Dhalinyaro Mudo Laba Wiig U Xidhnaa Xukuumada Oo Damaanad Lagu Sii Daayey

Hargeysa, (Somalilandpost.net) – Waxa maanta xoriyadoodii dib u helay dhalinyaro mudo laba isbuuca  ah u xidhnaa xukuumada ka dib markii ka hadaleen heshiiska ay kala saxeexdeen xukuumada iyo shirkada Dp world ee laga lee yahah dalka Imaratk, sida uu noo xaqiijiyay Barkhad Jaamac Xirsi oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka WADANI.

Dhalinyarada oo mudooyinkii ugu danbeeyey ku jiray xabsi ku yaala magaalada Hargeysa ayey suura gashay in maanta damanaad lagu sii daayo kuwaas oo loo haystay ka dib markii ay ka hadleen heshiiska lagu kiraynayo dekeda magaalada Berbera.

Dhalinyaradan oo qaarkood ka tirsanaa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayuu xadhigoodu yimid ka dib markii ay shaaca ka qaadeen inaanay ogolaan doonin la wareejiyo dekeda magaalada Berbera, waxaanay dureen heshiiskii dhex maray xukuumada somaliland iyo shirkada DP World.