Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Argagixisnimo Ugu Xidhan Minnesota Oo Qorshe Damaanadeed Loo Raadinayo

Minneapolis, (SLpost)- Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykan ayaa dedaal ugu jira sidii xabsiga looga soo saari lahaa  lix dhalinyaro soomaali ah oo loo haysto argagixiso, kuwaasoo lagu eedeeyey inay damacsanaayeen inay u safraan  dalka Syria.Six alleged

Ka dib kulan ay yeesheen xaakinka maxkamadda gobolka Minnesota, ehelada dhalay lixda dhalinyarada ah iyo sidoo kale jaalliyada soomaalida ee magaalada Minneapolis ayaa wuxuu xaakinku ujeediyay inay la yimaadaan qorshe u ogaalanaya dhalinyarada xidhan inay joogi karaan banaanka inta maxkamadayntoodu ay ka bilaabmayso, isla markaana ay kusii wadan karaan shaqadooda iyo waxbarashadooda. “Ninkan xaakinka ah ee jaalliyada iyo ehelada la kulmay waa nin ka duwan xaakinkii hore ee wiilasha xukumay, wuxuu ahaa xaakin macquul oo jaalliyada tusay inuu ka xun yahay waalidiinta dhibta la soo deristay, markaa wuxuu codsaday inay la yimaadaan qorshe ay ku damiintaan carruurtooda waqtiga ka hadhay maxkamadayntooda.” sidaa waxa warbaahinta u sheegay Sidiiq Warfaa Madaxa qurbejoogta Soomaalida.

Qorshahan oo ah mid aan weli la ogolaan ayaa haddii dhaqan galo wuxuu u ogolaanayaa waalidiinta inay dusha kala socon karaan dhaqdhaqaaqooda, dhalinyraduna waxay heli karaan fursado ay bulshada dib ugu soo laaban karaan.

Somalilandpost.net