Dhakhaatiirta Ajaanibka ah ee aan Haysan Shahaado la Aqoonsan Yahay oo Dalka Laga Mastaafurinayo

 

 

Hargeysa (SLpost)- Dhakhaatiirta ajaanibka ah ee aan u dhalan Somaliland ee dalka ka hawl-gala,ayaa loo qabtay ugu dambayn inta ka horraysa  30-ka bishan in ay ku soo gudbiyaan shahaadooyinka caafimaad ee ay haystaan, oo  laga rabo in ay noqdaan shahaadooyin caalami ah oo la aqoonsan yahay, dhakhtarka ku soo gudbin waayana dalka laga mastaafurin doono.

 

Sida uu daboolka ka qaaday Guddoomiyaha Guddida Mihnadleyaasha caafimaadka Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan, waxa uu ka hadlay caqabado uu sheegay inay kala kulmaan cisbitaallada gaarka loo leeyahay ee Somaliland ku yaalla.

 

“Waxaanu markii ugu horraysay qiimayn ku soo samaynay dhakaatiirta caafimaadka dalka ka shaqayta iyo aqoontooda,waxaanan tallaabooyin sharci ah ka qaadnay dhakhaatiir aqoonta ay sheeganayaan ee ay dalka ku joogaan been ahayd oo aanu ka  soo xidhnay xarumo ay ku lahaayeen magaalooyinka Hargeysa iyo Boorame. waxaanan sidaa u yeelay maaha in aan la ogolayn dhakhtar ajaanib ah oo aqoon lihi in uu dalka ka shaqeeyo laakiin waa in aqoonta uu sheeganayo uu haystaa shahaadooyinka uu ku qaatay oo sax ah, qof kasta oo ay is yeelan waayaan aqoonta uu sheeganayo iyo shahaadooyinka uu haystaa ama ay been abuur noqdaan dikumantiyadiisa  jaamacadeed ee uu sitaa dalka ka shaqayn maayo,”ayuu yidhi Dr. Axmed Xaashi.

.

Guddoomiyaha Guddida Mihnadleyaasha Caafimaadka oo ka hadlayay qorshe ay ku kala hufayaan aqoonta dhakhaatiirta shisheeyaha ah, waxa uu yidhi “Waxaanu ugu dambayn u qabanay in ay shahaadooyinkooda caddaynta u ah aqoonta ay barteen ee ay ku shaqaynayaan dhakhaatiirta ajaanibka ah ee dalka ku sugan aanu ka doonaynaa in ay ku soo gudbiyaan inta ka horraysa 30-ka  bishan oo  laba maalmood oo kaliyi  ay innaga xigaan cidda caddayn sax ah ku keeni waydana dalka  sii joogi mayso waana laga mastaafurinayaa waanan ka wada soconaa Wasaaradda Caafimaadka iyo ciidanka waaxda socdaalka ee dalka waana go,aan qaran.”

 

“Waxaanu marar badan dhibaato kala kulanaa iyo cabasho dadka dhakhaatiirta ajaanibka ah dalka keenna oo yidhaahda intaas oo cudur digtoor daweeya ayaan dalka keenay markaad waydiiso shahaadadiisa jaamacadeedna kuugu jawaabaya gaar ayaa naloogu jeedaa iyo ujeedo ayaa la iga leeyahay,laakiin waxaan u sheegayaa in dalka aanu joogi doonin 30-ka bishan dhakhtar aan shahaado caami ah oo la aqoonsan yahay aan sidan,waliba waxaanu la xidhiidhaynaa jaamacadda uu ka sito shahaadada  uu dalka la yimi oo hadduu uu shahaadadad been abuur  ku samaystay oo ay jaamacaddu aqoonsan waydana dalka joogi maayo ee imikaba been abuur-na ha  isku dayin in uu dalka ku joogo nin aan aqoontiisa digtoornimo caddaysan karaynin,”ayuu balan ku qaaday Dr. Oday.

 

Guddoomiyaha oo ka jawaabayay socdaal ay ugu baxeen Boorame dhawaan waxa uu la xidhiidho, waxaanu sheegay inay doonayaan inay isu soo dhaweeyaan dhakhaatiirta dalka oo isku khilaafay shirweynihoodii oo xilligii la qaban lahaa la gaadhay, waxaanu yidhi  “Boorame waxaan u tegaynaa khilaaf aan weynayn oo ka dhex jira ururka dhakhaatiirta oo shirwaynahoodii shalay(Dorraad)  Hargeysa uga furmay  oo ay ka maqnaadeen dhakaatiirtii Boorame markaa aniga (Dr Oday)  iyo Dr Maxamed Cabdi Gabboose ayay noo xil-saareen in aanu dhex galno oo arrintooda isu soo dhawayno shirkiina dib ayaa loo dhigay markaa Boorame waxaanu u tegaynaa in aanay dhakhaatiirta Boorama ku soo qancino in ay shirka dhakhaatiirta ka soo qayb galaan oo wixii ka qaloocanna la wada toosiyo,waxaanan ku boorinayaa guud ahaan bulshada Reer Somaliland in wax lagu yahay in ciddii isku shaqo ahiba ay midawdo oo ay urur samaysato haddii uu u samaysan yahayna ay kaa  wada ilaashadaan waxaanan uga digayaa in ay ururnimada xirfadeed ee ay ku midoobi karaan guud ahaan bulshadda reer Somaliland  ee xirfadi ay midayso in ay ka doortaan in ay cid aanay mihnad wadaagin ay reernimo ku raacaan.”

 

Dr. Axmed Xaashi oo la weydiiyay waxa ay kala socdaan dawooyinka dalka la keenno, waxaanu yidhi . “Dawooyinka annagu  shaqo kuma lihinm  mana eegno waxaa hawshaa iska leh oo aad wax ka waydiin kartaan Hay’adda dhawrista tayada Cuntada iyo Dawada.”

 

Source- Dawan.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland