DHACDO FEJECISO ABUURTAY: Waxay Ku Duulleen Qubuuro Ku yaala Magaalada Hargeysa!

WARBIXI – BY KHADAR IID KAARIYE

Hargeysa (SLpost)- Dhalinyarada xaafadaha kala duwan ee Caasimadda oo mararka qaarkood  u dagaalama koox-koox isaga horyimaadda, ayaa mararka qaarkood abuura xaalado ammaan-darro oo galaafata dhibbaneyaal aan galabsan ficilka ay geystaan iyo xata qaar ka mid ah dhalinyarada iska horimaadyadu dhexmaraan oo dhaawacyo ka soo gaadhaan dheg-xaan, faashash iyo budhadh ay u adeegsadaan iska hor imaadkooda.

In kasta oo falalka amni-darro ee caasimadda ay ka mid yihiin iska-horimaadyada dhexmara dhalinyaradaas oo isu kooxaysta xaafad-xaafad, waxa ay inta badan waxyeelladoodu ku eegtahay xaafadaha dhexdooda oo hirdankoodu mararka qaarkood sababo xannibaado ku yimaadda isu-socodka xaafadaha iyo goobaha ganacsi ee ay isku haleelaan.

Dhacdooyin noocoodu ugub ku yihiin hab-dhaqanka iyo caadada bulshada dhexdeeda, dadka soo jireenka ahina aanay goob-joog u soo ahayn, ayaa maalin kasta lagu diiwaan-geliyaa bogagga iyo mahadhooyinka Waayaha Nolosha, kuwaas oo ka dhigan qaar Eebbe imtixaan iyo ku-cibro-qaadasho uga dhigayo addoomihiisa iyo qaar ka tarjumaya hab-dhaqanka iyo ficillada bulsho meel ku dhaqan oo Eebbe ciqaab uga dhigo, si ay u dareemaan xaaladda noloshooda ku sugan tahay.

Qubuuraha Xeedho ee ku yaala duleedka Woqooyi-Galbeed ee Caasimadda waa goob markii hore ahaan jirtay beero ay dad gaar ahi iska leeyihiin, balse markii dambe muwaadiniin iskood isku-xilqaantay ay isu-xilqaameen qaadhaan-ururinta dhul laga binneeyo oo laga dhigo xabaalo, ka dib markii ay buuxsameen xabaalaha Sheedaha ee cidhifka woqooyi-galbeed ee magaalada Hargeya.

Dhulka loo iibiyey ee laga binneeyey Xabaalaha, waxa lagu wareejiyey dayr ka soocaya dhulka kale ee ku xeeran, waxaana loo sameeyey hal kedin oo laga soo galo, lagana baxo. Waxa ay leedahay waar-diyeyaal ilaaliya iyo shaqaale qaabilsan diiwaangelinta Marxuumiinta geeriyooda iyo qorshaynta xabaalaha laga qodayo.

 

Bilowgii dhacdada Iyo Amakaaggii Dadka

Todobaadkii hore waxa Qubuuraha Xeedho ee duleedka Woqooy-galbeed ee magalaada Hargeya ka dhacay dhacdo ammakaag iyo yaab ku reebtay dadweyne goobtaas kaga qayb-galay aaska dhowr Marxuum oo xabaalahooda looga bineynayey goobtaas.

Dadka ka soo qayb-galay jinaasadaha xabaalaha loogu qoodayey marxuumiinta geeriyooday, waxa mar kaliya amakaag iyo fejeciso ku noqotay duullaan ballaadhan oo dhalinyaro ku hubaysan mindiyo iyo budhadh ay ku soo qaadeen dadweynihii u fadhiyey tacsida kala saari waayey inay dhalinyaradaasi u socdaan inay taakuleyn ka geystaan qoditaanka xabaalaha.

Haseyeeshee, amakaagga iyo fejecisadu waxa ay soo baxday markii la ogaaday inay duullaan ku yihiin dhalinyaro goobta u yimi inay ka qayb-qaataan Aaska marxuum ka geeriyooday xaafadda ay deggen yihiin. Waxa ay toos u abbaareen goobtii ay ku sugnaayeen dhalinyaradii ku sugnayd xabaasha dusheeda, waxa ay la dul-fuuleen budhadh iyo faashash ay ku soo weerareen. Taasi waxa ay kalliftay inay baxsadaan dhalinyaradii hawsha qodista xabaasha ku foogganayd, kuwaas oo lama filaan ay ku noqotay weerarka ku habsaday.

Waxa muuqatay inay is-garanayaan oo ay hore isugu oo arkeen xaafadaha ay deggen yihiin. Dareenka laga qaadan karayey Kooxda Duullaanka, ayaa iftiiminayey inay ahaayeen qaar weerar-celiskooda ku raadinaya libin hore looga hantiyey, raad-caynaya guul-darro hore uga oo gaadhay dhacdo ay ku kulmeen. Haseyeeshee, goobta lagu sugnaa oo ka dhignayd meel Cibaado oo qof kasta oo damiir lihi ku dareemi karo farqiga u dhexeeya qiimaha adduunyada iyo Xisaabta Aakhiro, dhammaan dadka ku suganina ay ahaayeen qaar tacsiyeysan, ayaa dhacdadaa ka dhigayay mid fejeciso iyo layaab ku noqotay dadkii tacsiyeysnaa ee ku sugnaa goobtaas.

 

Muuqaalladii is-barkanaa ee goobta

Dhalinyaradii la weeraray mid waliba dhankii uu u jeeday ayuu abbaaray; mid kabihiisii haleelay, mid cagaag-naan ku baxsada, mid shaadhkiisii haleeli waayey. Waxa laysku baacsaday Qubuuraha Dushooda, looma eegin meesha ay ku sugan yihiin, lama tixgelin dareenka iyo xaaladda dadkii ku sugnaa goobtaas. Marka laga yimaaddo qolada mindiyaha lagu weeraray ee si ay naftooda u bad-baadiyaan u firxaday, ma jirin damiir fayow oo marka horeba hagayay Kooxda u badheedhay inay weerar ku qaaddaan Qubuuraha iyo dadka jinaasadda ku jiray. Sidoo kale, ma jirin dareen fayow oo ay ku midaysnaayeen dadkii goob-joogga u ahaa dhacdadan si ay isaga caabbiyaan weerarka ku habsaday qayb iyaga ka mid ah.

Dhammaan dadkii goobta ku sugnaa ee tacsida u fadhiyey oo qiyaasta tiradoodu ku dhowayd boqol iyo dheeraad, dhacdadanina lama-filaan iyo fejeciso ku noqotay, waxa ay u badnaayeen qaar dareenkoodu ka dhacsanaa inay ka fal-celiyaan duullaanka lagu bartilmaameedsaday qayb iyaga ka mid ah, marka laga reebo tiro yar oo isku dayayay inay ku boorriyaan intooda kale iska caabbinta colka soo weeraray. Laakiin, nolosha qofka bani’aadamka ahi waxa ay qiimo leedahay, xumaanta iyo deel-qaadka gefka xambaarsanna ka dhiidhidaa, marka quluubta iyo damiirku nool yihiin. Balse, dareenkii meesha yaallay qofna uma saamaxayn inuu qiimeeyo xaaladda meesha taallay oo muuqaallo kala geedisan xambaarsanayd.

Kooxdii Duullaanka ahayd oo aanay ka qasnayn aan mar labaad soo dhexmaray goobihii laga qodayey xabaalaha, ka dib markii ay ka soo laabteen baacshada dhalinyaradii weerar ku jihaysanaa oo ay orod ku gaadhi waayeen markii ay ka daateen deyrarka ku xeeran Qubuuraha. Waxa ay u jihaysteen goobtii ay markii horeba ka soo galeen oo ahayd kedinka kaliya ee laga galo Qubuuraha, wax fal-celin ah kalamay kulmin dadkii tirada badnaa ee goobta ku sugnaa.

 

Gurmad Wakhtigiisii ka Daahay

Muddo 30 daqiiqo ah ka dib markii ay goobta ka tageen dhalinyarada weerarka soo qaaday, ciidamo boolis ah oo ku gaashaan laba baabuur oo noocoodu yahay kuwa loogu talo-galay gurmadka deg-degga ah, ayaa meesha soo gaadhay, balse waxa ay goobta ka tageen labaatan daqiiqo ka dib wakhti ay xaaladdu caadi ku soo noqotay.

Markii ay ciidamadu soo gaadheen goobta, mid waliba waxa uu isku dayey inuu la wadaago taliyihii hoggaaminayay ciidamada xaaladdii ay goobtaasi ku sugnayd soddon daqiiq ka hor. Marka loo kuur-galo sida ay dadku ugu holladeen inay dareemaan xaalad deggenaansho oo ka duwan ka hor intii aanay iman ciidamadu, waxa dareenkaagu markiiba is-weydiinayey kaalin muhiim u ahayd isku-xidhnaan iyo is-taakulayn ay bulshadu kaga fal-celin jireen xilliyada ay la kulmaan dhacdo nooceeda oo meesha ka maqan.

 

Gebo-gabo

Ammaan-darrada ka dhalata isku-dhaca dhalinyarada isku kooxaysta xaafadaha magaalada iyo jid-gooyooyinka ay ka sameeyaan jidadka magaalada oo muddooynkii u dambeeyey ku soo badanayey caasimadda, ayaa inta badan sababa fal-dambiyeedyo lagu waxyeelleeyo dadweynaha mararka qaarkoodna keena dilal qudha lagaga jaro dad aan waxba galabsan oo loola badheedhay baadhasho iyo boob lagu bartilmaameedsado hantidooda.

Si kasta ha ahaatee, fal-dambiyeedyada ay ku kacaan dhalinyarada caasimadda ee khatarta ku ah ilaalinta amniga, heerkeeduna marayo dhacdada kor ku xusan, ayaa haddii aan si deg-deg ah wax looga qaban u gudbi kara marxlado halistoodu ka khatarsan tahay waxyeello baahsan-na geyaysiin kara haykal-ka dawladnimo, kala-dambaynta iyo u hoggaansanaanta shuruucda dalka. Waxaana xukuumadda iyo hay’adaheeda amniga la gudboon inay dedaal wax-ku-ool ah kaga hawl-gasho xakamaynta fal-dambiyeedyadan oo bulshada geyeysiin kara inay ku carbismaan u dul-qaadashada dhacdo kasta oo halis ku ah hab-dhaqanka iyo caadooyinka soo-jireenka ah ee bulshada.