Dhakhaatiirta Ingiriiska Oo Shaqo Joojin Sameeyay

UK(SLpost)-Tobanaan kun oo dhakhaatiir ah ayaa England ka bilaabay afar iyo labaatan saacadood oo shaqo joojin ah, iyagoo ka cabanaya mishaarka iyo xaalada ay ku shaqeeyaan.

160112105247__87619860_strike2

Dowladda Britain ayaa doonaysa inay saxiixaan heshiis cusub ee shaqada oo kordhinaaya mishaarkooda, laakiin hoos u dhigaaya lacagta ay qaataan saacadaha ay shaqeeyaan maalmaha la nasto iyo habeenkii.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay, in heshiiska cusub ee shaqada aanu ahayn xaq ayna ka digeen inuu wax u dhimaayo caafimaadka bukaanka iyo dhaqaatiirta.

Waqtiga shaqo joojinta, dhaqaatiirta ayaa daawayn doona oo kaliya bukaanka qaba xaalad deg deg ah. Waxaa la joojiyay kumanaan qaliimo dhici lahaa iyo daawayntii kale. Ra’iiisalwasaraha Britain David Cameron ayaa ugu yeeray shaqo joojinta mid qasaaro keenta.