Denmark oo ka doodaysa sharciyo qaxooti

Denmarka(SLpost)-Baarlamaanka Denmarka ayaa ka doodaya maanta, sharci ogolaanaya in laga qaado lacagta iyo waxyaabaha qaaliga ah ee dadka qaxootiga markii ay imaadaan Denmark iyo in la adkeeyo inay keensan karaan reerkooda.

150910021631_denmark_migrants_624x351_reuters

Qaxootiga la imanaya in kabadan kun iyo afar boqol oo dollar, ama wax qaali ah ayaa laga doonayaa inay qaar ka bixiyaan taageerada ay ka helayaan dowladda.

Qorshaha ayaa waxaa cambaareeyay hayadda Qaramada Midoobay ee qaxootiga. Dowladda Denmark ayaa sheegtay in talaabada loo baahan yahay si loogu yareeyo dadaka imanaya.