Dhalinyaro Gadoodsan Oo Weerar Ku Qaaday Jaamacadda Hargeysa Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Hargeysa, (SLpost)- Arday gadoodsan ayaa saaka weerar ku qaaday jaamacada magaalada Hargeysa, halkaasoo ay waxyeelo soo gaadhsiiyeen dhamaan baabuurtii ku xaraysnayd xayndaabka jaamacadda.

Ardaydan oo sida ay wararku sheegeen ka gadoodsan macalimiin hore u shaqada looga joojiyay oo ka hawl-gali jiray jaamacadda ayaa waxay khasaare u gaysteen in ka badan afartan gaadhi oo ay lahaayeen hawl-wadeenada jaamacaddu.gaadhi

Khilaafkan oo muddooyinkankanba ka taagnaa jaamacaddaas ayaa hore u sababay in dhalinyaro sidan oo kale u gadoodsani ay waxyeeleeyaan qaar ka mid ah guddida jaamacadda.

Ilaa hadda kamay hadal masuuliyiinta iyo maamulka jaamacaddu waxa ugu weyn ee keenay dhacdadan foosha xun, isla markaana may soo bandhigin waxay ku xalin doonaan.gadhi ga