Dhallaankii Waalidkii Dhibay!!

 

 

In aan la yaabo maaha oo aniguba sidan si la mid ah ama u dhaw ayaan samayn jiray waxaanan ku samayn jiray qof iga weyn oo wax badan oo aniga macno ila leh isaga ayna u cunta maynin hadana dulqaadkiisu uu isku caqli naga dhigay   waxaan xusuustaa aniga oo la socda in aan ku idhi kaalay ciidan ila ciyaa ama ila walaaqo   waxaan xusuustaa aniga oo la socda in  aan ku idhi hebel ama heblaayo ila dil ama ila shiid/tuuryee waxaan xusuustaa in aan saxiibo uga dhigay dad uu  garaad iyo da’ah  ahaabna ka weyn yahay balse  saxiibkaa saxiibadii raali-geli uun uu u sameeyey .

Waxaan xusuustaa in aan  alaab lumiyey qof kale aan dakhray halkii aniga la iga qabsan lahaa in isagii dambi lagu oogay aniguna laga yaabaa in aanay macno ii kala lahayn in aan kala taageero labada dhinac kaliya garashada aan aqoonta badan isaga u leeyahay uun  marka la garamaayo aan dhiniciisa u fadhiisto .

Waxaasi oo gabooda faallo iyo xad-gudub aadmi ah  aanaa sameeyey  nasiib wanaagse waxa ii kaydisay  cajalad nooca dib isku soo celiso ah oo ku jirta shandad/boorso qaad weyn /mugweyn balse fudud oo aan hadh iyo habeen sidan karo dhawr jeer ayaan raadyaw dib ugu dhagaystay cajalada  mar-marna muuqaal baabay ii noqotaa oo aan ugu daawadaa, balse waxaan moodi jiray in kaligay ay cajaladani ii duuban tahay amaba ay ii shaqayso oo cid kale oo hore u isticmaashay ayna jirin galab aniga oo Berbera jooga oo heer kulku aad u badan  yahay  waxaan meel aan shaqo ka waday ku booqday qaxoonti Somali ah oo dalka Yeman ka yimi way daalan yihiin , cunto iyo biyo ayey u ciil qabaan oo  markay kula hadlaan idaacad ayaad moodaysaa amaba qof kaa fog in uu kula hadlaayo , hooyo ka mid ahayd  dadkii goobta aan kula kulmay  waxa la socda  nin aan la iiga garan kaliya waxa u igaga duwan yahay waa da’da oo aniga ayaa ka dheer, kana xoog weyn  balse sida uu u dhaqmaayo markii aan arkay waxaan  la soo baxay raadyawgii cajaladii ayaan ku riday waan daawaday waaba aniga laftigaygii.

Waxa uu ku celcelinayaa ninkan  ii eegi  “ maxaan cunaa , waa maxay gaajadu  “ qorshaha ugu ma jirto in qaxoonti la yahay ma aqoonsana in dalkii uu joogay meel  aan ahayn uu tagay. Aniga oo la yaaban  ayaan hadana arkay in muuqaalkan la mid ah kii  aniga hore la iiga duubay .isaga oo qaylinaaya cid u jawaabta cabsi laga qabo awgiina ayna jirin ayaa iigu dambaysay garan maayo in uu wali qaylinayo xataa.

Ka soo tag maalin aan waqtigan ka fogayn  waxaan fadhiyey goob rakaab diyaarad sugaayey ay fadhiyeen amarka ilaahay nin saddexaad oo ii eeg  ayaa agtayda lagu hayaa saddex saacadood oo aan fadhinay isagu wuu hurday marna wax uu cabaayey/sharaab   waxa uu khuuriyaba waqti tagitaankagu dhawyahay ayuu toosay inta uu  yidhi “ meeshan maxaa na dhigay ayuu dhinac u yara kacay aabihii oo uu dhabtiisa ku jiifay meel ku xigta ayuuba ninkii ii eekaa  uu kaadi la istaagay waabu taleejiyey /kaajay nin kale oo  khamiis xidhan  kaadidii ayaa gaadhay isagiina si cadho leh ayuu ninkan ii eeg aabihii u feedhay oo ku yidhi “waar maxaad ilmaha noogu soo daysay  iyada oo la kala hayo diyaaradiina timi dadkiina kece  ninkii ii eekaa isagu waxa uu dhex raacay dadkii kacay waxaanu aabihii ku leeyahay “ Aabo ina mari dadkii waa tageene “ ma oga in dab uu shiday  aabihii lugaha kala jiro.

Saddexyadan isku eegba ma nihin habaar-qabayaal balse waxa nahaysan  dhallaanimo.

 

 

W/Q-Cumar Seerbiya

omerserbia1@hotmail.com