Dhalinyaro Laba Gabdhood Ku Kufsaday Goldogob Oo Xukun Lagu Riday (SAWIRRO)

(SL.Post) Shan Dhalinyaro ah oo dhamaadkii sanadkii hore labo Gabdhood ku kufsaday Degmada Galdogob kadibna mid ka mid ah gabdhaha ka duubay Muuqaal lagu baahiyay baraha Bulshada ayaa maanta xukun lagu riday.

Xukunkan oo ay rideen Culimada waxaa Goobjoog ka ahaa Ma’uuliyiinn ka socotay Puntland, Ehellada wiilasha iyo Qaar ka mid ah Dadka deegaanka,waxaana xukunka kadib Dowlada Puntland ku fulisay Dhalinyaradii Jeedalkii lagu xukumay [Karbaash], siddoo kale waxaa xukunka qeyb ka ah xarig iyo ganaax lacageed.

Mid kamid ah dhalinyarada lagu soo eedeeyay in uu ku lug lahaa kufsigan ayaa lagu waayay wax danbi ah sida ay xukmiyeen culumaa’udiinkii ku jiray qaadista dacwad-dan kufsiga la xiriirta.

1:-Shirwac Jaamaca Junle waxaa lagu xukumay 200 oo jedel ah,10 Sanno oo xarig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan “$4620 Dollar

 

2:-Yaasir Maahir Xaashi waxaa lagu xukumay 200 oo jedel ah, 8 Sanno oo xarig iyo Ganaax lacageed oo dhan “$3520 Dollar.

 

3:-Ayaanle Wale Waxaa lagu xukumay 100 jedal ah, 7 Sanno oo xarig ah iyo Ganaax Lacageed oo dhan $2560 Dollar

 

4 :- Yaxye Awkax,Waxaa lagu xukumay 100 jedel ah, 6 Sanno oo xarig iyo Ganaax lacageed oo dhan $1760 Dollar.

 

5:-C/risaaq Xoosh Jabriil,100 jedel ah,5 sanno oo xarig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan $1760 Dollar.

Somalilandpost.net