DHAQDHAQAAQA ICTIRAAF-DHABAYNTA Ee Oslo – W/Q: Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)

Waxa furmaya albaab kale oo fursad siinaya qaddiyadda ictiraaf-raadinta Somaliland. Waa dhaqdhaqaaq u muuqda inuu ku bilaabmay dardar iyo niyad-hufnaan lagu raadinayo arrin badhi taaraysa jiritaanka iyo isu soo taagista qaran la go’doomiyey. Waa isku day maraya waddadii hirgashay ee ay fureen golaha deegaanka Sheffield. Waa tallaabo u muuqata in lagu dhiirraday hirgelinteeda iyo isku lurkeedaba. Waa naruuro hor leh oo haddii ay hirgasho farxad ku beeraysa ummad dhegtoodu ka daashay “waa la idin itctiraafi doonaa.”

HeersareeTallaabadan diyaarinteeda iyo abaabulkeedaba waxa la dhammaystiray arbacadii todobaadkii ina dhaafay oo ku beegnayd 16.04.2014, iyadoo la gabagabeeyey mooshin dadweyne oo loo gudbinayo golaha deegaanka ee magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway.

Ururka ictiraaf-raadinta Somaliland ee Norway oo magaciisa la yidhaahdo Somaliland Network in Norway, ayaa muddo badan ku dabbo jiray sidii arrintani u suurtogeli lahayd. Iyadda oo lala kaashanayey xildhibaano dhowr ah oo golaha deegaanka ee Oslo ku jira, isla markaana asal ahaan ka soo jeeda Somaliland. Ugu danbayntii waxaa Ilaahay Mahadii suurtogashay in riyadii rumowdo, waxaana dhabarka ku qaatay oo arrintan hormood u noqday halyeeyga Xildhibaan Baashe Maxamed Muuse.” Ayaa lagu sheegay qoraal uu ururku ka soo saaray Oslo.

Waa arrin u baahan taageero isugu dhafan maskax iyo maal ba, si ay u timaado dhiiranaansho iyo ku dhac ku abuurma dadka hawshan ictiraaf-raadinta hormoodka ka ah. Waxa ururku shaaciyeen in waxa imika la qabanayaa ay tahay saxeexista mooshinka dadweyanaha oo ay tilmaameen in loo baan yahay 300 oo qof, iyagoo yagleelay mareegtan www.minsak.no oo ay dadweynuhu mooshinkaa uga codayn karaan. Mooshinkan waxaa diyaariyey xildhibaan Bashe Maxamed Musse oo muddo ku soo dhex jiray siyaasadda dalka Norway kana soo jeeda Somaliland. Sida ay sheegeen Somaliland Network in Norway in ka badan kala badh tirada dadka loo baahan yahay inay saxeexaan mooshinka ayaa durba saxeexday mooshinka.

Waa hayaan u baahan naf-hurnimo wax-ku-ool ah si loo dhabeeyo hammiga la beegsanayo. Waxaana xaqiiqo ah in qaranka Somaliland ay dawlad iyo shacab-ba dadaalkan tageero mug leh ka gaystaan. Lana muujinayo heellanaan iyo hilow lagu soo dhawaynayo laguna kaabayo taabbo-galka dadaalkan curdinkaa ah ee hadda ka curtay dalka Norway.

Maadaama oo dalka Norway ka mid yahay waddamada Yurub ee ku faana dimuqraadiyadda, waxa jira wax loo yaqaanno “citizens’ initiative” amma “ innbyggerinitiativ.” Oo ah habka qofka muwaadinka ah fursad u siinaysa inuu abuuro mooshinnada uu u arko in maslaxaddiisu ku jirto. Waxaana talaabadani inta badan timaadaa marka ay qayb muwaadiniinta ka mid ahi si weyn u danaynayaan helista iyo hirgelinta kiis siyaasadeed oo huwan waxa maslaxadi ugu jirto iyagoo toos ugu gudbinaya golaha la soo doortay ee codkooda ku fadhiya, iyadoo arrintaa laga duulayo ayay dadka reer Somaliland ee Oslo ku nooli waxay xaq u leeyihiin inay dhaqdhaqaajiyaan oo ay abuuraan mooshinkan golaha deegaanka lagaga codsanayo inuu aqoonsado Somaliland.

Haddii uu hirgalo ictiraafka golaha deegaanka ee Oslo, waa guul aan la qiyaasi karin Waayo, ka hor intii aanay golaha deegaanka ee Sheffield ictiraafin JSL, Somaliland waxay ahayd waddanka keliye ee caalamka ku yaalla ee midawga ka noqday ee aan cidina aqoonsan. Sidaa daraadeed, aqoosnigaa hore wuxuu jebiyey dayrkii aqoosi la’aanta. Haddii uu ka Oslo-na ku darsamana waxa abuuraya kalsooni diblamaasiyadeed oo u qotonda qaddiyad dhab ah. Waxa xoogaysanaya hankii ay Somaliland ka qabtay in caalamku mar uun dhegaysan doono oo ay aqoonsan doonaan Jamhuuriyadda Somaliland. Maxaa yeelay Oslo waa caasimadda Norway isla markaana waa magaalada ugu weyn dalkaas. Waa magaalo saamayn ku leh caalamka, waxaana xarunta bixinta biladda Nabada aduunka ee Nobel Peace Prize.

Fursadaha hirgalnimada mooshinkani haysto waxa ka mid ah in golaha deegaanka Oslo ay ku jiraan shan xildhibaan oo dhammaantood ku abtirsada Somaliland kanna mid ah xubnaha joogto ah iyo kuwa aan joogtada ahayn ba. Waxaana ay kala yihiin, Xildhibaan Bashe Maxamed Muuse, Xildhibaan Fatima Ali Madar, Xildhibaan Xamse Somajeste, Xildhibaan Saynab Haybe Soone, Xildhibaan Ismail Ali Ahme.Waxaana golaha waajib ku ah inay muddo lix bilood gudaheed ah kaga jawaabaan mooshinkani marka uu gaadho.

Dhaqdhaqaan ictiraaf-raadinta ee ka bilowday caasiada dalka Norway ee Oslo, waa fursad labaad oo dahabi ah oo Jamhuuriyadda Somaliland badhitaaraya qaddiyaddeeda iyo cilaaqaadkeeda diblamaasiyadeed ee ay caalamka la leedahay. Waxa muddan in taageero laxaad leh loo muujiyo guud ahaan inta daba ka riixaysa ee hawsha ku hawllan oo ay ugu horreeyaan xildhibaanada a golaha deegaanka ee Oslo ka soo jeeda Somaliland iyo Shabakadda ictiraafraadinta ee Norway.

 

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)

cabdiheersare01@hotmail.com

http://heersaremuxumed.blogspot.com/