Dhacdooyinka Siyaasiga Ah Ee Sanadkan 2016 Ka La Filan Karo

Taariikhda siyaasiga ah ee cusub ayaa ina tusaysa in qaar badan oo ka mid ah dhacdooyinka siyaasiga ah ee sannad kasta oo kugu soo socda iman karaa ay yihiin kuwo la sii filan karayo oo hadhow laga yaabo in dadka siyaasadaha dunida xog-ogaalka u ahi aanay la yaab iyo u qaadan waa weyn ku keenin. Laakiin haddana inta badan waxaa muddooyinkan dambe la arkaa dhacdooyin sannad kasta yimaadda oo aan hore xitaa ka fikirkoodu niyadda ugu soo dhici karayn. Tusaale ahaan sannadkii 2014ka Dadka siyaasadaha odorosaa marnaba ma’ay filanayn in Ruushku inta uu dalka Ukraine xoog kaga qabsado jasiirad u-eegta Crimea uu weliba dalkiisa ku darsan doono, iyo in kooxda Dowladda Islaamiga ahi ay qabsan doonaan, si buuxda oo aan dhuumasho lahayna uga talin doonaan magaalada Mawsil oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ciraaq iyo dhul kale oo aad u badan. Gideon Rachman ayaa maqaal uu dhowaan ku qoray Wargeyska Financial Times oo uu Geeska Afrika soo akhriyey waxa uu ku sheegay in inta uu og yahay aanay jirin curashadii sannadkii 2015ka cid sii saadaalisay in dad ka badan 1 Milyan oo qaxoonti ahi ay sannadkaa gudihiisa soo gaadhi doonaan Jarmalka iyo in xildhibaanka Maraykanka ah ee Donald Trump uu ka mid noqon doono dadka ugu cadcad ee u tartamaya madaxweynenimada dalka Maraykanka, sidaa awgeed taasi ay muujinayso in sannadkan 2016 kana sidaas oo kale aanay cidi garan Karin in ay dhici doonaan waxyaabo aanay dadka siyaasadda lafa-guraa sii sheegin.

Rachman waxa uu saadaalinayaa in sannadka 2016ka ay dalka China ka dhici doonto arrin dhinaca dhaqaalaha ah oo aan la filayn, in kasta oo aanu isbeddelkaa sii faahfaahin waxa uu xusay in Shan iyo Labaatankii sano ee u dambeeyey furayaasha guusha u horseeday dalka China ay ka mid ahayd xukuumadda dalkaas oo ku guulaysatay in ay ilaaliso dhaqaalaha muranka badan leh ee dalka iyo siyaasad soo jiitantay muddo oo laga daalay, laakiin waxaa suurtogal ah in arrintaasi sannadkan cusub si togan isu beddeli doonto, iyada ay jirto in madaxweynaha hadda talada haya ee Xi Jinping in uu wado ol’ole adag oo uu kula dagaalamayo musuq-maasuqa illaa heerka ugu sarreeya, taasina ay u suurtogelin karto in uu talada dalka sii hayo sannadka dambana.

Xigashp Geeska Afrika