Dhalinta iyo Ciyaaruhu waa Biriijka nabada iyo horumarinta bulshada

Tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland oo in mudo ahba la sugayay ayaa sanadkan sii dhamaanaya waxa wasaarada iyo xidhiidhada kala duwan ee Ciyaaruhu  ku guulaysteen in ay hirgaliyaan qabsoomida Tartanka (Somaliland Regional Tournament Burco 2011), kana kooban Kubada Cagta, K.Kolayga iyo Ciyaaraha fudud (Orodada kala duwan) Kaasi oo ay ku kulmaan 8da Gobol, Tartankan oo noqonaya kii Lixaad intii aan madaxbanaanida la soo noqonay kaasi oo ay ku kulmaan gobolada Somaliland. wasaarada iyo xidhiidhadu iyaga oo taageero  ka helay dhanka Xukuumada sare, taasi oo lagu xoojiyay dhawr gudi oo madaxbanana oo kale duwan kuwaas oo ka caawinaya qaban qaabada Ciyaaraha, abaabulka iyo dhiiri galinta dhalinyarada si xukuumadu ay kor ugu qaado xidhiidhka ka dhexeeya iyaga iyo dhalinyarada.

Hadaba, tartankan oo ka duwan kuwii hore sida loo agaasimay iyo meesha lagu qabtayba, waana markii ugu horeeysay oo lagu qabto Gobol ka mid ah gobolada Somaliland, Tartanadii hore  waxa marti galin jirtay Caasimada Hargeisa.  Marka hore waxaan hambalyaynayaa Maamulka Ciyaraha ee ku dhiiraday in ay tartankan ku qabtaan gobalka togdheer caasimadiisa Burco, waxaay talaabadani  abuuraysa is dhexgal, walaaltino isku soo dhawaansho bulshada reer somaliland.

Arintani waa talaabo wanaagsan oo hore loo qaaday waana arin  xoojinaysa nabadgalyada iyo kobcinta walaaltinimada bulshada dhexdeeda. Hadaba, waxaan talo iyo guubaabo u soo jeedinayaa Xukuumada, Maamulka CIyaaharaha iyo dhalinta reer Somaliland jecel Ciyaaraha, waxan dhalinta kula talinayaa in ay ka fogaadaan dhaqan xumada, qabyaalada, anshaxana dhowraan. macalimiintooda maqlaan ixtiraamaana u muujiyaan kana danbeeyaan, Wakhtidayada tartanada Ciyaaraha gobolada iyo tartanada kale sida Horyaalada, koobabka kala duwan ee loo qabto Heerarka kale duwan ee kooxaha. Waxaanan ku dhiiri galinayaa in ay noqdaan qaar markasta ku kalsoonaada Cagtooda iyo casharkii macalinku soo siiyay, lana yimaadaan ciyaar nadiif ah oo ay ka reeban tahay wixii turxaan ah, kana ilbaxaa maalinba garsoore ayaa wax la yeelay iyo ficilo la mid ah.

Dhanka xukumada iyo maamulka ciyaaraha waxaan u soo jeedinayaa in ay talaabad ay qaadeen ee dhanka dhalinyarada ayna halkaas kaga hadhin siina xoojiyaan, waxa kale oo aan ku soojeein lahaa in sanadka danbe 2012ka tartanka Gobolada Somaliland lagu qabto Gobolka Awdal caasimadiisa Borama, (Somaliland Regional Tournament,  Borama 2012). Arintan oo noqon doonta barnaamij abuura walaalaynta bulshada reer Somaliland ee wada dagan iskuna soo dhawaysa. Qabashada tartankan hadii la isla qaato, waxaay u baahan tahay in xog raadis la sameeyo ku sahabsan garoomada Gobolka markaas marti galinaya Ciyaaraha wixii ka dhiman la dayactrio Garoomada iyo dhanka farsamadaba. Si looga taxadiro is garab carar iyo qabyo joogto ah, wixii dhaqaale ahna laga wada tashadaa, haday tahay Wasaarada Ciyaaraha, Gobolka markaas lagu qabanayo iyo xukuumada sareba. Dhanka kale  xidhiidhadu waa inay noqdaan kuwo guta waajibaadkooda shaqo wasaaraduna noqotaa mid ku ilaalisa siyaasada guud ee Qaranka, waxaanan dhalinta iyo Ciyaaraha Somaliland u rajaynayaa horumar iyo hanaan toosan.

Dhamaanteenba waxaa la inooga baahan yahay  in ay cashar ka barato Tartanka wixii faa’iido iyo  khasaare iga soo baxay, si ay isku saxdo dhanka maamulka wixii ka dhinaa ee ay halkaas ka soo baratay, wixii farsamo ahna ayna u gacan dhaafin cida ku shaqada leh, sida Xidhiidhada Ciyaaraha ee kala duwan. Xidhiidhada kala duwan laftooda waxaa laga rabaa in ay god daloolooyinkooda iska saxaan, wixii aqoon ah ee ka dhimana iska kabaan, aqoon korodhsina u sameeyaan  Garsoorayaasha kala duwan loona raadiyo macalimiin aqoontooda kor u qaada oo heer qaran ah.

Amiin Abdilaahi Xash

Hargiesa, Somaliland,