Dhaawac iyo Dhimasho ka dhashay Roob Xooggan oo Galabta ka da’ay Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay, 18 kalena waxa ka soo gaadhay dhaawac waxyeello uu sababay roob weyn oo ka da’ay inta badan Magaalada Hargeysa.

 

Dadka dhaawacmay waxa ku jira ilaa shan Dumar ah, sida uu sheegay masuul ka tirsan Dawladdu.

 

 

 

Roobkan oo hooray abaaro 5:40 Galabnimo saacada Geeska Afrika, ayaa watay dabeyl dhibicda ku lamaanayd oo dumisay guryo kala duwan, Biraha Xadhkaha dabka Xambaara iyo Boodhadhka wax lagu xayeysiiyo.

 

Masuuliyiin u hadlay Dawladda oo uu kamid yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo saacado kaddib markii roobku da’ay ka hadlay Warbaahinta ayaa tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen Dadku, kuwa dhaawacmayna ugu duceeyey in alle caafiyo.

 

Masuuliyiinta ayaa shirkaddaha Korantada, kuwa Isgaadhsiinta iyo xarumaha Boodhadhka xayeysiisyada sameeya ku amray in ay Magaalada ka basriyaan qalabka waxyeellada sababta u noqda ee ay kamidka yihiin Biraha Korantada, Boodhadhka iyo Taawarada Isgaadhsiinta gudbiya.

 

Ciidamada kala duwan ee Booliska oo gurmad bilaabay markii roobku qaaday, ayaa wali howlgal gurmad ah ka wada Magaalada, waxaana dadka waxyeelladu gaadhay la keenay Cisbitaalka guud iyo goobaha kale ee Caafimaadka oo lagu dabiibayo.

 

Dhinaca kale, Adeegga korantada ayaa xaafado kamida magaaladda ka maqnaa qadar laba saacadood ku dhaw, iyadoo guud ahaanba uu istaagay dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo isu socodku koranto la’aan, waxaana meelaha dhibaatadaasi ka dhacday kamida Degmooyinka Gacan libaax, 26 June iyo Kood-buur.

 

Qof Ganacsade ah oo la hadlay Gobanimonews, ayaa sheegay “waxaan ku shaqaynayaa oo aan wax ku iibinayaa Tooshka Mobile-ka, waxaanay korantadu maqantahay ilaa markii roobku da’yey”ayuu yidhi Xasan oo ah Dukaanle degen Xaafada Sh. Nuur.

 

Shirkaddaha bixiya adeegga Korantada oo ay ugu weyn tahay SOMPOWER ayaa ka dhego-adaygay awaamiir dawladdu ka soo  saartay mashaqada sanad walba xilliga roobka ka dhalata Biraha iyo xadhka sida loollanka iyagoo isku dhex daadsan meel walba u teedsan.