DHALINTII DALKEENIYO AAWEY DHAAYAHEENII:Qalinkii (Libaan fagadhe)

 

 

DHALINTII DALKEENIYO AAWEY DHAAYAHEENII

QALINKII LIIBAAN .X. FAGADHE    

 

Sidii daalinkii hore

Ma mid daasad qaatoo

Dowladaha shisheeyiyo

Dibadaha wareegiyo

Doolar kama dhargey dhali (DIRSOOC Ibrahim Gadhle)

Akhriste salaan dabadeed waxaynu la soconaa Siyaasada ABAAH-QASKA  ah madaxweyne Siilaanyo dalka ku hagayaa halkey sal dhigatey maanta ALLAH ayaa ina lehe intiisuu ku sugey, waa ayaamo ku suntan taariikhda ma sal-guurtada ah, waa ayaamo sawracoodu khaas u yahey madaxweyne Siilaanyo oo sumadeedu noqotey SIYAASADDA ABAAH-QASKA AH .Sidaynu wada ognahaey dowladnimada somaliland kumay iman dhayal ee dhiig baa u daatey , dharaaro qadhaadh,  dhib iyo dhabar adeyg ayaa loo soo marey, dadka reer somaliland qofkastaa waa ogyahey  markii ay lasoo noqdeen dowladnimadoodii wuxuu ahaa   go’aankii ay gaadheen GARASHAYANKU ee loo dhamaa, waxaa taas usii dheeraa  dastuurkii umadu ucodeysey sanadii 31/may/2001 ee aftida ahaa oo ay ku ayideen kuna xalaaleeyeen dadku 97.3%,  maanta sidee shakhsi ugu fikirayaa inuu hankii umadeena kolba suuq madow baayacaad cad quudheeda loo dhigo.

Maqaaladeydii oo aan qorey 23/03/13  (GARTU INA SANWEYNOOW MA AHA GEED SARE WAAB) isagoon safarka Siilaanyo tagin ayaan ujeedadiisa kaga war bixiyey oo ahaa xog aan haley, isagoon lakulmin boqorada carabtee iyagu midba makhaayad yar furtey oo ay inagu qasbayaan waxyaabo aan inoo cuntamin,halgankii qadhaadhaa ee ina soomarey dhiigii dhalinyaradii duurka ugashey oo u badnaa dhalintii ciyaala iskuulku Naftood hurayaasha dhiigoodii iyo dheecaankoodii daatey iyo DHAXALKII IN KA BADAN 800 sano (sideed boqol oo sano) naftooda umay hureyn oo wadankan ugama xoreyneyn taliskii macangaga ahaa in Wado lagu dhiso/ Ceel Biyo ah lagu qodo/Riig lasoo dawarsado Carab/Ictiraaf baryo ah IWM, balse waxey aheyd:

1) GARSOOR-

CADLIBAA WAX DOOJEE, WAX KALOO RAG DEEQOO

DADKA LAGAGA EED BAXO, NIN U DOONEY HELI WAA(gaariye)

2) HORUMAR-

DAAYEER SACABDIISUU BIYO KAGA DHERGAAYE KOLKA NIDAAMKA CADAALADA LA SUGO EE LA FULIYO MAAHMAAHDII AHEYD GAALKA DIL GARTIISANA SII WAXA XAQIIQA BIYO KAMA DHIBCAANA AH IN NOLOL IYO HORUMAR TAAMA OO DEGEN OO AAN LASOO ERGISAN/AMAAHAN/DAWARSAN LAGU GAADHAYO SUGNAAN MUDO GAABAN, WAXAANA AAD IYO AAD UGA ADKEYD KANA DHIB BADNEYD HUB KA DHIGISTII, NABADEYNTII, WALAALEYNTII IYO DHISMIHII HAYKALKA DAWLADNIMO EE AYNAAN CIDNA U DABA FADHIISAN SHALEY.

Maanta kuwii maalintii lagu dilayey ,ee daldalaada laguu sameynaayey ee diyaaradaa lagugu soo weerarey ee sidii aad ogeyd laguu gelaayey CARAB  waa kuwii  soo bixinaayey wax kastoo lagugu dabar goynkaro maantana way kuu qirteen waana kuu cadeeyey ee haduu garawshiiyo ka keeney xumaantii maalintaa  kugu sameynaayey kugu lamuu soo dhaceen ereyada uu ku tiraabey maanta, gartey oo ninku waa ninkii uun sidii baanu dagaal iyo dabin-ba iigu qoolayaa waxase igaga sii daran tiisu karba iguma heysee NIN DORAAD OGSOONAA HALKII DAADO LALA MAREY OO DA’DA UU YAHEY maanta ku ambanayaa mar labaad kolkuu dhistey ee uu qaadey dhabaha la magac baxey SIYAASADA ABAAH-QASKA AH.

Kulankii dhawaan Madaxweyne Siilaanyo la yeeshay wasiirka madaxtooyada dalka Emirateka Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan ayaa tibaaxaya in dawladda Emirateku ay ka codsatay madaxweynaha Somaliland inay dawladiisu aqabasho qodobo isku soo dhawaynaya midnimadii Soomaaliya miyey inoo  cuntantaa shirqoolada kolba xukuumadan loogu yeedhaayo  waa MAYA,   shacbiga waxan cidna aaney ku qasbi karin tan ay wado xukuumadan ay siyaasadeedu noqotey(abaah qaska) ,hore ayaa tan ay wadaan loo diidey maantana dunidu hadey iswada raacdo wax ay inagu qasbi kartaa majirto oo wax kastoo ay sheegaan unooma cuntamayaan waxa kaliya ee inoo cuntamayaa waa qaranimada Somaliland iyo go’aankeynu qaadaney.alle ha unaxariis gabayaageenii weynaa ee Barkhad Cas ayaa xigmadihiisii ay kamid ahaayeen

Allahayow adoonsigaagii

anigoon ku dhameyn arkaantii

miyaan ingiriis usoomaa

illaahow aduunyadaadii

anigoon afka gaadhin oon arag

intaad iga siisey oo idil

miyaan ingiriis udhiibaa (Barkhad-cas)

Waftigii Siilaanyo wuu ka gaabsadey inuu sheego ujeedada safarka inuu la kulmaayo ka Somaliya laakiin hadana layaabatiin inaguma noqonayso hadii  ay u kulmayaan si qarsoodiya, kii Somaliya ee 100-ka qof doorteen waxa uu tagey  wadanka Qadar ,waxey isu jiraana majirto iyaga iyo UAE waa sida Hargeysa iyo Gabiley oo kale xiligey doonaan ayey kulmayaan ee bal muxuu Siilaanyo markuu soo noqdo odhan(DALBA JUUQAHAAGUNA WAX LA DEDO KA XEEL DHEER) .

Warar xogogaal ah ayaa sheegaaya in nimankani ay  soo hordhigeen mashruuc magdhow ah iyo wadooyinkaa ay leeyiin waanu dhiseynaa ,bal marka ay leeyiin shaqooyin ayaanu abuureynaa miyeynaan inagu halgankii aynu soo galney miyeynaan siisanin shaqooyinkii iyo hantideeniiba ,dib udhiska miyeynaan udumin iyadoo dhisan si aynu uga hoos baxno dulmiga aad ogeydeen maanta miyeynu ku badalanaa aduun yar.

Dadka shacbiga ah waxa inala gudboon inaynu ogaano iskana fahahano dabinada ay kolba inoo dhigayaan dowladaha kolba meel kula faqaya dadkii aynu dooraney oo inagii doonaaya inay ina jaha wareershaan, markaa waa inaynu fahanaa dabinada, ka mideysnaanaa qaranimada Somaliland, Siilaanyo iyo ninkaloo umadan siri karaana majiro inagaana u xor ah wax kastoo aynu yeeleyno.

siilaanyo waxa uu inoosheegey inaanu ka qeyb galeyn shirka london lagu qabanaayo markuu arkey dareenka dadka ,markaa ma waxeynu diidaneyn goobta mise arinkan lawado ayeynu diidaneyn ee gogoshiisii loosoo rarey ABU-DABAY, waxaa inala gudboon inaynu ka foojignaano masalahan leynoo badalaayo.

GEBAGABADII BAL ILA DHUUXA MURTIDAN

hangool gudin gar iyo xadhig

aqalkaa lagalo iyo dhuxusha giniga ah

geedkaa ina deeqey gabigeen

gadniin iglan(ingiriis iyo carab) goosan karimaayee

somaliland gidigiin gartaa naqa oo

galoolka maxaynu siinaa( Barkhad-cas)

 

206011_181823751884078_932148_n

DHAMAAD
Qalinkii: Libaan Xaaji Fagadhe
libanfagadhe_1@live.com