Dhaqdhaqaaqa Xisbiga KULMIYE Oo Laga Dareemayo Hargeysa Iyo Maxamuud Xaashi Oo Weli Keli Ku Ah Tartanka Guddoomiyaha

Hargeysa (SLpost)- Iyadoo oo uu soo dhawyahay wakhtigii loo qabtay in la qabto shirweynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE ayaa waxa Magaalada Hargeysa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa siyaasiyiinta uu hungurigu ka hayo hoggaanka Xisbiga KULMIYE.

Inkasta oo ay adag tahay in Madaxweyne Biixi lagula tartamo Guddoomiye-nimada Xisbiga KULMIYE, haddana waxaan weli halkiisii taagan oo aan wax isbeddel ah laga haynin dhawaaqii uu Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ku sheegay inuu u tartamayo Guddoomiyaha xisbiga, laakiin Ifafaalaha soo baxaya ayaa muujinaya inay Maxamuud Xaashi ku adkaan doonto inuu ka dhex tartamo Xisbiga KULMIYE, waxaana la filayaa inuu Maxamuud Xaashi uu ugu yaraan Warbaahinta la hadlo inta aan la gaadhin wakhtiga loo qabtay qabashada Araajida Siyaasiyiinta damaca.

Maxamuud Xaashi ayaa weli Madi ku ah damaca ah inuu u tartamayo Guddoomiye-nimada Xisbiga KULMIYE.

Laakiin, marka laga tago Guddoomiye-nimada Xisbiga KULMIYE waxa jiri doona baratan loo geli doono Guddoomiye ku-xigeennada Xisbiga, waxaana Hargeysa ku sugan Siyaasiyiin wada Shir-doceedyo, kuwaasi oo damac ka hayo Jagooyinkaasi. Arrintan waxa sii xoojiyey booqasho uu Madaxweyne Biixi uu Toddobaadkan ku tagay Xarunta Guud ee Xisbiga KULMIYE ee Magaalada Hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee, waxa la saadaalinayaa in shirweynaha Xisbiga KULMIYE uu isbeddel ku keeni doono siyaasadda gudaha ee Somaliland, waana sababta ay labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ay dib ugu riixeen shirweynayaashoodii, iyagoo ku xisaabtamaya tafaraaruq siyaasadeed oo ku iman kara Shirweynaha Xisbul-xaakimka.