DENBIILEYAASHA DAGAALKA IYO DIBU-HESHIINTA SOMAALIDA – W/Q: Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)

Marxuum Maxamuud  Maxamed Diirye (Kamas), oo isagoo naftu ka sii KHIIKH leedahay ay baadi doon ku heleen dadkii la socday ee rasaastii Ciidanka Faqashtu gees martay oo dhulka ayga ah ka soo baxay, ka dib markay ciidankii goobtii ka tageen, waxaa laga soo wariyay inuu yidhi: Gaadhi baroon ah ayay igu eryadeen, oo ay i jiidhsiiyeen, oo imuu dulmarine, wuu i tuuray, markaan is idhi kacna, waxay igu fooraryeen rasaastii qoriga baroonka ee gaadhiga ku rakibnaa. Dadkii soo qaaday dhaawaca marxuumka, oo isla maalintaa, casarkii gaabnaana , iyaddoo la sido Garabis iyo Sheekh Moodhle dhexdooda ku go’ayy, waxay sheegeen inay rasaastu kaga dhacday labada garab-dhexdood (Xaga dhabarka), oo ay ka baxday naaska bidix dushiisa, oo aad moodaysay bay yidhaadeen in booraan laga qoday. Madaxweyne Siilaanyo duudsiyi maayo marxuum Maxamuud Kamas, iyo intii la midka ahayd xaqooda.

Maalintii Isniintii ee ay taariikhdu ahayd 2.7.2012, ayaa anigoo bun (Coffee) ka cabayan kafateeria ku taala Suuqa Yaya Center ee magaalada Nayroobi ee dalka Kiinaya, waxaa meeshii soo galay Ex- Sarreeye Guuto Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan), oo waagii dambena loo bixiyay Dad-qalkii Hargeysa (Hargeysa Butcher). Jeneraalka markii aanu indhaha isku dhufanay, maadaama aanu isagu aqoon ii lahayn, Soomaalina uu ii gartay waxaan qiyaasay inuu u soo holaday inuu ila hadlo ama i salaamo; halka aniguna aan markiiba aan xusuustay 50,000 qof ee rayadka ahaa ee aay ciidamadii uu taliyaha ka ahaa xasuuqay sanadkii 1988, kaas oo uu awood u lahaa inuu joojiyo; ka dibna waxaa igu kulmay cadho, tiiraanyo, iyo tashi walbahaar wata oo if iyo aakhiroba khuseeya; oo mararka qaarkood i geyaysiinayay inaan kor u hadlo anigoo caytamaya.… ISMA OGA OGAAN IYO NINKII AABAHEED DILAYE,

Ninkii bunka ii keenay ayaa ila yaabay markaan ka kacay koobkii oo buuxa, ee aan sidii nin waalan lacagtii ugu dhiibay, xataa ma garan karo lacagtaan u dhiibay intay ahayd, iyo inaan baaqi ka qaatay. Waxaanse sii xusuustaa indhihii argagaxa lahaa ee uu mudalabkii igu soo eegayay, markuu  I waydiiyay maxaa kugud hacat (What is wrong with you), ee aan juuq u odhan waayay.

Hadaba, waxaa is waydiin leh- wada-hadalada madaxda Soomaalida u socda, MA LAGA HADLAYAA DENBIILEYAASHA DAGAALKA in cadaalada la hor-keeno; mise sideenii bayn odhanaynaa – CAANO QUBTAY, DABADOODAA LA QABTAA- Wallee inaan kuwan la qabanayn ilaa  ninkii  Maxamuud Kamas gawracay cadaalada la horkeeno. Waxaaba igaga sii daran ciidamada Afrika  ee Xamar jooga oo ragaas gegida dayuuradaha kaga hortaga. Waxaan Madaxweyne Axmed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ba u sheegayaa inaanay markaba ku deg-degin inay ka wada-hadlaan kala go’ iyo midnimo midnaba ba, balse ay hoose ka soo bilaabaan wada xaajoodka, oo ay ka mid tahay in cadaalada la horkeeno ciddii walaalkay iyo intii la midka ahayd isir nacayb iyo kibir ku dilay.

Dhinaca kalena, waxaan Ilaahay naxariistii jano uga baryayaa dhamaan dadkii aan waxba galabsan ee lagu xasuuqay dagaaladii umulo dooxa ahaa ee Soomaalida dhex maraya, oo uu ku jiro, walaalkaygii igu dhalasho xigay, marxuum Maxamuud Maxamed Diiriye (Kamas), oo isagoo 24 jir, doob ah, ay ciidamadii Qaybtii 26aad ee Xooga Dalka Soomaaliyeed ee uu taliayaha ka ahaa Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) ku dileen duleedka tuulada Garabis oo hilaada 20 kiilometer galbeed uga jirta magaalada Hargeysa; abaara 3:30 galabnimo, badhtamihii bishii Juun, 1988 (Alle ha ha naaxriisto).

Sida ay isku raaceen markhaatiyaal goob joog ahaa oo aan waqtiyo kala duwan, ku wraystay meelo kala duwan, dad rayad ah oo qaxooti ah oo uu Marxuum Maxamuud Kamas ka mid ahaa, iyo maraga aan waraystay ayaa Hargeysa uga cararay dirirtii 30.5.1988, ka dhex qaraxday ciidankii dawladii talada haysay iyo xoogagii ku-lidka ahaa ee SNM. Markii magaaalda laga qaxayay, hadba koox ehel isu ah ama isku xaafad ah ayaa sida mawjadaha badda magaalada afarteeda gees uga burqanayay. Qaxootigaa walaalkay ku jiray waxay ka qaxeen xaafada Jameeco Wayn oo ah gurigii ay Hargeysa ku dhalatay; waxay marba jiho afka saaraanba, todobaad ka dib ayaa iyagoo goor casar ah bariis cad ku karsanaya gunburta Garabis aya laba gaadhi oo qoryo ku rakiban yihiin, oo nooaca baroonka loo yaqaano ah oo xawli gaabinaya oo gaadmo ah ku socday iyo ciidamo barbar lugaynayay ay kayn shareeran kaga sida bahalka uga soo boodeen.

Halkaasoo ay labadii gaadhi iyo ciidankii lugta ahaaba si arxan darro ah rasaas ugu af-rogeenn qaxootigii habqanka ahaa oo ay ku jireen umulo, abaydin, waayeel, bukaan socod, iyo wax-ma-gaysato ay ku idil yihiin noocyada gol-jilicda bulshada.  Qof kasta oo goobtaa, iyo goobihii badnaa ee xasuuqa joogay, ama sidayda loo soo tabiyay wuxuu xusuusanayaa baydadkii ku jirey gabaygii Hadraawi tiriyay waayadii xoogagii jabhadii SSDF ay Puntland kula dagaalamayeen dawladii talada haysay, oo dhawr sanadood ka horreeyay maalintii walaalkay la dilay; halkaasoo ay ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed ee walaalkay dilay, ay xasuuq ka wadeen goboladda maanta loo yaqaano Puntland. Waxaa gabayga laga dhadhansanayaa in gabayaagu ka quustay taladii uu taladii uu ujeedinayay madaxdii iyo ciidankii qaranka ooy dheg-jalaq u siin waayey, ka dibna ay dan iyo taagi gayaysiiyeen inuu waanadiisa kula quusto hubkii maatada lagu afuufayay.- wuxuu yidhi:

Haybad iyo xishoodlaay (Rasaasta ayuu uga jeedaa gabayaagu)

waayeel habsooboo

hakinaaya jaantiyo

hablo maydhax diirtiyo

Ummul fool hallawdoo

abidiyo hurgumadii

hoosteeda yaalliin

Hadal barad gurguurtoo

hawadiisu caaniyo

hooyo naaska joogtiyo

Habaqlaha aroorkee

horashada ku jeediyo

jidib iyo hangoolliyo

habartana ma geydaa?

Colka Barri haratiyay (Gobolka Barri e Boosaaso laga xukumo)

Hubka Mudug ku talax tegay

Alleylehe hubsiimiyo

Haku baa u ekayd

Hada ogaada Maxamed Siciidb Xirsi waxaaba laga yaabaa inuu markuu wada hadalada Soomaliland iyo Soomaaliya maqlay inuu is-yidhaa waataa la is-wada cafiyay, ee la midoobay; oo uu qal-qaalo u galo in qaybtii 26aad taliye looga dhigo.. ADDUUNYO.

Axmed Maxamed Diiriye (Toorno),

Nayroobi, Kiiniya