Dhaqanka Xun Diid – W/Q: Prof. Cabdislaam Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin

Dhaqanka xun diid. Garashada xumaha iyo wanaagu waa dhalan Ilaahay aadamaha ku abuuray. Meel kasta oo uu aadamahu joogo, ama diin kasta oo uu rumaysanyahay, ama hodan iyo sabool midka uu yahay waxay ka siman yihiin inay u arkaan in beentu xuntahay, runtuna wanaagsantahay; in tuugadu xuntahay, tuugo la’aantuna wanaagsantahay; in khiyaamadu xuntahay, daacadnimaduna wanaagsantahy; in samir la’aantu xuntahay, samirkuna wanaagsanyahay; in bakhaylnimadu xuntahay, deeqsinimaduna wanaagsantahay; in aqoon la’aantu xuntahay, aqoontuna wanaagsantahay; in mabda’ la’aantuna xuntahay, mabda’u wanaagsnayahay; in adoonsigu xunyahay, xornimaduna wanaagsantahay; in ga

Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin

rsoor la’aantu xuntahay, garsoorkuna wanaagsanyahay; in maamulxumadu xuntahay, maamulwanaaguna wanaagsanyahay.

Dhaqanka xun diid; oo maamulxumo waa dhaqan xune diid. Maamulxumada ina haysa ee dadkeena iyo dalkeeniiba ragaadisay dhaqan ayay noqotay. Dhaqankaasina wuxu sal ku leeyahay maamulkii kelidii taliska ahaa ee Faqashta, “Ayax teg, eel se reeb.” Maalmulkii Faqashta wuxu jideeyay madaxweyne loo sacabiyo sax iyo qaladba; madaxweyne been loo sheego oo runta lagala baqo; madaxweyne la gaadhsiiyo inuu dadka iyo dalkaba leeyahay.

Wuxu dhaqankaasi dadkii midiidinka ka dhigay keenay in dadku danta gaarka ah uun ka shaqaysto, hadday tahay mansab uu helo ama maal uu helo, danta guudna baylihiyo. Waxa kale uu keenay inay dhaqan noqdodaan nifaaqa iyo beentu; laguna celceliyo amaanta iyo weyneynta madaxada iyaga oo aan u qalmin amaan iyo weynayntoona.

Dhaqanka afka ayaa sida. Maanta waxa afkeenii ku badan oo caadi noqotay erayayda: “Madaxweyne”, “Gudoomiye”, “Xildhibaan”, “Wasiir”, “Agaasmi” iyo wax la mid ah. Inta badan marka magacayadaa loogu yeedhi dadka ixtiraam qalbiga jira ma aha ee waa afka baarkiisa. Waa nifaaq siyaasi.

Fasaad nifaaqa ka weyne ma jiro – siiba kiisa siyaasiga ah. Dhaqankaasi qofka isaga oo nool ayuu dilayaa, maxaa yeelay, wuxu ka dhigayaa qofka miidiidin kaba qaad u noqda kolba ciddii xukunka haysa. Waana aafo weyn oo sida xarka bulshadeena maanta gashay. Waxaanay dhalisay in xaaraantiina la xalaashado; xalaashiina la xaaraantimeeyo. Cidhibteeduna waa dulinimo, darxumo, dubudhac, iyo dad la’aan, iyo aakhiro seeg.

Sida darted, haddii aynu nahay bulshada Somaliland, dhaqanka xun ee faasidka (siiba nifaaqa siyaasiga) ee bulshadeenii iyo dalkeeniiba ragaadiyay waa inaynu tilmaanaa oo diidnaa. Waana inaynu ku bedelnaa, “Xaal iftiin baa la qashaaye” dhaqan furan oo ku socda: nuur, nidaam, iyo nadaafad. Wa billaahi tawfiiq.