Dhaqaaq – W/Q: Faadumo Buuni

 

Dhaqaaq, una dhaqaaq dhanka guushu kaa xigto. Ha ka soo jeedsan iyada balse ka daba tag ha is odhan, “Way kaa baxsatay mana gaadhayasid.” Waad gaadhaysaa weliba iyada oo kula faraxsan. Way kula cawayn doontaa markaasaad dareemi doontaa daryeel aad u baaxad wayn! Balse marka hore waxa dhab ah in ay ku daalin doonto, weliba ilmo badan kaa qubi doonto. Tanni waa sunnada guusha iyo astaamaheeda lagu yaqaan.

Miyey kula tahay inaad u mari doonto iyada waddo siman oon qodax iyo dhagax oolin? Miyeyse kula tahay in aanad dareemi doonin xanaf iyo xagtino badan? Ka raadi guusha gacmaaha, masxadaada iyo muruqaaqa. Maxaad cidkale waxay samaysteen ugu hanqal taagi?

Maxaad u diiddan tahay inaad dhaqaaqdo ood ka kacdo goobtaad maanta ku sugantahay haddii dareenkaagu kuu sheegayo inaanay ahayn halkii aad u baahnayd ama kugu habboonayd inaad joogto. Waxa kugu jira awoodo badan oo aad wax ku qabsankarto, ku shaandhayn karto kuna garankarto. Maxaa markaas kuu diidday inaad dhaqaaqdo?!

Maxaad u odhan, “Haddaan gaadhi lahaa halkay hebel ama heblaayo tagtay ama aan dal hebel tegi lahaa aad baan guul wayn u gaadhi lahaa weliba aad baan u farxi lahaa. Haddaan haysan lahaa waxa ay haystaan oo kalena farxaddayda lama soo koobi kareen!” Farxaddaadu kuma xidhna intaas balse waxay ku xidhan tahay intaad haysato inaad rumaysatid inay wax wayn kuu tarayaan.

Raadinta farxaddu kuma xidhna wax kaa maqan balse waxay ku xidhantahay hadba intaad haysto ood Rabbigaa ugu mahadnaqdo inta uu ku siiyey kuna faraxdo. Ha is odhan,” Toloow ma Rabbibaa kaa jecel iyaga?” Maya kaama jecla iyaga balse waa imtixaan adiga iyo iyagaba lagu imtixaamayo laguna eegayo bal sida ay iyagu ugu mahadnaqeen wanaaga la siiyey, adna hadduu kaa maqanyahay wanaagaasi la eegayo sida aad ugu samirto sugitaankiisa. Qaybintana Rabbibaa iska leh ee adigu shaqo kuma lihid.

Hal talaabo qaad si aad u qaado talaabo labaad. Dhaqaaq hana soo jeedsan, haddaad soo jeedsato waxa suurto gal ah in aanad ku jeedsan waxaad ka soo jeedsatay. Go’aanka ah inaad soo jeedsan markaad gaadho Rabbi talo saaro isagaa ugu wanaagsan cid la talo saarto.

Ugu danbaynna, u dibjir ilaalinta diintaada, daryeelka dadkaaga iyo dalkaaga markasta.
Dhammaad

 

W.Q: Faadumo Buuni
libaaxo.77@gmail.com
Hargeysa, Somaliland