master) iyo heerka ugu danbeeyaba ah (Ph.D).
Xilligaa uu ku jiray waxbarashada heerka labaad ayuu Cabdul Fataax xidhiidh hooseed la yeeshay Joanne Carole Sciebele oo ay isku ardey ahaayeen. Xidhiidhkaa hoose dartii ayey Carole ilmo ku qaadey.Reerkooda oo aad dhaqankooga ugu xag jir ahaa ayaa diiday inay garwaaqsadaan xidhiidhkaa iyo guur ka dhex dhasha labadooda (Cabdul Fataax iyo Carole ). labada dhalinyarada ahi si ba’an ayey isku doonayeen. Carole oo rabta inay raaligaliso waalidkeeda, xidhiidhkana la sii wado Cabdul Fataax ayaa qabatay San- Faraansisko.
Halkan waxaa ku sugnaa waalidkaa Paul Jobs and Clara Jobs oo ogolaadey inay maalgalinta waxbarashada ilmaha yar ka adag yihiin.Sidaas ayaa Carole ku sii joogtay magaalada San-Faransiisko si ay ugu umusho halkaa,ilmahana faraha ka galiso reerkan ogolaadey inay korsadaan.Paul iyo Clara wax caruur ah iskumay laheyn.
Awood ay ilmaha ku haysan karaan may haynin labadan ardey.Reerkii inanta dhalay ee taageeri lahaan xidhiidhkoogaba ma ogola.Cabdul Fataax laftigiisa aabihiisa maalqabeenka ah dhaqan ahaan arintan lama wadaagi karo.Geed ba’ayoow yaa ku leh ayey arini ka fursan wayday.
Paul iyo Clara ilmihii dhashay waxay u bixiyeen Steve. Cabdul Fataax Iyo Carole waxay is guursadeen hilaadii 1955.Xilligani waxay ku beegnayd toban bilood ka dib markay deeq ahaan u bixiyeen inankooga Steve ,sidoo kalena afar bilood ka dib geeridii Carole aabaheed oo isku diidanaa iyaga.Waxaana u dhalatey gabadhooda ay u bixiyeen Muna. Muna waxay barre sare ka tahay Jaamicada Kaliforniya ee cariga Maraykanka (UCLA).
Sida ay dadka Af-Soomaliga ku hadlaa ama muslimiinta maanta dunidda ku nooliba u badan yihiin ayuu Cabdul Fataax yahay muslin aan ku dhaqmin Diinta .Cabdufataax da’diisu waxay ku dhawdahay sideetamaadkii.
Cabdul Fataax wuxuu yahay ku xigeenka hogaanka sare ee Boomtown Casino(goobaha Khamaarka) kuna taala Magaalada Reno ee gobolka Nevada.Bishan Oktoober 5,2011 ayuu Steve Jobs u dhintay cudurka kansarka (pancreatic canser),waxaana lagu tilmaamey inuu noday maalqabeenka xabaalaha.Waxaase aad loogu xasuusan doonaa kaalintii uu ka gaystay wax ku soo kordhinta hab nololeedka aduunka.
Muddo aan sidaa u fogeyn dad faro badan oo ka soo jeeda bulshada ku hadasha Af-Soomaaliga ayaa jinsi iyo dhaqanba dhalan rogmi doona.Haddaba waydiinta u baahan in laga war celiyo waa bulshadey ku dhex nool yihiin uun magac iyo maamuus ma ku yeelan doonaan, mise xabsiyada oo ay buuxiyaan iyo xoogasatay ku xaglo beegli?
Qalinkii: Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan
www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org
Tixraac:
-Barnaamijka 60 Minutes ee CBS News
– Barnaamijka 20/20 ee ABC News
– barnaamij falanqeyn ah “Triumph of the Nerds”.
-Wargeyska Al-Xayaat , cadadkii soo baxey Febraayo 28,2011