Dhakafaar!

 

“Yaa qeexi kara ereygan macnihiisa,” ayuu macalinkii afka Soomaaliga dhigayey ku yiri ardaydii inta uu sabuuradda “dhakafaar” ku qorey.

Waxa uuna sii raacshey, “waxaan rabaa maanta qof walba maskaxdiisa inta uu ka shaqaysiiyo in uu tusaalayaal toolmoon oo ku aadan ereygan uu keeno, qof walbana waxaan weydiinayaa waxa ku kelifey in uu isticmaalo ereygan.”

Qaddar daqiiqado ah ka dib, waxa uu arkey cidina in aysan aqoonin ereygan macnihiisa. Ka dibna waxa uu guda galey in uu sharaxo, tusaalayaal gaagaabanna ka bixiyo. Waxa uuna yiri, “dhakafaar waa la yaabka weyn oo xad-dhaafka ah. Ereygan waxa la isticmaalaa marka aad aragtid wax weyn oo kaa yaabiya.”

“Waxaan la dhakafaaraa”, ayuu yiri macalinkii isaga oo tusaalihii koowaad ka bixinaya ereyga dhakafaar. “Ilmaha marka uu yaryahay sida uu hooyadii uga yaqaano hooyooyinka kale, hooyo kale haddii ay qabato wuu ooyaa, iyadu se marka ay qabato wuu aamusaa. Waa wax lala dhakafaaro marka aad si’ xeeldheer uga fekerto.”

“Sidoo kale, waxaan la dhakafaaraa,” ayuu yiri isaga oo tusaalihii labaad sheegaya, “dadka badaha hoostooda quusa, sababta oo ah badaha hoostooda waxa ku jira bahalo halis ah oo dadka cuna.”

“Waxaan la dhakafaaraa,”ayuu yiri haddana isaga oo tusaalihii saddexaad ka bixinaya ereyga dhakafaar. “Shan iyo labaatan sano sida aan u aheyn dowlad la’aan. Waa wax lala dhakafaaro runtii sababta oo ah waa waxaan dunida lugu arag.”

“Intaas haddii aan kaga baxno ereyga dhakafaar macnihiisa iyo sharaxiisa, yaa isku dayi kara in uu tusaalayaal ka bixiyo ereygan?” ayuu weydiiyey macalinkii ardayda.

Muraayo oo horey fadhidey, kuna faraxsan sida macalinka u weydiinayo su’aalaha maan-dhiska ah, ayaa gacanta taagtey. Waxa ayna tiri, “macalin, anigu ma weyni, laakiin, intii aan dunidan ku noolaa dhowr arimood ayaan la dhakafaarey.”

“Haye, bal noo sheeg oo ardayda la wadaag Muraayo arrimaha aad la dhakafaartey,” ayuu macalinkii ku yiri Muraayo.

“Waxaan la dhakafaarey,” ayeey tiri Muraayo. “Nin aqoonyahan ah oo aqoontiisii aan lugu intifaacsan.”

“Muraayo,” ayuu yiri macalinkii isaga oo dhoola-cadeynaya, una malaynaya Muraayo in ay ku adkaan doonto sharaxa su’aashaan, “ma noo sheegi kartaa sababta aad ula dhakafaartey ninkaas aqoonyahanka ah? Waaba aqoonyahane!”

Inta Muraayo qalinkii gacanta ugu jirey oo ay casharka ku qorinaysey miiskii horteeda yaaley saartey, macalinkana wejigeeda u soo jeedisey ayeey tiri, “mudo dheer marka uu dalka ka maqnaado, ayuu soo laabtaa isaga oo isku haysta jaamici jajabey oo aan xagiisa la jaleeci karin. Meeshii uu ka bilaabi lahaa dadka in uu waxbaro oo jahliga uu ka saaro, waxa uu bilaabaa dadka in uu iska weyneysiiyo. Waxa uu jecelyahay aragtidiisa in la qaato oo la qadariyo. Marar farabadanna aragtidiisa muqaddas ayuuba u heystaa. Oo waaba uu ka caroodaa qofkii ka hor yimaada. Isma yiraahdo dad kula mid ah ama kaa aqoon badiya ayaa dalkii jooga. Marka uu hadlayo waxa uu isticmaalaa erayo farabadan oo uu ka soo minguuriyey luuqadda ‘English’ ka ah, oo isma yiraahdo xattaa luuqaddaadii aad u dhalatay ku hadal oo isticmaal. Shirarka waxa uu jecelyahay in uu ka hadlo ama maqaam hore la fadhiisiyo. Waxa kaloo uu jecelyahay in uusan la fadhiisan dadka caadiga ah sababta oo ah dadka caadiga ah wuu iskala weynyahay. Sidaa daraadeed waxa uu raadsadaa dadka isaga la darajada ah. Anigu ninkaas waan la dhakafaarey macalin oo waxaan ula dhakafaarey dhaqankiisaas foosha xun.”

“Mid kale isna waan la dhakafaarey, macalin,” ayeey kuu sii dartey Muraayo hadalkeedii.

“Cajiib,” ayuu yiri macalinkii inta gacanta afka saarey. “Muraayo, kumuu ahaa midkaas kale oo aad la dhakafaarteyna?” ayuuna si yasmo ku jirto macalinkii u weydiiyey Muraayo.

“Nin siyaasi ah oo siyaasadda aan cilmi u laheyn oo dhexda uga jira siyaasadda,” ayeey tiri Muraayo.

“Bal sug, Muraayo” ayuu la soo boodey macalinkii. “Soo ma ogid wax siyaasad ku saabsan in aan looga dhex hadli karin fasalka dhexdiisa. Fiiri, anigu waxaan ku siiyey tusaalayaal fud fudud oo aan siyaasadda ka hadleyn, sidaas ayaana kaa rabaa in aad samaysid, ma fahamtey?”

“Haa waan fahmey macalin siyaasad in aan looga dhex hadli karin fasalka dhexdiisa, laakiin anigu siyaasad ka hadli maayo,” ayeey tiri Muraayo. “Balse, macalin waxaan ula dhakafaarey ayaan kuu sheegayaa ninkaase wax yar I dhageyso.”

Muraayo Inta codkeeda kor u qaadey oo ay istiri mindhaa macalinka wuu diidanyahay in aad fikirkaaga ka dhiibatid arrimahaas ayeey tiri, “macalin isaga oo jaahil ah, ayuu haddana doonayaa dowlad in uu dhiso, oo dalka iyo dadkaba wax u qabto. Inta uu halaynayo ayaa ka badan inta uu hagaajinayo. Inta uu duminayo ayaa ka badan inta uu dhisayo. Inta uu dibin-daabyeeynayo ayaa ka badan inta uu daryeelayo. Inta uu dhib keenayo ayaa ka badan inta uu dheef keenayo. Sidaas daraadeed ayaan ninkaas ula dhakafaarey.”

“Waxaan sidoo kale la dhakafaarey,” ayeey tiri Muraayo markii saddexaad, “nin qabiil qaran ku raadinaya.”

“Yaah!” ayuu macalinkii la soo boodey. “Muraayo, bal wax yar I maqal, dhakafaar badnidaa adigu horta”, ayuuna yiri. Haddana inta qosley, kana baqay ardayda in ay arkaan xanaaqiisa ayuu yiri, “haddaaba ka sii dartey wallaahi, ma odayaasheeniibaa la dhakafaartey haddana, bal isku day tusaalayaal kale in aad ka bixisid ereygaas, Muraayo.”

Muraayo waxa ay ogaatey in ay kala hadlayso macalinka meelo uusan jecleen. Balse, iyada oo ku adkeysanaysa fekerkeeda ayeey tiri, “bal wax yar I maqal macalin sababta aan ula dhakafaarey ninkaas ayaan kuu sheegayaaye.”

Inta ay istaagtey Muraayo, oo codkeeda kor u qaadey, ayeey tiri, “macalin ma taqaanaa waxa uu aaminsanyahasy ninkaasi? Waxa uu aaminsanyahay qabiilkiisa in ay dadka ugu qiimo badanyihiin. Waxa uu u arkaa qabiilkiisa in ay dadka ugu aragti fiicanyihiin. Waxa qalbiga ugu jira qabiilkiisa keliya in ay qaranimo Soomaaliya u keeni karaan. Waxa uu u maleeyaa qabiilkiisa keliya in ay Soomaalida maamuli karaan, madaxna u noqon karaan. Waxa uu ka ganacsadaa qabyaaladda iyo qaybaheeda kala duwan. Har iyo habeen qabiilka oo la kacsho ayuu ka shaqeeya. Intaas waxa uu ku hadlayaa hadalo dadka kala qaybinaya. Waa xaalad-abuur oo intaa fitno ayuu abaabulayaa. Kheyrka lid ayuu ku yahay. Shartana hogaan ayuu u yahay. Waana sababtaas sababta aan ula dhakafaarey ninkaas.”

“Halkaas ku jooji Muraayo. Ardeyda kale ayaan rabaa iyaguna in ay tusaalayaal ka bixiyaan ereygan,” ayuu yiri macalinkii.

“Maya macalin hal qodob unbaa ku darayaa,” ayeey markiiba Muraayo macalinkii ka daba tiri.”Qodobkan baana iigu dambeeya hadalkeyga.”

“La soco qodobkaan unbaa kuugu dambeeyee,” ayuu macalinkii inta kor u qeyliyey si xanaaq ku jiro u yiri. “Ardayda kale waa in iyaguna jaaniskooda la siiyaa, ma kaligaaba hadlaya, iyaguba tusaalayaal fiican bey sheegayaan oo weliba laga yaabo kuwaaga in ay ka fiicanyihiin, adigu waxaad ka hadlaysaa dad kaa waaweyn iyo siyaasad iyo waxaanba loo joogin, ogow halkaan waxaan u joognaa in aan wax barano, uma joogno in aan siyaasad ka hadalno.”

Muraayo iyada oo dulqaad badan muujinaysa, rabtana hadalkeeda in ay dhamaysato ayeey tiri, “macalin, waxaan kaloo la dhakafaarey madax iyaga keliya madax isku ah oo aan la aqoonin cidda ay madaxda u yihiin inkastoo la yiraahdo Soomaali ayeey madax u yihiin.”

“Bal hadda maxaan kuu sheegayey Muraayooy,” ayuu yiri macalinkii inta indhaha galka ka soo bixiyey, gacantiisana miiska ku dhuftey. “Adigu wax ma maqashid miyaa? Afaarahan ka bax soo ma ku dhihin miyaa?, arrimahaan aad tusaalaha ka bixineysid arrimo laga hadli karo ma aha, waa arrimo cawaaqib xun aad kala kulmeysid, ma I fahamtey?”

Muraayo iyada oo weli istaagsan, macalinkiina ku noqotey laf dhuun gashey, ogaateyna ciqaab in ay la kulmi doonto maadaama ay ka hadashey arrimo aan la ogoleyn, balse ku faraxsan in ay dhiibatey fikerkeeda ayeey tiri, “baahida bulshadooda kama fakaraan. Danta bulshadooda kama damqadaan. Dareenka dadkooda ma daryeelaan. Maalkii dalka iyo dadka iyaga unbaa masruufta. Musuqmaasuqa iyo mooshinka kama xishoodaan. Marin-habaabinta kama sariigtaan. Muranka iyo maan-dhaafka waa u joogto. Labo sano si saafi ah uma wada shaqeyn karaan. Madaxnimada waxayba u raadsadaan dalxiis in ay ka soo dhargaan. Sidaa daraadeed, safarkoodu waa subax iyo galab. Miyeysan ahayn marka wax lala dhakafaaro dadkaas?”

Muraayo markii ay hadalkeedii dhameystiratey ayeey kursigeedii fadhiisatey.

“Macalin su’aal?” ayaa waxa yiri Saalim oo gadaal fadhiyey.

Macalinka isaga oo caro daraadeed wejigii gaduutey, indhahana kaduudaya ayuu yiri, “haye, su’aashaada waa maxay Saalim?”

“Macalin soo ma ogid Nabi Muse (CS) in uu Alle weydiistey inuu arko”, ayuu yiri Saalim. “Soo ma ogid Nabi Ibrahim (CS) inuu Alle weydiistey inuu tuso sida uu u nooleeyo walxaha dhintey, maxaa ku jaban haddii Muraayo ay ka hadasho ra’yigeeda oo ay muujiso fekerkeeda?”

“Macalin, anigana su’aal?” ayaa waxaa isna yiri Nuur oo gadaal fadhiyey.

“Macalin, anigana su’aal baan qabaa?” ayaa isna waxa yiri Bashiir oo dhinaca bidix ee fasalka fadhiyey.

Macalinka waxa uu su’aalaha is daba socda ee ardaydu ay weydiinayaan u maleeyey shirqool loo maleegey. Waxa uu is yiri alleylehe adigaa laguugu dan leeyahay. Waxa uu garan waayey waxa uu sameeyo. Afkii ayaa juqda gabey. Oo isagii ereyga dhakafaar barayey ardayda ayaaba la dhakafaarey ardaydii.

Suleekha oo iyaduna horey fadhidey, aadna ula socotey dooddii dhex martey macalinka iyo Muraayo, ayaa tiri, “macalin, anigu su’aal baan qabaa, laakiin su’aashaydu waxay ku socotaa Muraayo.”

“Haye, I weydii su’aashaada,” ayeey tiri Muraayo intey wajigeeda u soo jeedisey dhinicii Suleekha ay fadhidey.

“Muraayo,” ayeey tiri Suleekha. “Niman aadan la dhakafaarin ayaan anigu la dhakafaarey, mana aqaani sababta aad ula dhakafaari weydey. Waxaan la dhakafaarey niman dooxatto ah oo dugaaga ka daran, noloshana u daran, diintana daliishada. Nimankaasi da’ yarta wey dabargooyaan. Duqowdana wey dilaan. Dumarkana wey duufsadaan. Culummadiina qaarna wey caayeen, qaarna wey cirib- tireen. Aqoonyahankana maba arki karaan. Magacooda waa shabaab. Balse shahaadada ma sharixi karaan. Shuruudaheeda ma qeexi karaan. Runta kama sheegi karaan. Shubahaat ayeeyna u doon doonaan. Diintii, dadkii iyo dalkiiba way xaalufiyeen. Alle waxa uu usoo dejiyey Diinta Islaamka in ay ilaaliso diinta, sharafta, caqliga, maalka iyo mansabka qofka Muslimka ah. Iyagu intuba waxay ku noqdeen cadow. Nimankaas adduunka oo dhanbaa la dhakafaarsan.”

“Run baad sheegtey, afkaaga caano lugu qabey, bravo, excellent,” ayuu macalinkii la soo boodey inta neef weyni wah ka soo tiraahdey. “Waxaa fiicnaan laheyd qodobkaas in ay Muraayo sheegto maanta oo dhan, oo ay ku soo celceliso, ma anigaa ka diidi lahaa.”

“Aad iyo aad baan kuugu raacsanahey qodobkaas aad la dhakafaartey Suleekhaay,” ayeey tiri Muraayo iyada oo aad ugu maqsuudsan sida xeesha dheer ay Suleekha uga hadashey qodobkii ugu muhiimsanaa qodobada istaaheley in lala dhakafaaro. Waxayna sii raacisey, “macalinka ayaan jaanis ii siin in aan sii wado tusaalayaashayda, inkastoo ay habooneyd in aan kow kaba dhigo.”

“Anigu laftirkeyga qodobkaas ay Suleekha sheegtey in mudo ah waan la dhakafaarsanaa,” ayaa waxa yiri ardey isna horey fadhiyey.

“Qodobkani waa qodobka ugu muhiimsan, uguna dhakafaarka badan qodobada maanta oo dhan laga doodayey oo laga hadlayey,” ayaa isna waxa yiri ardey dhinaca midig ee fasalka fadhiyey.

“Wallaahi waa dhakafaar,” ayaa waxaa yiri arday dhexda fadhiyey.

“Wallaahi waa dhakafaar,” ayaa waxaa yiri arday kaloo isna horey fadhiyey.

“Wallaahi waa dhakafaar,” ayaa waxaa yiri arday kaloo gadaal fadhiyey.

Hal mar baa ardaydii la yaabsaneyd macalinka markii hore iyo kuwii ayidsanaa ama la yaabsanaa Muraayaba ay la dhakafaareen qodobkii ay Suleekha soo jeedisey.

Macalinka oo careysanaa markii hore ayaa waxa uu aad ugu farxey sida ardaydii oo dhan ay u fahmeen ereygii “dhakafaar” iyaga oo falanqeen dheer ka dib u keeney tusaale kii ugu fiicnaa oo ka turjumayey waaqaca ay ku noolyihiin.

Cabdirahman Cabdulle

Email:xiddig@gmail.com