DHAKEYN IYO QABEYN Qalinkii: Liibaan Xaaji Fagadhe

Akhriste maalmahanba waxaad aad isku waydiiseen su’aalo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen hadii aan wax ka taabto .

1- Qolooyinkii qalinka wax idiinku tilmaamijirey ama ku toosin jirey tolow maxaa heley?

2-Miyey daaleen?

3-Miyaa iyaga laftooda la Dhakeeyey oo dabeedna la Qabeeyey?    Iyo Qaarkale oo Badan.

Sanadkan cusub ee curtey waxaanu eegeyney bal saadaasha iyo siyaasadu halka ay isugu biyo shubato ,eegney oo odorasney odeygana yara deyney markii nala yidhi waa yara juujuucsan yahey ama bukaa oo kuyara sugnaaney heydiin ladnaado  . Ruug Cadaagii soo rogaal celi Maqaalkeenan maanta Ciwaankiisu waa DHAKEYN IYO QABEYN  Ilaahey aynu inteena xaqa ka hadashaa ka magan galno’e  waa sheeko iyo qiso la yaab lehe.

Bal ufiirso waxaynu maqli jirney ninkii hebel waa la MUSTAFEEYEY  oo waxoogaa shalimaad ah inta la siiyey ayuu hadalkiisii halkaa ku gam yidhi oo dadku waxay is weydiiyaan miyuu xanuunsanayaa , ma howl ayaa ku soo korodhey mise, mise,mise iyo is weydiin badan deedna halkaas ayaaba lagu ilaawaa.

Mudo aynu hadaba sanad ku dhawaad ka joogno dadkii la MUSTAFEEYEY waxa ka mid ahaa oo aan idin xasuusinayaa nin markii xukuumadii Riyaale tagtey isagu jeebkiisa kala soo baxay xil aan xukuumadaa u xisaabsaneyn oo uu is yidhi malaa tan ayuunbaad xukuumada Siilaanyo ku jujuubi kartaa Cidna kuma ogaaneyso wax ku soo baadhayaana majiro balse markii aanu inbadan isku taxa luujiney soo helney runtii ninkaasi waa Mr C/fataax oo sheeganjirey mudo laba sano ah inuu ahaa Ambasadoorkii Ireland balse waa sheeko la macno noqotey tii aynu isla naqaaney ee aheyd KU QABSO KU QADIMEYSID waxoogaa 18/05/2013  London lagu siiyey oo layidhi lacag yar oo faro guud kood ah ayaa lasiiyey  Maalmo ka diba waa ka madhnaa.

Nin ay aad usaaxiib ahaayeen ayaan Maalin aan sii fogeyn waydiiyey oo aan ku idhi waar xagee ayuu ku dambeeyey ninkii aad saaxiibka aheydeen ee Ambasadoorka sheegan jirey  waxa uu iisheegey ninkaasi waxba magacaabi maayee inuu ninkii C/fataax ahaa meeha naabaayo magaaladii Hargaysa  Wasiir Xirsi oo soo xerogaliyeyna ilaa hada ku Maaweelinaayo sug Xafiiskaagii gacanta ayaa lagu hayaa oo dhismihiisiiba waa dhamaade  Bisha May/2014  ayuu Sanadkii ku gow yahey waaba sidii wadooyinkii dhagaxa uun la dhigaayey ee laga tagayey bal adba eegoo xagee lagu arkey xafiis sanad ku dhawaad la dhiso ma aqalkii Xisbigaa ee Hargaysaa . Siyaasadaa  Mustafeyntu waa mid soo jirtey mudo oo xukuumadani la kowsatey .

Sanadkii 2013 Waxa uu inoogu bilaabmay wadahadaladii Turkiga iyo Somaliya hadalkeediina waa gam wax ka soo baxayna ma jiro Tolow miyeynaan hadeynu shacbi nahey Xisaabtameyn oo Xukuumadda Siilaanyo waa bilaa barakee aynaan baraneyn.

Intaasi waa Xasuusin iyo Sanadkii aynu ka soo gudubney bal hadaba aynu usoo laabano Sanadkan iyo Siyaasada Odeyga iyo Sifaheeda oo tii sanadkii hore wax ay iska shabahaan waxna uu ka badeley  waxa hadaba sida dhabta ah ee xaqiiqda ah aynu sanadkana ku dhameysaneynaa waxyaabo badan oo markaan idiin iftiimiyo aad fahmi doontaan aynu ku horeyno .

1-      Dhakeyn: Dhakayntu  Waxa ay tahey kolka aad dulmigii aad ka hadleysey intaad raadkaagii dib usoo qaado soo ag yuurursato  .

2-        Qabayn:  Qabayntu Waxay iyana timaadaa dhakeyn kadib dulmigii aad ka hadleysey markaad difaacdo oo aad     ugasho cidii dulmiga samayneysey sida aad shaashadaha  ka aragteen .

 

Maalmahan ugu dambeeyey waxaad lasocoteen in ay koox baarlamaanka ahi ay keeneen xeerar labada gudoomiye ku xigeen lagaga dhimaayo awooda . Waxa kale oo aynu daawaney wasiirka madaxtooyada oo Liverpool qudbad ka jeedinaaya goob uu madaxweynuhu fadhiyey si anshaxa dowladnimo iyo milgaha baarlamaanka ka baxsan ayuu arintaa uga hadley waxaanu halkaa ka sheegey inuu baarlamaankani yahey kuu waligiiba ka marsan jirey oo uu sankooda caano ka keeni doono sidii ayaabu baarlamaanka ku tagey .waxaynu aragney golihii oo si xishood la aan ah oo indho la aan ah iyaga oo qabeysan wixii ay an sixiyeen cakiskeeda ku hadlaaya ,arintiina waxay ka dhigeen wanjal ay ku duween gudoomiye Cirro inuu beesha Sool xaqeedii ka qaadey.

 

Haddaba anigoon uhiilineyn bal waxay isweydiintu tahey waa kuma Cirro? Cirro waa ninkii mr xirsi ufududeyn jirey 40 xeer ee uu sheegey ee ahaa xaaraanta halka guriga saylici lagaga dhakeeyo baarlamaanka waxa hore loogu dhakeyn jirey guriga cirro halka xirsi lacagta ugu qeybiyo ee lagu qabeeyana Ciraa qeybinjirey .

Hadaba waxaynu uhiilineynaa cirro maaha ee waa sharciga iyo xaqa reer sool waxaan leeyey waa dhab oo waxa idinka maqani waa xaq halkuuse ku maqanyey? aynu fasirno ee maaha kursiga cirro, ee saami qeybsiga miyey israacaan Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha guurtidu , hadii ay ka dhabtey kursigaa Saleebaan how baneeyo madaxweynu xaabsade. Waxa kale oo is weydiin le xukuumadan uu dhisey muxuu Harti ka siiyey isku soo wada duubo waa waxba . Sidii barigii dhaweyd hadana ma wuxuu rabaa inuu Siilaanyo ujaawaabi kariwaayo inantii yareyd eek a heshey Maraykanka ee uu ku xanaaqey.

 

Hadaba waxa nasiib daro ah xubnaha baarlamaanka ee madaxa banaan iyo xisbiga wadani in aad daabaqad leydinku dhufto oo aad beel waxeedii qaadateen oo iyadoo leydinka gardaranyey leydinka gar helo oo aad muujinkariwaydaan dadkana tusi kariwsydaan in arintani ay tahey arin sharci iyo beelahaa wixii ka maqani halka ay kumaqanyiin.

 

Waxaan ku soo gabagabynayaa oo aan Gudoomiye cirro kugula talinayaa inaad iska casisho xilkan si aad shacbiga cafis uga hesho una muujiso dhaliilaha jira oo noqoto mucaarid buuxa haddii kale waxay umuuqaneysaa inaad dan gaara wadato oo aad waxooduun la walaaqaneyso.

 Liibaan

 

GUUL ALLE

 

DHAMAAD