Dhacdadii lagu dilay Wariye Cabdisalaan Xiis oo weji kale yeelatay

Muqdisho, (SLpost)- Mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeeyay shaaciyay in falkii lagu dilay Weriye CabdiSalaan Sheekh Xasan (Xiis) oo ka tirsanaa Telefishanka Horn Cable ee magaalada Muqdisho uu la xidhiiidho mooshinkii xilka Guddoomiyenimo looga qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaankan oo magaciisa ku soo gaabiyay Cabdiqaadir, ayaa sheegay in falka lagu dilay weriye C/Salaan Xiis uu la xidhiidho cajalad CD ah oo uu ka soo diyaariyay kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka ee ay xilka uga tuureen Guddoomiyihii hore Shariif Xasan Sheekh Aadan, cajaladaasi oo dhowr koobi laga sameeyay isla markaana la faafiyay iyadoo xitaa gacanta loo geliyay wafdigii QM ee xaqiiqo raadinta ee dhowaan Muqdisho tagay.

“Kooxaha dilay Weriye C/Salaan Xiis waxaa soo adeegsaday Guddoomiyihii hore Shariif Xasan Sheekh Aadan, bacdamaa uu isagu soo diyaariyay cajalad CD ah oo uu ka duubay mooshinkii xilka looga qaaday isaga,” ayuu yidhi Xildhibaan C/qaadir oo sheegay dhinaca kale in falka dilka ah ee loo geystay weriyahaasi uu si aad ah uga xun yahay.

Marxuum Cabdisalaan Sh. Xasan Xiis

Dhinaca kale, Xildhibaan C/qaadir ayaa sheegay in kiiska la xadhiidha dilka Weriye C/Salaan Xiis uu lugaha la gelayo madaxda ugu sareysa ee Dowladda KMG ah, waxaana hadalka Xildhibaanka uu ku soo beegmayaa iyadoo maanta Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka-sida ee Soomaaliya Xasan Maxamed Xuseen Muungaab uu ku dhaartay inuu gacanta ku soo dhigayo kooxihii dilay weriyahaasi, walow uu sheegay in kiiskiisa laga yaabo inuu lugaha la galo madax ka tirsan Dowladda KMG ah.

 Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net