Dhalinyarada iyo doorka ay ku leeyihiin dalkooda – W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi

RIDWAANUmaddaan shabaabkeedu hanan waa u ayaan xuma’e
 Inamiyo hablaba waxaad tihiin aarankaa kacaye
 Itaal gabe dadkiinii hore waydin aragtaane. (X.Aadan Af-qalooc)

 

Dhalinyarradu waa aas-aaska ay ummadi ka unkanto, waa bu’da ay ka abuuranto in la helo da’yar fikirkooda iyo maankoodaba u huri kara dadkooda , dalkooda iyo diintoodaba, waana jidka keliya ee horseedi kara in la hanno qaado si loo gaadho himilooyin wax ku ool ah oo dhaxal gal noqon karra.

Dhalinyarradu waa dalaga keliya ee la beerto loona aayo anfacooda iyo tamartoodaba waana waddad keliya ee lagu abuuri karro horumar iyo isbedel waayo ‘dhulna intaad beertaa kaaga soo go’a, dadna intaad gashataa kaaga soo baxda” taasina waa mid u bahan in waqti lagu bixi sidii dadaal dheerad ah loo gelin lahaa dhalinyarada waayo cidkasta waa mid ay u dhaadhacsan tahay faa’iidada ku laaban in dad la beerataa.

Waxa la rumaysan yahay in bulsho kasta oo maanta aduun-weynaha ka tirsani ay yihiin kuwo horumarkoodu yahay mid ay horseed u yihiin da’yartoodu, taasina ay tahay mid dhiiri gelintiisu ay sal u tahay dad iyagu dareensan in ay jirto maskax cusub oo wax abuuri karta isla mar ahaantaana uga firfircoon waxqabad kasta oo kaalin mug leh ku yeelan kara bulshadooda, si ay u gaadhaan halkay rabeen uu ahaana hadafkoodu.

Waxaase ayaan darro noqotay in dadkii dalka loo tuhmaayey waxqadabkiisa uu hamigoodiiba noqday mid aan meelba gaadhsiisneyn oo ku eeg sidii dadka loo kala abla-ablayn lahaa dano gaar ahaaneedna looga fushan lahaa, waa wax laga digigixoodo markay indhahaagu qabtaan dal ubixii uu lahaa ay badaha ku sii qulqulayaan dadkii hagi lahaana guntigoodii u furay quud aan jirin.

Waxaan shaki ku jirin in xubin kasta oo hawsheeda lagabaa ay noqoto mid la awood daraysa tagteeda markay aaminto in aanay waxtar lahayn, waxaan uga socdaa waxa la gabay waax iyadu mudnayd in la tabaaleeya lana ogaado, iyagna aaminay in aanay waxtar lahayn waxna ku abuuri Karin fikirkooda waayo in aad hindise ama afkaar la timadaa maaha mid u bahan maal-gashi ama gacan shisheeye kaga timadaa ee mid markasta loo bahan yahay inaad aaminto in aad wax bedeli karto waxna aad qaban karto adigoo adeegsanay mawqifkaaga ku aadan halka ay kaatagan tahay inaad gaadhi karto hadafka aad doonayso.

Waxa ii muuqata awoodo waxtarkoodi gabtay iyo maskax hamigeedi noqday dal shisheeye , waxaanu aaminay gacan shisheeye , waxaan yeelanay maan shishseeye iyo dhull uu dhistay nin aan kaa maskax badnayn, waxaanu samaynay waxaan loo bahnayn markasuu hankeenii noqday in aan ku noolaano danno shisheeye. Waxaa meesha ka baxday kaalintii iyo doorkii ubuxu dalku lahaa taaso dadka iyo dalkuba  uu ku taamayey waxtarkooda, waxaa gacanta ka baxay facii waddanku hiigsan lahaa iyo fikirkoodii.

Su’aasha mudan ee meesha taala waxay tahay;

Ceelna inooma qodna cidna inoo ma maqnee

Halkeen ku soconaa?

Halkeen hiigsanaynaa?

Halkeese laynagu wadaa?

Waxaan ku soconaa meel aan jirin, waxaan hiigsanayna waxaanu hankeenu ina siinayn iyo hami-gaaban, waxaa laynagu waddaa  meel aynaan ogayn, garaayn lakinse aynu doorbidnay markaynu isdhiibnay aaminnayna dad caqiido ahaan iyo gaarad ahaanba inaga fog muuqooda san’ yahay maankooduse joogin. Waa qaflad inagu habsatay iyo qami’ la’aan ina saameysay ka dhalinyar ahaan, waa cudur inagu dhacay daaweyntiisina ay noqotay mid waqtiba waqti inoo sii dhiibto ilaa uu ina soo ritay oo uu badaha ingu daadshay.

Ma inagaa kaalinteeni gabnay mise waa layna gabay?

Waa su’aal  dhallinyar badan ka dhex-guuxaysa maankooda, qaar badana radayn ku yeelatay noloshoodii, halka kuwo kelana ay aaminsan yihiin in la gabay lakinse aniga ahaan fikir ka aan qabaa wuxu yahay laynama gabine inaa is gabnay oo meelba ka muuqan waynay, waxa laga yaaba inaad i saluugsan tahay waayo waxaad ogtahay waxaanan ogeyn oo adiga kugu laaban laakinse waxaan aaminsanahay in sedex arrimood haddii meesha laga saaro meel dhexe laysugu iman lahaa adiga iyo dadkaagu taaso kala ah;

  • In aad maleyn khaldan ka qaadatay dadkaaga markii aad aamintay in aanay jirin cid indho gaar ah ku siinaysa.     Taasina aanay ahayn mid adiga lagaaga fadhiyey, waayo maaha in aad col hortii jabayey noqoto ee waa in aad wax kasban kartaa si laguu arko.
  • In aad adigu marka horeba is hagratay oo aanad is hanan taasoon uga socdo marka horeba in aanad aminsanayn ba inaad wax noqon karto waxna aad qaban karto. Taasina ay tahay mid aan laga sugayn iyo
  • In aad noloshaba aad ka damac san tahay hami yar oo ku salaysan cawaadiif liidata oo aan wax ku ool ahayn, taasina aanay ahayn mid lagaa malaysanayey.

Maaha in aad ku hamido sidii aad u heli lahayd nolol aad ku raxaysato oo qudha adigoo dadkaagi, diintaadi iyo dalkaagiba aad og tahay baahida ay u qabaan waxqabkaaga, haa waan ogahay inay arrintani tahay mid ubahan waqti iyo in juhdi dheerada la geliyo, waan ogahay inay jiraan carqalado kaa hor iman kara oo ay ugu wayn tahay dhaqaale ama awood fulineed oo aanad lahayn si aad u hirgelin lahayd waxqabkaaga, taasina waa mid xalkeeda aan laga doonayn meel fog waayo waa mid ku xidhan hanka aad sidaa inta uu le’eg yahay iyo inay kaa go’an tahay inaad ruumeyso hadafkaaga.

Haddaba si aad u her geliso fikirkaaga waxaad u bahan tahay dhawr arrimood oo aad aas-aas uga dhigayso waxqabadkaaga taaso ku sahli karta inaad hesho hilin bilaa turxaan ah isla markaana ku horseedi kara inaad rumayso fikirkaaga;

  • Fikirkaagu waa in uu ahaada mid fulli kara;

Fikirkaad unkaysa waa mid wuxuu doono ha ahaadee faa’iido noo leh oo waxtarkiisa wata, lakiinse togba tag buu rogmadaaye hadii ay tahay mid ay hirgantiisu adag tahay waxa laga yaaba in ay adigana niyad jab kugu abuurto, si aanay taasi u dhicin waxaad ubahan tahay in aad marka horeba sii taxadirnaato arrintan oo ay kugu sii jirto qorshahaaga ka hor intaanad sii guddo gelin darsidiisa.

  • Fikirkaagu waa in u ahaa mid ka midho-dhalkiisu ka go’an yahay;

Wuxuu qodobkani sahli karaa in aad awood u yeelaato ka midho dhalinta fikirkaaga taaso xal u noqon karta in aad kaga gudbi karto jidkasta oo ku xidha ama carqalad kasta oo kula soo derista waayo hadafka aad leedahaybaa  ka weyn marxalad kasta oo weji gabax kugu noqota.

  • In aad go’aan la timaado;

Go’aan qaadasahdu waa dariiqo ka mid ah isbedelka nolosha taaso aad ku hiigsan karto kaalin walba oo aad damacdo oo hamigaagu yahay, taasina maaha mid si dhib yar leh ku fusha ee waa mid u bahan  halgan iyo dadaaal dheeri ah oo aad ku qaabisho wajiyadeeda kala duwan. Arrintani waa mid ku xidhan hankaad sidaa inta uu le’eg yahay, waxaa laga yaaba in cawaaqiibtan tirade badan ee ku soo wajahaysaa ay niyad jab kugu dhaliso lakinse si arrintan loo laga gubo waa in ay jirtaa wax aad kaga gudbi karto oo ah dareenkaad sidaa inta uu raadayn ku leeyahay noloshaada.

  • In aad tallo saarasho la timaado;

Qodobkani waa mid kugu abuuri kara rajjo abadiya oo aan quusimaad lahayn kuna salaysan caqiido aad ruumaysan tahay, waana dariiqqada keliya ee kuu suro-gelin karta hadafkaaga. Waxaanu ognahay in awoodeena shaqsiyadeed ay tahay mid xadidan oo ku eeg kareena wixii intaa ka baxsanini ay tahay mid maamulkeedu kaa madax bannaan yahay, ta keliya ee adiga lagaga bahan yahay waa inaad sabab la timaado fullinteeduna waa mid u sugnaatay  ALLE. Markaa waa in aanad niyad jabin quusana waayo noloshuba waa rajo, rajaduna waa mid aad markasta ka sugayso xagga ALLE  oo awood oo dhami usugnaatay.

  • In aad fikirkaaga soo bandhigi karto;

Qodobkani waa mid ku horseedi kara in si dhib yar leh uu kugu hirgalo waxqabkaagu, taasina waa mid ku xidhan hadba sida aad usoo bandhigto ajandaha aad wadato iyo qaabka aad uga dhaadhicin lahayd waxtarka uu leeyahay firkirkaagani.

Qaabka bandhigu waa in uu ahadaa mid aad ku qancin karto indhaha dad badan adigoo adeegsanaya boqolkiiba 50% waxqadkaaga waayo dadku waa indho ku garaadlayaal wax laysku qanciyana waxaa ugu wayn inaad la timaado wax la taaban karro oo suura galna noqon karra.

Dariiqadani waa mid ku sahli karta inaad indhaha dad badan  soo jiidato iyo ciidii kale ee wax kaagala qabanaysa ee ay ugu horeyso maamulka ka jira dhulka aad ku nooshahay, lakinse shuruuda keliya ee kugu xidhan waxay tahay in aad marka hore aad adigu la timaado dadaalka iyo hirgelinta si aad wax u kasban karto waxqdabkaaguna u fuli karo.

Hadaba faa’iidada waxqadkaagan ka dhashaa waa mid laga dhaxli karto midho in badan lagu tamarin doono anfacooda oo ay kamid yihiin:-

  • In aad noqoto qof ku dayasho mudan oo lagu hirto, waa’ cusubna u dhaliya dhalinyarta kale.
  • In aad daah fur u noqoto indhaha dhalin yar fara badan oo uu ka dhinaa fikirkani laakinse waxqabad ku jiray.
  • Iyo inaad horseed unoqoto in indhahana aad u furto maamulka ka jira cariga aad ku noshahay adigoo dareensinya inuu jiro waxqabad iyo fikir ku laaban dhalinyarta, taasina  waa mid dhiig cusub gelin karta dadkaaga iyo dalkaagaba.

Fikirkaagu waa mid markasta loo baahan yahay.

Fikirkaagu waa mid markasta aanu kaa sugayno.

Fikirkaagu waa mid markasta aynaan ka maarmin waxtarkiisa.

 

 W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi (dalxa)

Email: ridwaan_99@hotmail.com