Dhaqdhaqaaq-yaraan soo food-saartay Dekedda Berbera iyo qaar ka mida shaqaalaha oo Saylac Deked ahaan loo geeyay – Warbixin ~ Wariye Maxamed Cabdillahi Farah (Soo fadhiiste)‏

Dekeda magaalada berbera waa marsada uu ku tiirsan yahay 80% dhaqaalaha Somaliland Waxaana Marag madoona hadii dhaqdhaqaaqa shaqo ee marsada berbera uu hakad galo in guud ahaan Somaliland laga dareemayo xaalad dhaqaale yaraan oo soo food saarta dawlada iyo ganacsatada  Badeecdaha ganacsi ee kala duwan dalka keena sidoo kale waxa iyana uu saamayn ku yeelanayaan dhaqdhaqaaqaa dekeda berbera ee hoos udhacayaa shacbiga reer Somaliland ee danyarta ubadan kuwaasi oo nolol maalmeedkoodu kutiirsan yahay dhaqadhaqaaqa ganacsi ee dalka soo galaa, Waxaana aynu wada Ogsoonahay in shacbigaasi siyaabo kale duwan ay uga shaqaystaan noocyada badeecadaha kale duwan ee dalka soo gala intooda badanina ay ka soo dagi jireen Dekeda caalamiga ah ee berbera kuna taala marin biyood bada cas inta badana lagu tilmaamo goob istaraatijiya Waxa kaloo shacbigaasi quutaan cuntooyinka kala duwan ee debeda inooga yimaada maadaama oo aynaan lahayn cuntooyin ay dalkeena kala soo baxno oo baahiyaheena cuntana dabooli kara.

Berbera-port1Haddaba, waxa mudooyinka udanbeeyay soo food saaray Dekeda berbera hoos udhac dhinaca dhaqdhaqaaqa ah gaar ahaan waxa yaraaday badeecadaha ganacsi ee ay dekeda kala soo dagi jireen Ganacsatadu, waxaana siweyn looga dareemay hoos udhacaa magaalada berbera kadib markii uu isa soo taray sidii maalinba maalinta ka danbaysa ay ganacasatadu badeecadahooda ugu leexinayeen Dhinaca dekeda magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti halkaasi oo aan wax cashuura lagaga qaadin balse lagaga qaado wixii Service ah ee badeecadahooda lagaga shaqeeyo oo kaliya, Waxaanay Mukhalisiintii badeecadaha ucashuuri jiray ganacsatada reer Somaliland ee dekeda berbera wax kala soo dagi jiray ay intoodii badnayd uwareegeen dhinacaa iyo dekeda Jabuuti halkaasi oo ay kala kulmaan soo dhaweyn waafiya oo ay ku qaabilaan masuuliyiinta dekeda Jabuuti sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamida Mukhalisiintaasi dekeda jabuuti badeecadaha ka soosaaraa oo aanu khadka tilifoonka kula xidhiidhnay iyaga oo intaasi kudaray in dhinaca adeegana ay aad uga kooban tahay Xafiisyadii faraha badnaa ee dekeda berbera iyo kuwa maaliyadaba oo ay horeba uga caban jireen ganacsatada reer Somaliland sababo la xidhiidha iska daba wareeg fara badan oo ay kala kulmaan.

Hadii aan hoos ugu dhaadhaco dhaqdhaqaaq yaraanta soo foodsaartay dekeda berbera ayaa waxa aanu ogaanay markii aan ukuurgalay hawl maalmeedka kastamka berbera oo maalmihii udanbeeyay la arkaayay iyada oo aan wax shaqo ah oo badani ka socon marka laga reebo waxoogaa koonteenara ah oo badeecado koobani kujiraan oo ay leedahay shirkada Ominco ama Oomaar Company oo iyadu Ah shirkada koonteenarada ku keentay badeecadeheeda dakhliga yar ee mudooyinkan udanbeeyay kasoo xeroonaayay kastamka berberana intiisa badan ay shirkada Oomar ay badeecadeheeda ku cashuuranaysay oo iyadu bixinaysay,  waxa kaloo iyana marmar la arkaa Waxoogaa yar oo badeecada oo laga soo waarido dalka Yaman oo iyagu aan badnayn munaafacaadkooduna kooban yahay cashuurtooduna aanay ahayn mid dakhli badani ka soo xeroodo,

Badeecdaha la tabayo ayaa ubadan kuwii ka iman jiray dalka Imiraatka carab gaar ahaan magaalada Dubai oo hada isu rogay in gaadiidka bada ee ka yimaadaa ay keenaan uun baabuurta raaxada oo kaliya iyo foostooyinka caaga ah ee madhan ee biya dhaamiska loo isticmaalo, waxaanay badeecadaha badankoodii dalka ka soo galaan bariga oo dhinaca Putland ah iyo galbeedka oo dalka Jabuuti ah waxaana badeecadahaasi cashuur ta berbera uga qabaw lagaga qaadaa kastamada Caynaba iyo Seylac waxaanad moodaa xukumada hadda joogtaa in ay diiradeeda cashuuruhu saaran tahay uun dekeda berbera ee aanay egayn goobahaa kale ee dakhligu ka soo xeroodo, Inta badana dadka ganacsiga udhuun daloolaa waxa ay ku macneeyaan hoos udhacaa kuyimi dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dekeda berbera Cashuurta badeecadaha oo sanad walba isbedel lagu sameeyo isbedelkaas oo ah in kor loo qaado cashuurta badeecadaha iyada oo lagu xisaabtamayo Miisaaniyad sanadeedka la soo meel mariyo balse aan la egayn danta shacbiga oo waxa ganacsatada lagu kordhiyaaba ay shacbiga uun saran yihiin. waxa kaloo intaa dheer oo inta badan ay ganacsatadaa dekeda macaamilka la lahaan jirtay ee hadda ka diga rogtay  ay caqabad ku tilmaamaan xafiiska tira koobka Dekeda berbera oo isagu ah mid ka awood sareeya kastamka dekeda berbera oo isagu ah laanta maaliyada ee cashuuraha uxil saaran balse waxa awoodii ka maroorsaday maamulka dekeda berbera oo xiligii xukumadii Daahir Rayaale Wasaarada maaliyadana uu gadh wadeenka ka ahaa Wasiir Cawil Cali Ducaale uu awoodaa siiyay maamulka Dekeda isaga oo ka dhigaaya in ay cashuurta ilaalinayaan dakhliga maaliyadana ay kor uqaadayaan, xukumada hadda joogtaana sidii ayay awoodii Ugu cusboonaysiisay maamulka dekeda berbera, waxaana dekeda berbera aad ku arkaysaa ganacsade sideetan milyan oo shilin Somaliland ah oo cashuura bixiyay oo hadana loo haysto Laba kartoon oo cashuurtoodu aanay konton kun gaadhayn sharaftana lagaga qaadayo badeecadiisii oo dhana lagu xayirayo oo dekeda meehanaabaya,

DSC_1266Xafiiskan Tirakoobka oo shaqaalaha ka hawl galaa badan yihiin ayaanay cabashadaa ganacsatadu khusayn dhamaantooda balse waxa ganacsatada lafdhuun gashay ku noqday ninka maamulka dekeda uqaabilsan iswaafajinta badeecadaha iyo qiimaha cashuurta lagu soo cashuuray oo lagu magacaabo Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur oo isagu awood buuxda ka haysata maareeye Xoorxoor in uu ganacsatada sida uu doono ka yeelo isaga oo haysta buugaag tacriifadu ku qoran tahay oo aanu awood ulahayn in uu isagu dabagal intaa leeg ku sameeyo, Sidoo kale marka aad mukhalisiinta ama Ganacsatada badeecadaha keena aad wareysato waxa ay kuu sheegayaan in inankaa Iswaafajinta ujoogfa dekeda ee awooda dheeraadka ah haysta ay uga guurayaaan dekeda berbera,

Maamulka Dekeda berbera ayaa markii xaaladaa dhaqdhaqaaq yaraaneed ay soo food saartay  Xidhiidh la samaysay Wasaarada maaliyada iyaga oo ka dalbaday in ay isu kaashadaan sidii ganacsatada dekeda berbera ka wareegtay loo soo celin lahaa iyada oo culays lagu saarayo kastamada ay dalka kasoo galiyaan waxaana mudo hada laga joogo laba wiig uu maamulka Dekeda berbera  qeybtii uhoraysay ee shaqaalaheeda kamidka ahaa udiray kastamka magaalada Seylac kuwaasi oo loogu talagalay in ay culayskii iyo caqabadii looga yaacay dekeda berbera ay halkaas ka Bilaabaan waxaanay kala yihiin shaqaalaha ilaa hada Seylac la geeyay Jaamac Nuur Xassan(Jaamac Gambo) Sugule Ibraahim Maxamed iyo Ibraahim Ismaaciil Cabdi(Dhiico)sadexda shaqaalaha ah ayaa Waxa ay iyagu kamid yihiin shaqaalaha xafiiska tira koobka waxaanay soo tira koobaan badeecdaha uu kastamku soo cashuuray in wax laga tagay iyo in karaatoonta badeecadaha kujiraa yihiin kuwii ucashuuraa iyada oo guud ahaan ay wada eegaan badeecada uu ganacsaduhu sito, shaqaalahan ayaa iyagu iskala macaamili jiray ganacsaatada oo si dabacsan ula shaqayn jiray inkasoo iyagana uu Kadaba jeegareeyo Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur oo ah yarka awooda dheeraadka haysta ee dekeda Berbera looga yaacay oo isagu ka soo jeeda beesha bariga Burco mudadii ay xukumadani timina Awoodiisu sii siyaaday oo Idman,

Waxa kaloo intaa dheer oo iyaguna imika si gabaabsiya udhoofa xoolihii sida daadka udhoofi jiray ee intooda badan uu dhoofon jiray ganacsadaha carbeed ee Saleebaan Aljaabiri oo isgana sida la sheegaayo laysku maandhaafay lacagihii khidmada ahaa ee xukumadu ka qaadi jirtay maxjarka uu maalgashaday ee berbera.

Dhinaca khasnada Dekeda berbera ayaa iyaduna haawanaysa oo shilimaadka yare e kusoo dhacaba waxa lagu maareeyaa hawl maalmeedka dekeda sida ay sheegayaan xogaha aanu ka helay waaxyaha maamulka dekeda uqaabilsan maaliyada gaar ahaan xafiiska Xisaabaadka oo noo xaqiijiyay in aanay daymihii dekeda lagu lahaa bixin Karin jeegagiina isdul fuuleen iyaga oo maamulku wada saxeexay balse aan loohayn lala eegayo in uu dakhli soo galo,

Dhinaca kale waxa aanu iyagana aragnay shaqsiyaad kamida dadka jeegagu ka yaalaan dekeda oo noo xaqiijiyay in ay labadii bilood ee udanbeeyay ku laba noqonayeen maamulka xisaabaadka oo marwalba lagu qancinaayay in aanu wax dakhli ahi kujirin khasnada baanka ee dekeda berbera,

Sikastaba ha ahaatee iyada oo caqabadahaasi soo food saareen dekeda berbera ayaa waxa Haddana ay maamulkeedu ku foogan yihiin sidii ay ganacsatadaa ka duushay usoo fadhiisin lahaayeen iyaga oo aan sidii hore waxba ka bedelin iyaga iyo wasaarada maaliyada ee uu wasiirka socod baradka ahi hogaanka uhayo,waxaana cadaana in aanay sidaas ku imanayn ganacsatadu haddaan qorshaha cashuuraha ee dalka wax laga bedelin culayska la saaraana uu shacbiga uun saran yahay, waxaana Xukumada la gudboon in ay ka gilgilato iyada oo deked uu dalku leeyahay in wadamada jeerkeena ay Ganacsatadii dalka udhalatay  badeecadahoodii uleexiyaan iyaga oo ka yaacaya cashuurta sida bilaa xadka ah maalin walba loogu kordhinayo iyo tacadiyada ay kala kulmayaan Dekeda berbera iyo Kastamka isla magaalada berbera oo hada maraya wakhtigiisii ugu xumaa ee soo mara, iyada oo uu Maamule ka yahay wiil yar oo dhawaan kusoo biiray shaqaalaha maaliyada oo walibana aan wax khibrada ulahayn cashuuraha iyo qaabka loola macaamilo ganacsatada cashuur bixiyayaasha ah ee walibana muwaadiniinta ah,

Reported by Maxamed Cabdillahi Faarax(Soofadhiiste)

Berbera/Somaliland

Soofadhiiste@hotmail.com