Dhacdadii Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye (Fiiro iyo Falanqo) – W.Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi X. Axmed (Gadhweyne)

Mushkilad baa ka dhacday shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, 15kii Abriil, sannadkan 2012ka. Mushiladdu, tiro aad u yar mooyiye,  dadka badankiisa waxay ugu muuqaataa dhibaato shakhsi ahaan ku dhacday xubin jago weyn ka haysay xisbiga Kulmiye; taas owgeed wax codku u badan yahay la-dareenwadaagga Md Cabdiramaan Cadilqaadir oo ah ninka dhibaatadu ku dhacday oo taageero uu sideeda, runtii mudan yahay loo muujinayo. Waxaa ka baxsan kuwo ku tartamaya qaylodhaan qabiil oo iyagu dal iyo dadnimo ba ka hiilinaya.  Dhinaca kale ee ka tirsan xisbiga Kulmiye, ee ka soo horjeeday Cabdraxmaan Cabdilqaadir, shirka dabadii, codkoodu aad buu gaabtay oo faallo dambe wax badan laga ma hayo, wax ay sababtu tahay ba.

Maqaalkan kooban, waxa aan kaga hadlayaa su’aalo aan runtii u arko in dhacdadan la iska weydiiyo oo lagala soo baxo murti ama casharro waxtar leh, kuwaas oo la xidhiidha halbeegyada qiyamta ay tahay in ay hoggaamiyaan faldhaqanka siyaasadeed ee dhammaanteenba, haddii aynu nahay xisbiyo oo uu Kulmiye u horreeyo ama nahay siyaasiyiin ama guud ahaan ba madax ummadeed iyod adweyne ba… Waxay odhan jireen ‘Allow aqoon-na ha nagu cadaabin, eexo na ha nooga tegin’ (Waxaa laga wadaa Allow eexada naga qabo). Majaraha maqaalkani waxa uu ka ambabaxayaa intii ogaalka qoraagiisa ah. Eexo na labada dhinacba wuxuu ka raacayaa, uu la jiraa qaayosoorka caddaalada, xuquuqda dadnimo iyo hanka iyo hirasha ummadnimada la higsanayo.

Ugu horrayn ba qaddiyad asaasi ah oo meesha ku jirtaa waxa ay la xidhiidhaa xubinnimada xisbi iyo xorriyadda qofku uleeyahay in uu fikraddiisa qof ahaaneed cabbiri karo uu na dadweynaha gaadhsiin karo, asaga oo magaciisa qof ahaaneed ku hadlaya. Su’aasha labaad ee iyana meeshu ku jirtaa waa hannaanka dimoqraadiga ah ee ay tahay in xisbigu go’aannadiisa ku gaadho. Su’aasha saddexaad na waa habraaca caddaaladda ah ee ay tahay in anshaxmarinta xisbiga gudihiisu u dhacdo. Su’aaasha afraad  oo runtii aad muhiim u ahi waxay ku saabsan tahay isdiidada dhextaal jagada hogaaminta xisbi ee mar walba qabaa’il u kala qoondaysan iyo mabaadiidii domoqraadiyada. Ta u dambatsa ee iyana aanu eegi doonnaa waa su’aasha ku saabsan falcelinta hiilada  qabyaaladeed ee dhacdadan ka dhalatay iyo in laga feejignaado guuldarrada ay keeni karto.

Xorriyadda Xubinta Xisbiga

Ta u horraysa, Cabdiraxmaan cabdilqaadir, inta aan ka war-hayo ee badiba laga wada warqabo, hadda ka hor ayuu ka hadlay warbaahinta Soomaaliland, waxaa na uu si kulu u dhalliilay Xukuumada uu madaxda ka yahay Madxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” taasoo uu tilmaamay in ay jiraan musuqmaasaq iyo qof-jeclaysi iyo maamulxumo. Markii uu dhalliilahaas sheegaayey, intii aan kollay ba anigu ka maqlayey, ma uu sheegan in uu ku hadlayo afka Xisbiga Kulmiye ee waxa uu ahaa nin afkiisa qof ahaaneed ku hadlayey. Xataa haddii uu gefkaa galay( ma na aan anfiyayo taas oo waa wax dhaci kara) waxa Xisbiga Kulmiye u bannaanaa in marka hore, la raddiyo(laga jawaabo) oo dadka loo sheego in aanu hadadkaasi ahayn aragtida iyo mowqifka xisbiga Kulmiye, asaga na lagu gowdhiyo sida uu yeelay iyo in uu kala saaro aragtisiisa qof ahaaneed iyo mowqifka Xisbiga. Haddii uu ku sii wado, in markaa ansaxmarin xisbi loo soo fadhiisiyo. Waxaan ka wadaa xubinta xisbigu waa u xor fikraddiisa, hayeeshee waa in ay u kala soocnaadaan siyaasadda rasmiga ah xisbiga iyo rayigiisa qof ahaaneed. Hayeeshee waa suurogal in wax kale oo aanan ogeyn la isku haysto; sidaa darteed marna ba maqaalkani ka ma hadlayo khilaafka xisbiga Kulmiye gudhiisa ka dhacay.

Waxay ku urursan tahay muwaadinku haddii uu xisbi ka tirsan yahay iyo haddii kale ba, xaq buu u leeyahay oo xisbiga uu jiraa ka ma qaadi karo, xorriyadda hadalka iyo iscabbiiraadda taas oo ah xaq uu dastuurka qaranku( haddii la garanayo oo lagu dhaqmayo)qof wal ba u damaanoqaadayo. Asaga oo xisbigiisu xukunka haya ayuu dawaladda dhalliili karaa dawladda.

Warqaddii uu akhriyayey Guddoomiyaha Shirku waxay sheegaysay in Cabdiraxaan Cabdilqaadir uu ka hor yimid xeerka iyo barnaamijka xisbiga, ma se uu sheegin ama kollay dhegahaygu ma maqal fal xaddidan ama wax la taabto oo taas caddaynaya. Xataa haddii taasi jirto su’aashu waxa weeye mayaanay xubinta xisbiga Kulmiye xaq u lahayn in ay dhalliil u jeediso barnaamijka, xeerka iyo siyaasadaha xisbigeeda? Xisbiyada Soomaaliland haddii ay ku dhisan yihiin qaab dimoqraadiyadeed oo dhab, waxa laga fili karaa in ayka kooban yihiin xubno si xor ah isagu yimid oo ficil ahaan ku wada hawl gala hirgelinta waxa ay ku heshiiyeen. Xagga se fikradda iyo hadalka af iyo qoraal ba, waxaa laga filayaa in aysi xor ah isu dhaafasadaan oo aanayafka iska xidhin. Waxa taas ka duwan xisbiyadii shuuciga ahaa ee ka jiri jiray dalalkii xulafadii Waarso iyo Kelitaliskii Siyaad Baare, kuwaas oo amarka madaxda sare la isku qasbayey, xubintu na aanay xorriyad iyo xuquuq kale mid na lahayn.

Go’aan-qaadashada Xisbiga

Su’aasha labaad na waa ta aan ku xidhiidiyey  hannaanka go’aangaadhista shirarka xisbiga. Arrintani waa mid aad u culus oo halis ah. Waa arrinta muujin karta ama deedafayn karta dimoqraadiyada, sharicyada iyo awoodda wadareed ee xisbi gudahiisa ka jirta ama ka maqan.

Marka aynu hadda dib ugu fiirsanno qaabka qaddiyada Cabdiraxmaan Cabdilqaadir loo soo hordhigay Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxa inoo muuqanaya sida arrinta loo hareermariyey qiyamta ga’aanqaadashada hagaagsan ee ay Cabdiraxaan Cabdilqaadir hortii, dantaxisbiga Kulmiye ku jirtay ta dalku na ugu jirto, waayo dhaqanka Xisbigu waa waxa uu dalka ku hoggaaminayo. Shirgudoomiyahu waxa uu shirka hortiisa ka akhriyey wixii tuhmado loo jeediyey Cabdiraxmaan; ka dibna waxa uu toos u galay in uu golaha cod gacantaag ah weydiiyo. Halbeegga go’aan gaadhidda qumman ee ku dhisan caddaaladda iyo xorriyadda xubnaha xisbiga iyo wadaagga go’aanka wadareed, intuba waxay farayaan laba waajib oo lafdhabar u ah dhismaha xisbiga, dawladda iyo bulshada ba. Mid waxa weeye ninka la yidhi waa la anshaxmarinayaa, in la siiyo fursad ku filan oo kaga jawaabo tuhmadaha loo soo jeediyey isku na daafaco. La ma yeelin ee si aad u adag baa loogu diiday, haddii uu ku qayliyey in uu jawaabo na si cunfi ka muuqday baa debedda shirka loogu saaray.

Midkalabaad na, Xubnihii shirka fadhiyey ama runtii tiirkii xisbiga u muhiimsanaa, marka shirweynaha laga yimaaddo, kaalintiisa iyo milgihiisu ba waxay ahaayeen in arrinka la hordhigo oo uu labada dhinac ba dhegeysto, ka dibna uu Golahu, asagu ka doodo arrinta, uu na ga,aanka kama dambaysta ah asagu ka gaadho.Sidaas la ma yeelin oo Shirka Golaha dhexe xaqiisii iyo kaalintiisii sharciyeed la ma siinnin.  Shirkii Golihii Dhexe ee xisbiga Kulmiye ee ahaan ha’ydda leh awoodda u sarraysa ee ka go’aangaadhi karta waxa lagu eedeeyo xubin sare oo xisbiga ah, waxaa la yidhi gacanta qudh ah taaga; waxaa laga dhigay sidii shaabbad lagu dhufanayo warqadda meesha laga akhriyey oo keli ah.Haddii qaabkani dhaqan u yahay xisbiyada Soomaaliland- taasoo aanan biciidsanynin- sharcinnimada dhammaaan ba go’aannadooda siyaasadeed iyo doorashooyinka madaxdooda ba su’aal baa dul-hoganaysa.

Waxaan qodobkan raacinayaa sawirradii aykamarada tv-gu qaadday oo laga daawaday intenetka. Waa askariga sida dhaqsaha badan ugu soo dhaqaaqay ee kursiga hoos ugu riixay ninkii dacwada lagu oogayey. Sida muuqata askarigaasi hore ayuu ugu jiray gudaha goobta lagu shirayey, waayo isla markii uu shirguddoomiyuhu hadalka u diiday ninka la dacweynyaayey ayuu askarigu ku  soo dhaqaaqay. Askari soomaaliyeed madaxda ayuu eegaa, waxaa na uu ku tallaabsadaa waxa uga muuqada ama uu isleeyahay way doonaysaa madaxdu ( waa haddii aanay madaxdaasu amar toos ah ba siinin). Sababtu waxa weeye Askariga soomaaliyeed waxa uu la mid yahay dadweynaheenna oo ma yaqaan sharci ka baxsan( ka sarreeya hadalkiis daayoo) madaxada sare. Sidaas darteed askariga madasha shirka dhexdeeda ka hawgalay, haddii aan amar ba lagu siinnin sidii uu yeelay, wuxuu falaywaxiimeesha uga muuqday ee ahaa wax ay madaxda meesh joogtay doonaysay. Su’aashu  halkan waxa ay tahay ma dhaqan bay Soomaaliland u tahay in ciidammada amnigu ay goobta lagu shirayo gudaha u soo galaan?

Mabaadiida lagaga dhaqmo shirarka arrimaha caaamka lagu hayo waxaa ka mid ah in xubno siman lagu yahay oo sinnaan loo wada tashanayo; sidaas owgeed ciidammada amniga, haddii laga maarmi waayo, waxa la dhigaa goonyaha goobta shirku ka socdo iyo meelaha debedda shirka ka ah ee dan loo arko. Shir kasta waxaa ka dhaci kara dood iyo muran adag. Haddii la ismari waayo shirguddoonka waxa u furan in uu shirka xidho oo mar dambe la isu soo noqdo. Ma se hagaagsana in ciidan la adeegsado oo gudaha shirka la soo geliyo, waayo waa hub dhinacyada doodaya midkood gacanta ugu jira; Waxaa na sidaa ku ba’aya jawigii dimoqraadiyadeed ee ay doodda shirku u baahanayd. Runtii taasi waa xaaladda si weyn looga arkayey shirkii  Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye taa soo saamayn weyn ku yeelatay sidii arrinta Cabdirsxmaan Cabdilqaadir u dhacday. Askarigii wuxuu noqday awood aan udhex ahayn labada dhinac ee uu Golaha Dhexe u garnaqi lahaa, bal waxa uunoqday awood gaar ugu adeegtay shirguddoonka. Haddii ay taasi Kulmiye ku gooni tahay ha isa saxo, haddii se ay dhaqan siyaasadeed inoo noqoto- waa na sida ay i la tahaye-Dimoqraaddiyada Soomaaliland sheeganaysoshaki weyn baa saran.

Qoondada Qabyaaladeed

Si kasata ba ha kutimaaddo ee haddii jagada laga qaaday Cabdirxmaan Cabdilqaadir, hab-dhaqanka jagadaa lagu buuxinayaa wuxuu dhabarka ka jebinayaa dimoqraaddiyada la sheeganayo.  Bal u fiirso. Marka hore ba jagooyinku qabaa’il bay u qoondaysan yihiin; lama waayayo nin (haween ma noqonayo illeyn qabiil baa iska lehe) la qolo ah ka jagada laga qaaday.  Qaabkaasi wuxuu dhalaa una adeegaa kelitalin. Waayo, waxa uu ma-dhacdo ka dhigayaa hoggaan siyaasadeed sal adag leh oo heli kara taageero bulsheed oo heer ummaadeed ah.  Maanta ma ka jiraa Soomaaliland hoggaamiye dhammaan ba dadka iyo dalka, deegaan kasta iyo cid kasta ku leh taageereyaal ku raacsan qiyam iyo fikir iyo waxqabad dan guud oo dadka ka dhexaysa. Ma jiraa hoggaamiye aan ku tirsanayn taageero hiilo qabiil ah ee meel walba cid kasta ba ku leh taageero uu ku hantay qiyamta qarannimo ee u taagan yahay? Geesta kale na ma jiraa hoggaamiye aanay mucaaradadiisu ku dhisnayn ‘annaga ma aha iyo waa shisheeye; annaga ma aha ee waa iyaga?’.  Maya ma jiro. Qofkii igu diiddayaa ha dhawaaqo oo ha sheego kuwa ay yihiin.

Mar haddii ay taageero qabiil tahay, siyaasiga reer hebel sal adag ku ma taagna;  jagada Hebel ka kaco Hebel kale oo isla qoladii ah baa la keenaa, way na ku dhan tahay. Wax badan baynu taas u soo joognay. Taageerada siyaasadeed ee qabiil waa magaca Reer Hebel iyo ‘cidi ma inoogu jirtaa meesha’. Waxaa tidhaahdaa ‘ haa oo Hebel baa inoogu jira’. Ku filan! ‘Haddii Hebel aad erido Hebel kale uun baad keeni’ kuna dhan. Hebelladan la wadwado midkoona sal adag ku ma fadhiyo waayo waa muuq aan marna la waayeynin. Hoggaan siyaasadeed oo sal qabiil cuskani wuxuu dalka gelinayaa khalkhal joogta ah,waayo dadka mar walba qabaa’il buu u kala jejebinayaa. Hadda Xisbiga Kulmiye qaabkaas qoondada qabyaaladeed ah bay raaceen oo nin la yidhikii laga keexeeyey buu la qolo yahay, baa la keenay. Waxaa ka roonayd in ay noqoto jago xubin kasta oo xisbiga ah loo dooran karo oo danta ummadda loogu tartamo.  Wacnaan lahaydaa in aynu hanka kor loo qaado oo aynaan nafteenna ka hiiline, ugu yaraan aayaha ubadkeenna u hiilino.

Ayaandarro qabyaaladda siyaasadeed waa bacaad dabayshu mar ba dhinac u duubto; siyaasiga soomaaliyeed na maanta bacaadkaas ayuu ku dul-taagan yahay. Dal iyo dad mid na uma maqna ee hungurigiisa ayuu u la daba ordayaa bacaad ay dabayshuafarta jaho u buubinayso.

Xaggee hiilada maanta la geeyaa?

Waxaa jira kuwo durba hiilo qabiil shirar u qabtay oo sawaxankoodu yeedhay. Waxa la wadwadaa magacyada nacarada qabyaaladeed lagu maldaho ee la yidhaa beesha meel-heblaayo iyo bariga iyo galbeedka magaalo Hebla. Waa magacyada ay warbaahin caruureedda dalka ka soo if-baxday fidisay ee sharciyad siyaasadeed ee sillan u yeeshay in dalka qabaa’il loo kala yeesho.

Waa shirar ay tollaalla’y badani ka muuqato oo laga wado, sida ka muuqata in Cabdraxmaan Cabdilqaadir Tolliimo loogu hiilinayo. Ayaarrdarro se hiilo ugu majirto ninka la leeyahay waa loo hiilinayaa sidaas. Haddii ay ujeeddadooda hiiladiisa tahay, ayaandarradu ka sii weyn, waayo isma oga ee way ka hiilinayaan. Taageerada qabyaaladeed ma aha teegeero ee waa sida kale.  Marka ay qabyaalad ku taageeraan qaddiyadiisii ba way lumaysaa. Ninkni haddii uu gar leeyahay gari,“Allay taqaane” dadka dalka ku nool iyo aadamiga caddaalad jecel oo dhan baa la jiri.  Taageero qabyaaladeed se fidno, shar iyo in dadku colloobo oo qudh ah ayaa ka dhalanaya. Ninka qabyaalad loogu hiilinayaa muranla’aan wuu ku khasaaroobayaa, waxaa se ka sii weyn oo ku khasaaroobaya dalka iyo dadka soomaaliland dhammaantii. Marka aynu kelidii ba ku koobno, kuwa qabyaalad ku hiilinayaa ma arkayaan tirad badan ee ka mid ah dadkaku nool dalka iyo debeddiisaba ee maanta la jira. Kama fekerayaan in ay dadkaas ka fogaynayaan oo ay ka goynayaan, bal  in ay magaca qabiil dartii, collaadda ay dadkaas gashanayaan asagana u gelinayaa.

Caqliga sami cid wal ba wuu ku jiraa; ha yeeshee danqashada nacarada qabyaaladeed iftiinka caqliga waa u nacab oo way demisaa. Malaa waxaa loo baahan yahay in aynu caqliga hiil ka dhigano. Waxa uu caqliga sami ina farayaa in aynu hiilino. Waxa uu ina tusayaa fursad aad qaayo leh oo aynu u hiilino karno Cabdiraxmaan Cabdilqaadir, iyo nafteenna ba.Asaga, xisbiga kulmiye, xisbiyada kale madaxda dawladda, dalka Soomaaliland iyo dadka ba dhammaan waxa u hiil ah caddaaladda iyo ku-dhaqanka sharciga iyo dhawridda xuquuqda dadnimo ee qof kasta ba. Waxa uu caqliga sami ku talinayaa in uu Xisbiga Kulmiye isku noqdo oo uu mar kale si kale oo waafaqsan hab-raaca caddaaladda u eego qaddiyaddiiCabdiraxmaan Cabdilqaadir.

Waxaa habboon in Xisbiga Kulmiye u saaro arrinta guddi dhexdexaad ah oo ay dhinacyadu ku kalsan yihiin oo mar kale si wacan oo hufan uga baaraandegta kana soo saarta go’aan loo wada hoggaansamo. Tallaabdaasi xurmadii xisbiga Kulmiye na way soo celin kartaa, awrtii qabyaaladda la doobyeysay iyo ta kale ee la soo qudhub-dhabaynaysa, labada baway inaga joojinaysaa. Fursadda qiimaha leh ee ay tahay in laga faa’iidaysto waa in aynu u hawlgallo sidii aynu yeelan lahayn, hoggaan, mid xisbi iyo dawladeed ba, mushkiladaha dhexyimaadda maamuli yaqaan oo dhawra xorriyadda iyo xuquuqda dadnimo,ka na kora qaabka dabinnada la isu qoolo iyo booraamaha la isu dedo iyo fikirka la isku khilaafo oo loo rogo colaad dadka lagu la galgasho oo ummadda ba halis gelisa.

Rashid Sheekh Cabdilaahi

Abriil 20, 2012