Dhalinyarada Qaadanaysa Baasaboorka Somaliland oo Shuruudo Hor leh lagu Xidhay

Hargeysa (SLpost)- Laanta Socdaalka Somaliland, ayaa shuruudo hor leh ku xidhay dhalinyarada doonaysa inay qaataan Baasaaboorka Somaliland ee doonaysa inay u baxaan dalka dibaddiisa, waxaana sababta go’aankan oo maalmihii u dambeeyey la dareemay lagu sheegay mid lagaga hortago socdaallada sharci-darrada ah ee dhalinyarada ugu baqoolaan waddamada dibadda.

Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey arrintan, ayaa sheegay inay soo rogeen shuruudo cusub oo looga baahan yahay dhalinyarada doonaysa inay qaataan baasaboorka Somaliland,

Taliye-CambaroTaliye Maxamed Cali waxa uu in go’aankani hirgalay todobaadkii hore khamiistii usbuuci hore ay joojiyeen siinta baasaboorka Somaliland dhalinyarada ilaa ay soo buuxiyaan shuruudo cusub oo lagu soo rogay qaadashadooda, waxaanu yidhi, “Laga bilaabo khamiistii waxaanu joojinay siinta baasaboorka Somaliland dhamaan dhalinyarada Somaliland, ka dib markii ay soo baxeen xogo muujinaya inay u adeegsadaan qaarkood qorshayaashooda tahriibka.”

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland waxa uu sheegay inay baasaboorka siinayaan dhalinyarada u baxaysa waxbarasho, caafimaad ama ballan safaarad dibadeed marka uu buuxiyo shuruudaha looga baahan yahay, waxaanu yidhi, “Dhalinyarada waxaan baasaboorka Somaliland siin doonaan kuwa u socda waxbarasho, caafimaad ama ballan safaarad dibadeed marka uu soo buuxiyo shuruudaha ku xidhan.”

“Shuruudaha guud ee looga baahan yahay qaadashada baasaboorka markuu soo buuxiyo, qofka dhalinyarada ee caafimaad u baxaya waa inuu keeno warqada caafimaad ay soo qoreen guddda caafimaadka cusbitaalka Hargeysa, qofka u baxaya waxbarasho waa inuu keenaa warqad caddeynaysa jaamacada uu u socdo ogolaanshaheeda iyo warqad caddeyn ah wasaarada waxbarashada Somaliland, qofka u baxaya ballan safaaradeed waa inuu keeno caddeynta ballanka safaarada uu tegayo iyo warqada ballankii loo qabtay.”

Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf (Cambaro) ayaa sheegay in sidoo kale dhalinyarada doonaysa inay qaataan fiisayaasha looga baahan yahay caddeynta waalidkood inay u socdaan hawlaha ay sheegeen.

Shuruudahan cusub ee Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland G/S Maxamed Cali Yuusuf soo saaray ayaa la filayaa inay wax ka tarto hiyiga soof-dhaqaaqa dhalinyarada Somaliland oo mudooyinkii u dambeeyey u isticmaalayey qaadashada baasaboorka Somaliland inay u fududeyso qorshayaashooda tahriibka iyo ku galaan dalka Itoobiya.