DHAGAYSO:Wasiirka Madaxtooyadda oo Kormeeray Dhismaha Jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera

Hargaysa (SLpost)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay wehelinayaan Wefti balaadhan iyo Engineer-ada gacanta ku haya dhismaha wadada Hargeysa iyo Berbera u dhaxaysa oo maanta kormeer ku tagay wadadaasi oo maraysa maraxaladii gunaanadka casiriyaynta jidkaasi.

Kormeerka Wasiirku ku tagay jidkaas ayaa la xidhiidhay inuu goob-joog ka ahaado gunaanadka wejigii u horeeyey dhismaha jidkan dheer ee u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera iyo inuu ka war doono soona arko dhaawacyada roobabkii dhawaan dalka ka da’ay ay u geysteen laamiyada iyaga oo samaysmay dooxyo cusub, taasi oo ay sababtay fatahaada dooxyadu ay sameeyeen markii roobabku hayeen laba habeen iyo laba maalmood, balse ay wakaaladda wadooyinka Somaliland dedaal xoogan u gashay sidii ay dooxyadaasi ugu celin lahayd halkii ay markii hore ka soo guureen iyada oo ku samaysay moosas dhaadheer oo aanay biyuhu soo jiidhi karin mar danbe.

Waxa kale oo uu Wasiirka Madaxtooyaddu amar ku bixiyey in sida ugu dhakhsaha badan looga hawl-galo waxyeelada daadadku u geysteen laamiyada iyada loona sameeyo biyo mareeno si laamigu u nabad-galo.

xi1

Hadaba si aad uga dhugato nuxurka Codka Wasiirka iyo Engineer-adaba halkan hoose ku dhufo

Somalilandpost.net

Hargaysa