“Dhakhtar Kasta Oo Ajaanib Ah Oo Dalka Ka Shaqeeya, Aqoontiisa Waanu Ka War Haynaa” – Wasaaradda Caafimaadka

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa ka hadashay Dhakhaatiirta Ajaanibka ah ee dalka ka hawl-gasha, doorka ay Wasaarad ahaan ka qaateen xakamaynta xanuunka Covid 19 iyo abaalmarin lagu maamusay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay abaalmarin Wasaaradooda lagu maamusay ayaa yidhi “Wasaarad Caafimaad ahaan dedaalka aanu samaynay, nidaamka iyo qorshaha fiican ee aanu hormoodka ugu noqonay Xisaab celinta, Cashuuraha iyo qorshaha xeesha dheer ee aanu la nimid ayaa keentay in aanu kaalinta koowaad u galno Wasaaradaha oo waliba abaalmarin la nagu maamuso, waxaana abaalmarintan oo ah Shahaado sharaf ka turjumaysa wax qabadkayaga na gudoonsiiyey Wasaaradda Maaliyadda, markaas dedaalka halkaas ayaanu ka sii wadaynaa, waxaana kale oo Wasaaradaha kala iyo Hay’addaha dawliga ah ee kaleba kula talinayaa inay qaadaan talaabooyinka aanu qaadnay”.

Mar uu ka hadlayey Dhakhaatiirta ajaanibka ah ee dalka ku sugan ayaa yidhi “Dhakhtaro badan oo ajaanib ah ayaa dalkan ku sugan oo ka shaqeeya, Dhakhtaartii waanu eegnay Shahaadooyinkooda iyo aqoontoodaba, markaas Dhakhtar ajaanib ah oo aanan ka war hayn oo dalka ku sugan umaddana u shaqeeyaa ma jiro oo Dhakhtar walba aqoontiisa waanu ka war haynaa, iskaba daa Dhakhtar aan dalka u dhalan, ee xittaa Dhakhtarada dalka u dhashay ayaanu aqoontooda ka war haynaa”.

Mar uu ka hadlayey Xanuunka Covid-19 ayaa yidhi, “Xanuunka Koronaha waa Xanuun halis ah oo dad badan oo daafaha dunida ku kala noolaa sababtiisa u dhinteen, laakiin dadkeena waxaan uga mahadnaqayaa qaabka ay u qaateen Wacyigelintiii aanu sida joogta ah ahayd ugu sii deyn jirnay, Dawlad ahaana si fiican ayeynu u xakaymaynay, laakiin waxaan dadka ku dhiirigelinayaa inay aad isku ilaaliyaan, taxadir aad u badana muujiyaan”.

 

Somalilandpost.net