Dhakhtar Maraykanka ka Caawiyey Dilkii Usama Bin Laden oo lagu Xukumay Xabsi 30 sanno ah

Islamabad (SLpost)- Dhakhrar  u dhashay dalka Baakistaan  oo  Wardoonka Mareykanka ee CIA  gacan ka  siiyey dilkii lagu khaarajiyey  Usama Bin Laaden, ayaa lagu xukumay xabsi 30 sanadod.

Shakil Afridi, waxaa lagu helay oo lagu eedeeyey inuu sameeyey  khiyaamo Qaran kadib markii uu ku dhaqaaqay  barnaamij dhinaca talaalka oo been abuur ah si uu warar  ugu soo uruuriyo wardoonka Mareykanka .

Xoghayaha arimahan dibada ee Mareykanka ayaa ku baaqday in lasii daayo  ninkaasi dhakhtarka ah, waxanay tilmaantay in hawsha uu qabtay  dhakhtarkaasi ay aheyd mid u adeegaysay danaha Mareykanka iyo Baakistaan. Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa Usaama Bin Laadin ku dilay guri kuyaalay magaalada Abbottabad ee dhinaca Woqooyi-Galbeed ee wadankaasi Baakistaan bishii May  ee sanadkii 2011.

Baakistan ayaa waji gabax ka qaaday in hogaamiyihii al-Qaaciida  laga helo gudaha Baakistaan isagoo ku nool, hase ahaate waxay arintaasi meel xun gaadhsiisay xidhiidhkii u dhaxeeyey Baakistaan iyo Mareykanka , waxaanay Baakistaan ay dareentay Meel kadhac in lagulakacay madaxbanaanideedii.

SLpost News