DHACDADII XERADA SOODAANTA: Maragga Aafada Dhulka – W/Q: Axmed Toorno

Sida lala wada socdo tiodobaadkii hore, waxaa lagu waa-bariistya dhacdadii naxdinta, murugada, cabsida, iyo amakaaga xambaarsanayd ee  xerada Soodaanta oo ka mid ah xeryaha ciidanka qaranku ku leeyahay Koonfurta Bari ee magaalada Hargeysa, uu gacan-ka-hadalku ku dhex maray ciidanka qaranka iyo dabley hubaysan, halkaas oo gadaalkiina Ciidanka Booliisku ka qayb qaateen soo qabashada dableydii duulaanka soo qaaday.

Ugu horrayn Alle ha u naxariisto dadkii ku geeriyooday gacan-ka-hadalkaa ee labada dhinacba, eheladoodii iyo qarankana Ilaahay samir iyoo iimaan haka siiyo, kuwii ku dhaawacmayna Ilaahay caafimaad degdeg ah Allaha awooda lihi hagu deeqo. Intaa ka dib, waxaa mudan inaan dhacdadan lagu tiigaalin, balse xooga la saaro xal u helida dhacdooyinka noocan ah oo Somaliland barriinsaday.

Sida ay tibaaxday xogtii Sahankii Deegaamada Soomaliland ay ka qaaday Haya’ada Qaramada Midoobay ee Horumarintu (UNDP), sanadkii 2006; oo aan anigu ku sameeyay lafo-gurka xog-koobida (Statistical analysis),  288 deegaan oo ka mid ah 1,150 degsiimo (Settlements) ee sahankaasi koobay ayaa sheegay in sanadkaa uu deegaankooda ka dhacay ugu yaraan hal is-maan-dhaaf oo laba kooxood dhex maray oo nabadgelyada halis geliyay. Waliba, 216 deegaan oo ka mid ah 288kii deegaan ee ay ka dhaceen is-maan-dhaaf kooxeed (4tiiba dhacdaba ama 75%) ayaa farta ku fiiqay in muranka dhulka iyo khayraadkiisa ay sababeen is-maan-dhaafyadaa- Allow magantaa.

Waxaase muuqata inaynu culayska is-maan-dhaaf kooxeedkaa degenaanshaha hadateeliya, ynu ku hambabarno kuwa dhimashada keena oo keliya; oo aan ka xusuusto is-maan-dhaaf dhuleedkii  beeraha Uubaale, buuralayda Gabiilay, Injida, Masalaha,, Cisbitaalkii Guud ee Hargeysa, dhulkii Cisbitaalka Cusub ee Hargeysa, Seemaal, berkadihii Kalshaale, iyo  Xerada Soodaanta oo ugu dambaysay.

Sidaa awgeed, waxaa inala gudboon dejinta Qaabka Maamulka Dhulka (Land Manage System) oo ay ka wada tashadaan Dawlada Dhexe, Dawladaha Hoose, iyo Goleyaasha Xeer Dejinta, isla markaan ay garab is-taagaan dadweynuhu; iyadoo ay badhi-tikaarayaan ganacsatada, hogaanka dhaqanka, culimaa’u diinka, iyo hay;adaha caalamiga ahi.

Waxaanan is-leeyahay, waxaa haboon in loogu horaysiiyo soo saarista xeerka maamulka dhulka, iyo abuurista Hay’ada Maamulka Dhulka (Land Management Commission), abyida Hogaanka Ilaalinta Dhulka ee Ciidanka Booliiska, iyo unkida Maxkamada Dhulka.

Shaqada Hay’ada Maamulka Dhulka waxaa ugu mudan inay dhulka magaalooyinka u kala astayso qaybaha dhiska, warshadaha, suuqyada, iwm; dhulka miyigana dhul daaqsimeed, beerasho, macdan, il-biyood; dalxiiska iyo ugaadha, iwm; iyo inay bixiso liisanka ka faa’iidaysiga dhulka, iyadoo la wareegi karta ama cashuur culus saari karta jagooyinka magaalooyinka ee lsgu dhisan waayo muddo 12 bilood ah; iyo ceshiimooyinka (Beeraha) ee aan la beerin,  ugu yaraan hal mar, 12 bilood oo kasta.

Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)