DHACDO UGUB AH: Digreeto Madaxweyne xil ku magacaabao oo Qof kale ku xaadiray iyo Fadeexadda ka soo baxday Isku-xidhnaan la’aanta hay’adaha Dawladda

latest SL newsHargeysa (SLpost)- Masuul dhowaan xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalmiga ah kula wareegay digreeto madaxweyne Siilaanyo dhowaan isku-shaan ku sameeyey golihiisa xukuumadda, ayaa maanta bannaanka looga saaray Xafiiskii uu xilka kula wareegay dhowr maalmood ka hor.

Dhacdadan oo nooceedu ku cusub tahay nidaamka iyo dhismaha maamul ee Dawliga ah isla markaana fejecisadeedu ka yaabisay dad badan, ayaa bannaanka soo dhigtay xog-la’aanta iyo sida isku-xidhnaanta xukuumaddu u liidato, taas aan la qiyaasi karin qaabka ay u dhacday.

Haseyeeshee, warbaahinta oo markii ay ka war-heshay dhacdadan booqatay Xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgeshiga ah, ayaa ogaatay in Masuulkan oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Sh. Cumar Xasan uu dhowr maalmood gacanta ku hayay maamulka xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas oo maanta subaxnimadii bannaanka looga saaray xafiiska ka dib markii dib loogala wareegay hantidii uu maalmo ka hor la wareegay, sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha wasaaraddaasi.

Lama garanayo ilaa hada sababta keentay in Agaasimaha xilkii laga xayuubiyo iyo sida uu kula wareegay xilka , balse sida ay sheegeen shaqaalaha Wasaaradaasi, waxa ay Madaxtooyadda Somaliland ku sababaysay in aanu Agaasimaha Xafiiska la wareegay ahayn ninkii loogu talo galay ee ay Magacyadu qaldameen, isla markaana Agaasimaha rasmiga ahi yahay nin dhalinyaro ah.

Waxa ay Shaqaalaha Wasaaraddu warbaahinta u sheegay in madaxda Wasaaradda Ganacsigu ay Masuulkas oo  xafiiska fadhiyay weydiiseen digreetadii lagu soo magacaabay, ka dib markii ay heleen farriin uga timi dhanka madaxtooyada. Masuulka xilka lagagala noqday, ayaa la sheegay inuu tusay digreetadii madaxweynuhu dhowaan ku sameeyey isku-shaandheynta,  taas oo ay ku qoran tahay saddexdiisa Magac.

Sida wararku sheegeen, wasaaradda Ganacsiga ayaa Agaasimihii xilka hayay amartay in uu Madaxtooyadda ku noqdo oo uu isa soo caddeeyo ama uu sidaas ku maqnaado, ilaa inta ay Madaxtooyadu u soo gudbinayso Agaasimaha Rasmiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee qof uu madaxwayne Digreeto ku magacaabo uu qof kale ku xaadiro, taas oo fadeexad ku noqotay xukuumadda, iyada oo aan ilaa imika la haynin masuulkii loo qasdiyey Digreetada Madaxweynaha.

SOMALILANDPOST.NET